Hindiya: Mataano qaarka dambe isaga dhegan oo "shaqo wanaagsan" helay

Xigashada Sawirka, ANI
Wiilal mataano ah oo qaarka dambe isaga dhegan, waalidkoodna ay ka carareen, ayaa waxaa shaqo siisay shirkad koronto oo ka hawlgasha gobolka Punjab ee dalka Hindiya.
Shirkadda ayaa go'aansatay in wiilashan isku dhegan ay shaqo ka siiso qolka qalabka korontada, uuna midkiiba mushaar ahaan u qaato 133 dollar bishiiba.
"Waan ka mahadcelineynaa in dowladda gobolka Punjab ay aqoonsatay hibadeena," ayay mataanaha oo 19 jir ah ku sheegeen war qoraal ah oo ay soo saareen.
Mataanaha isku dhegan oo lagu magacaabo Sohna iyo Mohna ayaa waxaa tuuray waalidkood iyagoo laba bilood jir ah, waxaana ay ku soo koreen xarun xannaanada carruurta ah oo ku taal magaalada Amritsar.
Venu Parsad oo ah agaasimaha shirkadda ayaa u sheegay wargeyska the Telegraph in Sohna iyo Mohna ay muujiyeen hawl-karnimo. Dhawaan ayay qaateen shahaadada Diploma ee culuunta korontada.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Heshiiska shaqada ayaa waxaa lagu qoray magaca Sohna.
Sanadkii 2003 ayaa waxa ay ku dhasheen caasimadda New Delhi. Waxaa u kala duwan wadnaha, gacmaha, kelyaha iyo laf-dhabarta. Waxaa se ay wadaagaan beerka, kaadi-haysta iyo lugaha.
Dhakhaatiirta ayaa diiday inay kala gooyaan, iyagoo ka baqayay in mid uun uu badbaadi karo, isla markaana uu la noolaan doono xaalado caafimaad oo muddo dheer qaata.
Macalinkooda ayaa ogaaday in ay aad u wanaagsan yihiin sameynta qalabka korontada ku shaqeeya.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

















