Itoobiya: Muxuu Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inuusan mar dambe maxkamadda hortagi doonin

Madaxweynihi hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar
Qoraalka sawirka, Cabdi Maxamuud Cumar
Published

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuusan mar dambe hortageyn maxkamadda kiiskiisa gacanta ku haysa.

Madaxweyne Cabdi iyo Soomaalida kale ee la xiran oo maxkamada la horkeenay ayaa sheegay iney mardambe maxkamadda ay hor imaneyn maadaama aysan caddaalad helin.

Cabdi wuxuu maxkamadda ka sheegay in dadkii ay isku kiiska ahaayeen ama kiisaska loo haysto ay ka sii cusleyd la sii daayay balse maxabiista Soomaalida uu isagu ka mid yahay oo keli ah xabsiga lagu sii hayo, ayna jirin sabab Soomaalida oo keli ah xabsiga ay ugu sii jirayaan.

Cabasho ay maxkamadda u gudbiyeen Cabdi iyo Maxaabiista la xiran waxay sheegeen in 17 maxbuus oo qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya ka soo jeedo la sii daayey.

Talaadadii ayay ahayd in maxaabiistaasi ay hor yimaaddaan maxkamadda dacwaddooda gacanta ku haysay balse dhammaantood wey diideen iney maxkamadda hortagaan.

Xubnhaa dambiyada waaweyn loo haystay ee ay dowladda dhexe ee Itoobiya sii deysay uu Cabdi soo xigtay waxaa ka mid ah Sibhat Neggaa oo ahaa aasaasaha isla-markaana maskaxda ay fallaagada TPLF ku shaqeyso iyo xubno kale oo qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ka soo kala jeedo.

Muddada uu Cabdi Maxamuud Cumar uu ku jiray gacanta dowladda dhexe waxaa marar badan la soo taagay maxkamadda sare inkasta oo ilaa iyo hadda wax go'aan ah oo ay maxkamadda kiiska Cabdi ka gaartay aysan jirin.

Madaxweynihi hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsi loo sii wado

Xigashada Sawirka, ETV

Qoraalka sawirka, Cabdi Maxamuud Cumar

Goormaa la xiray?

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la xiray bishii August 2018-ka. Ciidamada amniga ee dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud Cumar ka kaxeeyey gurigiisa oo ku yaallay magaalada Addis Ababa.

Baarlamaanka deegaanka Soomaalidana waxay Cabdi Maxamuud Cumar xasaanaddii ka qaadeen 26-kii August 2018-ka.

Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa meel u dhow Hotel Atlas ayay ciidamada federaalka ka kaxeeyeen, halkaas oo uu muddo bil ku dhow ugu jiray xabsi guri.

Muuqaal xilliga Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga loo taxaabayey warbaahinta dowladda lagu baahiyey ayaa laga arkayey isaga oo askar hubeysan oo Federaal boolis ah ay garab socdaan.

Cabdi Maxamuud Cumar

Xigashada Sawirka, ESRTV

Cabdi yaa haysta?

Xeer ilaaliyaha Guud ee Itoobiya oo xarigga Cabdi ka hadlay wuxuu sheegay in loo haysto gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagrifalid awoodeed. Cabdi ayaa beeniyay eedeymahaasi.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlay xarigga Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu sheegay inuu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Cabdi Maxamuud Cumar oo 8 sano madaxweyne ka soo ahaa dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya wuxuu xilka iska casilay 6-da August 2018-kii.

Hase yeeshee muddo bil ah marka uu xabsi guri ku jiray ayaa xabsi loo taxaabay laguna soo oogay dacwad la xidhiidha rabshado ka dhacay magaalada jigjiga 24 bisha August ee 2018-ka oo la sheegay iney ku dhinteen dad kor u dhaafay 40 qof.

Cabdi waxa uu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan.

Cabdi Maxamuud xilligi gurigiisa laga kaxeynayey

Xigashada Sawirka, EBC

Qoraalka sawirka, Sawirka waxaa la qaaday 2018-kii

Maxaa loo haystaa?

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xilka madaxtinimada wareejiyay saddex sano kahor maanta oo kale, ka dib siddeed sano oo uu xilkaas hayay.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib rabshado hareeyay magaalada Jigjiga ee xaruunta Dowlad Deegaanka, iyadoo ay jireen isku dhacyo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada oo khasaaro nafeed iyo mid hantiba geystay.

Cabdi wuxuu ku eedaysan yahay inuu gaystay "dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed," xilligii ay rabshada ka socdeen Jigjiga ee Bishii August 2018. Balse dhankiisa wuu iska fogeeyay dhammaan eedeymahaas.

Intii uu Cabdi madaxweynaha ahaa waxay hay'adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda ku eedeeyeen in tacadiyo laga geystay deegaanka, gaar ahaan Jeel Ogaadeen oo ay ku xirnaayeen dad badan oo loo haystay in ay ka tirsanaayeen Jabhadaha ama ay taageerayeen.

Xeer ilaalinta deegaanka Muxuu Cabdi ku soo eedeeyey?

Xafiiska xeer ilaalinta dawlad deegaanka Soomaalida Dalka Itoobiya, oo muddo waday baadhitaan ku saabsan tacaddiyadii iyo gabboodfalladii ka dhacay deegaanka, xilligii uu hoggaanka hayey madaxweynahii hore ee dawlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ay natiijadii baadhitaankaas u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee dawladda federaalka Itoobiya.

Magaalada Jigjiga

Xigashada Sawirka, JIigjiga City Adminstration

Cabdiweli Jaamac oo ah xeerilaaliyaha dawlad deegaanka, ayaa BBC-da uga warramay bal waxa ay yihiin tacaddiyada ay gudbiyeen, isaga oo sheegay in ay yihiin kuwii la galay tobankii sano ee u danbeeyey.

"Dhibaatooyinka dadka lagu samayn jirey waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, reero badan oo iyaga guryahooda iska jooga inta ciidan la soo geliyo la layn jirey iyaga oo aan waxba galabsan, kufsi la gaysan jirey. Waxaa kaloo jirtay dadka inta la xidh xidho jeelasha lagu layn jirey, sida Jeel Ogaadeen oo kale. Dhibaatooyin balaadhan ayaa ka dhacday deegaanka waa la wada ogyahay. Dhibaatada dadka lagu samayn jirey aad bay u ballaadhnayd," ayuu intaasi raaciyey Cabdiweli