Halyeeyaddii Hindiya ee codka halaasiga lahayd, Lata Mangashkar oo geeriyootay

Lata Mangheskar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Lata Mangeshkar waxay qaadday ilaa 30,000 oo heesood oo ka kooban noocyo badan kuwaas oo isugu jira 36 luqadood
Published

Lata Mangeshkar, ayaa maanta ku ku geeriyootay Mumbai iyadoo 92 jir ah, waxay ahayd halyeyad ku xeel dheer hidaha iyo dhaqanka Hindiga waxay sidoo kale ahayd hanti qaran oo ku soo caanbaxday aflaanta Bollywood-ka - inkastoo ay dhab ahaantii ka soo muuqatay shaashadaha filimaan fara ku tiris ah.

Xiddigta sida qadiimiga ah loo tababaray ayaa caan ka noqotay fanka Hindiya ee sida xawliga ah ku socda, iyadoo noqotay heesaa, oo codka heesa ah siin jirtay jilayaasha aflaamta Bollywood-ka muddada ay soo jirtay oo ahayd in ka badan nus qarni.

Muddo tobanaan sano ah, Lata Mangashkar waxay ahayd fannaanka loogu doonista badan yahay waddankaas, iyadoo atariisho kasta oo sarena ay doonaysay inay qaado heesahooda.

Dhanka kale, waxay qaadday ilaa 30,000 oo heesood oo ka kooban noocyo badan kuwaas oo isugu jira 36 luqadood.

Aad baa loo mahadiyay'

Lata Mangeshkar waxa ay ku dhalatay magaalada Indore ee bartamaha dalka Hindiya 28-kii Sebtembar 1929-kii. Aabaheed waxa uu ahaa heesaa, jilaa masraxyada gilgila iyo soo-saare riwaayadaha muusiga ee luuqadda Marathi-ga.

Waxay curad u ahayd shan caruur ah oo la dhashy, iyadoo walaalaheed ay raaceen wadadii ay martay, sidoo kalena waxay noqodeen fanaaniin caan ka ah Hindiya.

Wareysi lala yeeshay, Mangeshkar waxay ku sheegtay in qoyskeedu ay ku caan baxeen muusiga qadiimiga ah.

Weligeed waxbarasho toos ah ma yasan gelin. Gabar shaqaalo ah ayaa bartay alifbeetada Marathiiga, wadaadka deegaankana waxa uu baray Sanskrit, halka qaraabada iyo macalimiinteeda ay guriga ku bari jireen maaddooyin kale.

Xaaladda ayaa ku adkaatay ka dib markii aabaheed uu khasaaray ka dibna laguna khasbay inuu xiro shirkaddiisii ​​tiyaatarka. Qoysku waxay u guureen galbeedka magaalada Poona oo la yirahdo (Pune). Kadib geeridii aabaheed, qoysku waxay u guureen Bombay (oo markii dambe loo beddelay Mumbai).

Lata Mangheskar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Lata Mangheskar waxay ka soo jeedda qoys hibo u leh muusigga
white spacer

Ugu dambeyntii waxaa wax u suurogashay inay wax wax ka jishay siddeed filim oo Marathi iyo Hindi isugu jira. Sannadkii 1947-dii, waxay samaynaysay nolosheeda jilitaanka filimada - laakiin kuma faraxsanayn.

'Anigu cabsi ma qabo'

Waxay ku luuqaysay heeso badan oo xusuusta galay, waxay sidoo kaalin muhiim ah ay ka qaadatay aflaan caan ah oo ka mid yihiin Pakeezah, Majboor, Awaara, Mughal e Zam, Shree 420, Aradhana iyo Dilwale Dulhania Le Jayenge.

Lata Mangheskar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Lata Mangheskar waxay noqotay Hindigii ugu horreeyay ee bandhig faneed la sameeysa Kooxda Orchestra ee Wren ee ka dhacay Hall-ka Royal Albert.

Waxay u heesi jirtay atariisho kasta oo dumar ah, laga soo bilaabo Madhu Bala 1940-meeyadii ilaa Kajol 1990-meeyadii, iyada oo garab taagan fannaaniin caan ah, oo ay ku jiraan Mohammad Rafi iyo Kishore Kumar. Sido kale waxay la shaqeysay agaasimayaal Bollywoodka hormuud ka ah, sida Raj Kapoor iyo Guru Dutt ilaa Mani Ratnam iyo Karan Johar.

