Waa maxay sawirka ay ka gilgisheen Muslimiinta Ruushka?

Ҳайит

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, In diinta loo gefo gudaha Ruushka waa dembi ciqaabtiisu tahay ilaa $ 300,000 oo ganaax ah ama sanad xabsi ah
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Guddiga baaritaanka ee Ruushka ayaa furay kiis dembi ah oo ka dhan ah sawir lagu qaaday bannaanka masjid. Dadka arrintan looga shakisan yahay ayaa la sheegay inuu baaritaan ku socdo. Islaamka waa diinta labaad ee ugu weyn Ruushka.

Maxay tahay sababta uu sawirkaas doodda u dhaliyay?

Muuqaalka gabar xiran koofiyad madow, jaakad dheer, iyo kastuumo oo isku sawireysa bannaanka Masjidka Moscow Friday ayaa la sheegay in la qaaday shalay. Muuqaalka ayaa aad la isugu wadaagay baraha bulshada, iyadoo dad badanna ay falkaasi cambaareeyeen.

Ka bood YouTube boggan
Oggolow Google YouTube macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka YouTube boggan

Muuqaalkan ayaa sabab u noqday in guddiga baaritaanka Ruushka ay furaan gal dacwadeed.

Sida ay sheegeen guddiga, "dhowr qof oo ku sugnaa meel u dhow Waddada Vipolzov ayaa sameeyay fal looga gol leeyahay in la dhaawaco dareenka Muslimiinta."

Waaxda warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ruushka ee Moscow ayaa sidoo kale warbixinta guddiga la wadagaay bulshada.

Sida laga soo xigtay waaxda wafafainta, "intii uu guddigu baaritaanka ku waday internet-ka, booliiska ayaa helay muuqaal dhaliyay caro diimeed.

Waxaa ka muuqata gabar iyadoo jirkeedu qeyb qaawan yahay lagu hor sawiray bannaanka dhisme diimeed," ayaa la raaciyay warbixinta guddiga.

Guddiga baaritaanka ee Ruushka ayaa sheegay in qofka laga shakisan yahay (oo dhalatay 1981) si deg deg ah loo horkeeni doono guddiga.

Ҳайит

Xigashada Sawirka, AFP

Imaamka Masjidka Weyn ee Moscow, Ildar Alyautdinov, ayaa sheegay in sawirrada lagu galay bannaanka masjidka barakeysan ay muujinayaan xushmad darro. Wuxuu muuqaalka ku tilmaamay "ficil kale oo cadowtinnimo ah".

In diinta loo gefo waxay gudaha Ruushka ka tahay dembi ciqaabtiisu tahay 300,000 lacagta dalkaas amaba sanad xabsi ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska Poster Daily, gabadha waxaa sawirka ka qaadday Maria Katanova oo leh bar ay qoraallao dadka kula wadaagto.

Wareysi uu la yeeshay wargeyska, ayaa waxay sheegtay in "iyadoo mareysa meel u dhow masjidka," ay aragtay dhowr gabdhood oo halkaas sawirro looga qaadayo.

"Waan istaagay waxaana weydiiyay in sawir laga qaadi karo. "

Gabadha ayaa intaas ku dartay "inaysan u jeedin inay cidna aflagaaddeyso ayna jeceshahay xushmadda iyo in guud ahaan la is xushmeeyo."

Kwa mujibu wa takwimu rasmi, kuna zaidi ya Waislamu milioni 20 nchini Urusi

Xigashada Sawirka, RIA NEWS

Qoraalka sawirka, Ilaa 20 milyan oo Muslimiin ah ayaa la sheegay inay ku nool yihiin Ruushka

Tirada kiisaskan oo kale ayaa sanadihii la soo dhaafay ku soo kordhayay gudaha Ruushka. Kiisaska noocan oo kale ah ayaa waxaa ka mid ahaa sawirro lagu galay bannaanka kaniisado.

Kiis walba, dacwad ayaa laga keenay qofka sameeyay.

Qaar ka mid ah dadkii la xukumay ayaa la sheegay inay muteysteen 10 bilood oo xabsi ah.

Sabadkii 2013, Qodobka 148 ee sharciga dembiga ee Ruushka ayaa isbeddel lagu sameeyay.

Waxaa la xoojiyay mas'uuliyadda uu qaadayo qofka wax u dhima diinta dadka, arrintaas ayaana sii xoojisay inay dhacaan kiisaska sidaan oo kale ah.

Sida laga soo xigtay xogaha rasmiga ah, waxaa jira ilaa 20 milyan oo Muslimiin ah oo ku nool Ruushka. Islaamku waa diinta labaad ee ugu weyn dalkaasi Ruushka.Dalka Ruushka ayaa waxaa ku nool Muslimiinta ugu badan dalalka Yurub.