Shuichi Yokoi: Nin 30 sano duurka uga dhuumanayay dagaal dhammaaday oo uusan ka war qabin

Shuichi Yokoi wuxuu gabbanayay ku dhawaad 30 sano

Xigashada Sawirka, OTHER

Qoraalka sawirka, Shuichi Yokoi wuxuu gabbanayay ku dhawaad 30 sano
Published

Maanta ta oo kale, 50 sano ka hor, waxaa la helay askari u dhashay dalka Japan oo geeri lagu xisaabay balse isagoo nabad qaba duurka ku dhuumanayay ku dhawaad 30 sano kaddib markii uu dhammaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Askarigan oo keligiis howdka ku gabbanayay muddo 28 sano ah ayaa ka cabsanayay cadowga la dagaallamayay, balse kama uusan war qabin in dagaalka uu dhammaaday islamarkii uu duurka galayba.

Markii la helay ayaa loo aqoonsaday inuu yahay halyeey, waxaana dib loogu soo dhaweeyay Japan, balse uma suurtagelin inuu la qabsado bulshada ku nooleyd duni isbaddashay oo horumar badan gaartay.

Muddadaas 28-ka sano ah, Shuichi Yokoi, oo darajo ka hayay militeriga Japan, waxa uu ku noolaa keymaha Guam, waxa uuna ku rajo weynaa in maalin maalmaha ka mid ah ay saaxiibbadiis soo raadin doonaan.

Wuxuu mooday inay cadowgii arkeen

Markii ay koox ugaarsato ah ku arkeen jasiirad ku taalla Pacific 24-kii bishii January ee sanadkii 1972-kii, ninkan oo xilligaas ay da'diisu ahayd 57 sano waxa uu u maleeyay in ay cadowgii gacanta ku dhigeen oo naftiisuna ay khatar ku jirto.

"Wuu argagaxay markii uu arkay ugaarsatada," ayuu yiri Omi Hatashan, oo uu adeer u yahay Yokoi.

Muddo dheer kaddib wuxuu arkay bani'aadankii ugu horreeyay ee isaga oo kale ah, maadaama uu u maleynayay cadowgiisana, Yokoi waxa uu isku dayay in uu qoriga ka xoogo mid ka mid ah ugaarsatadii, balse tabar darrada uu ka qaaday cuntada xumada awgeed, wuu ka xoog badin waayay ninkii qoriga heystay.

"Wuxuu ka baqay in ay ka dhigaan maxbuus dagaal - taasi waxay ahaan jirtay ceebta ugu weyn ee uu la kulmo askari reer Japan ah wayna ku adkeyd inay qoyskooda dib ugu soo laabtaan iyagoo maxaabiis ahaan loo soo daayay," ayuu yiri Hatashin.

Markii ay soo kaxeeyeen intii dhexda lagu soo jiray ayuu Yokoi ku ooyay raggii isagoo ka baryaya inay isla goobtaas ku dilaan.

Hatashin waxa uu dhowr sano ku qaatay soo aruurinta sheekooyinka xiisaha leh ee ku saabsan qaabkii lagu soo helay adeerkiis, isagoo isku duwayay xasuusta Yokoi iyo markhaatifurka dadkii soo helay.

Sanadkii 2009-kii ayaa luuqadda Ingiriiska lagu daabacay buugiisii uu kaga hadlayay taariikhda Yokoi. Waxaa buuggan lagu magacaabaa Private Yokoi's War and Life on Guam, 1944-1972 (oo micnaheedu yahay 'Dagaalkii khaaska u ahaa Yokoi ee socday 1944 ilaa 1972').

"Aad baan ugu faraxsanahay waxa uu sameeyay. Waxa uu ahaa nin aamusan oo xishood badan, balse qax qabad weyn leh," ayuu yiri.

Hoy dhulka hoostiisa ah

Dhuumashada dheer ee Yokoi waxa ay billaabatay bishii July ee sanadkii 1944-kii, markii ay ciidamada Mareykanka weerarka ku qaadeen Guam, taasoo qayb ka ahayd howlgalkoodii ka dhanka ahaa militariga Japan ee Pacific-ga.

Yokoi waxa uu sidoo kale sameystay shabaq kalluumeysi

Xigashada Sawirka, OTHER

Qoraalka sawirka, Yokoi waxa uu sidoo kale sameystay shabaq kalluumeysi

Dagaalku wuxuu ahaa mid aad u culus, khasaare dhimasho ayaa gaaray labada dhinacba, balse markii ay jabeen ciidankii Japan askarta uu ka midka ahaa Yokoi waxay ku khasbanaadeen inay iskood u sameeyaan sidii ay ku badbaadi lahaayeen.

"Waxay ku dadaalayeen in ay xaqiijiyaan sidii aan lagu arki lahayn, iyagoo tirtirayay raadkooda marka ay socdaan," ayuu yiri Hatashin.

Sannadihii ugu horreeyay, askarta Japan aad bay u yaraadeen, iyagoo noqday kuwo la qabtay iyo kuwo la dilay.

Balse iyagoo ka cararayay ciidammada Mareykanka ee roondada sameeya iyo ugaarsatada maxalliga ah, si tartiib tartiib ah ayay ugu duseen duurka.

Waxay cuni jireen cayayaanka, masaska iyo duur joogta kale.

Yokoi wuxuu sameystay qalab uu ku disho ugaarta iyo xayawaannada kale ee uu cuno. Waxa uu sidoo kale qotay god uu hoy ka dhigtay, isagoo ku adkeeyay geedo xoog badan.

Ku laabadashadii Guam

Xasuustii Yokoi ee la xiriirtay waqtiga uu is qarinayay waxay muujisay sida uu u diiddanaa inuu is dhiibo, gaar ahaan siddeeddii sano ee ugu dambeysay, isagoo weliba keligiis ahaa. Labo askari oo la socday waxay ku dhinteen fatahaad dhacday 1964-kii.

Waxaa dib loogu soo celiyay bulshada

Xigashada Sawirka, KEYSTONE / GETTY

Qoraalka sawirka, Waxaa dib loogu soo celiyay bulsho ku nool duni isbaddashay

Labo isbuuc kaddib markii laga soo helay duurka, Yokoi wuxuu dalka Japan ku laabtay isagoo loo aqoonsan yahay halyeey.

Waxaa isku gedaamay warbaahinta, waxaana wareysiyo looga qaaday telefishinka iyo raadiyaha, si joogto ah ayaana looga yeerayay jaamacadaha iyo iskuullada waddanka, si uu uga khudbeeyo.

Hatashin, oo lix jir ahaa markii uu Yokoi guursaday eeddadiis, ayaa sheegay in askarigan hore uusan waligiis la qabsanin nolosha casriga ah ee Japan.

Uma uusan bogin horumarka dhinaca dhaqaalaha ee uu waddanka ku tallaabsaday dagaalkii kaddib. Waxaa laga soo xigtay in markii uu arkay lacag dhan 10,000 yen oo iyadoo xaanshi ah bangi laga soo bixiyay uu sheegay in lacagtii ay "qiimo beeshay".

Sida uu sheegay Hatashin, adeerkiis wuxuu ku noolaa xusuustiisii hore, ka hor inta uusan geeriyoonin sanadkii 1997-kiina, wuxuu dhowr jeer dib ugu laabtay Guam, isagoo ay xaaskiisa la socotay.