Waxay sidoo kale heeso la qaadday walaasheed oo ah heesaa kale oo hormuud ah oo la yirahdo, Asha Bhosle iyada oo ka fogaanaysa wax calaamad ah oo muujinaya xafiiltanka walaalaha inkasta oo ay xirfadahooda isku mid ahayd.

"Aad ayaan isugu dhownahay - waligeen maanu tartamin," Caasha ayaa u sheegtay BBC-da 2015. "Jacayl badan ayaa naga dhexeeya, aad ayaan ugu raaxeeystaa inaan la heeso."

Mangeshkar waxa ay ahayd haweeneey aad u karti badan si ay ula tartanto fannaaniinta ragga ah ee ugu sarreeya, sida Mohammand Rafi.

Mangeshkar iyo walaasheed Asha Bhosie oo iyadana ah fannaad caan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mangeshkar iyo walaasheed Asha Bhosie oo iyadana ah fannaad caan ah

Mar la weydiiyay heesaheeda caanka ah ee Bollywood ayay Mangeshkar sheegtay inay u badan yihiin heesaha jacaylka.

Haweeney xamaasad badan

Waxay ku raaxaysatay dhageysiga Mozart, Beethoven, Chopin, Nat King Cole, the Beatles, Barbra Streisand iyo Harry Belafonte. Waxay u tagtay inay aragto Marlene Dietrich oo ku heesaysa masraxa, waxayna jeclayd tiyaatarka Ingrid Bergman.

Waxay kaloo aad u jecleyd in ay soo daawato filimada Hollywood-ka waxay gaar ahaan aad u jeclayd filimka The King and I, oo ay sheegtay in ay ugu yaraan dawaatay 15 jeer.

Waxay sidoo kale jeclayd Filimada James Bond iyo Sean Connery ama Roger Moore.

Baabuurtu waxay ahaayeen dareen kale. Waqtiyo kala duwan oo nolosheeda ah waxay lahayd Hillman cawlan iyo Chevrolet buluug ah, Chrysler iyo Mercedes. Guriga, waxay lahayd sagaal ey.

Mangeshkar waxa ay teegeeri jirtay ciyaaraha cricket-ka ee aadka u adag, inta badana nasiino ka qaadan jiray duubista si ay u soo daawato ciyaaraha.

Ciyaartoygii hore ee Cricket-ka Hindiya, Sachin Tendulkar (bidix) iyo Lata Mangeshkar. Sawirka waa sanadkii 2014

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciyaartoygii hore ee Cricket-ka Hindiya, Sachin Tendulkar (bidix) iyo Lata Mangeshkar. Sawirka waa sanadkii 2014

Waxay xiiseyn jirtay cunno karinta iyo sawir qaadidda, waxayna aad u siticmaali jireen kamarad Rolleiflex. Fasaxyada Mareykanka ayay u jeclayd gaar ahaan Las Vegas.

"Tani waxay u ekaan kartaa wax la yaab leh, laakiin markii aan fasaxa ku booqan jiray Mareykanka, waxaan jeclaa inaan waqti ku qaato Las Vegas," ayay tiri

"Waa magaalo aad u xiiso badan, runtii aad ayaan ugu riyaaqay ciyaarta mishiinada habeenkii oo dhanna waxaan ku qaadan jiray mashiinka ciyaarta. Aad ayaan u nasiib badanahay oo waxaan ku guuleystay marar badan."

Sannadkii 1979-kii, waxay noqotay Hindigii ugu horreeyay ee bandhig faneed la sameeysa Kooxda Orchestra ee Wren ee ka dhacay Hall-ka Royal Albert.

"Waxaay ilatahay in Farxaddu lala wadaago aduunka, murugaduna waa inaad naftaada ku koobto," Mangeshkar ayaa mar sidaasi tiri.

Muusigeeda aan weligeed laga xiisa dhicin ayaa runtii farxad u horseeday malaayiin Hindi ah, sida Nasreen Munni Kabir ay tiri, "waxay nootay bqoradda codka".