You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Vladimir Putin: Hal su'aal oo ay Reer galbeedku iska weydiinayaan arrinta Madaxweynaha Ruushka
In ka badan labaatan sano ka hor markii uu askari ka tirsanaan jiray sirdoonka KGB noqday madaxweynaha Ruushka, hal su'aal oo ay isweydiinayeen dhammaan dadka ku nool dalalka Reer Galbeedka waxay ahayd: "Waa kuma Mr Putin?"
Maanta su'aashaas waxay isu baddashay: "Muxuu yahay qorshaha Mr Putin?"
Tobannaanka kun ee ciidamada Ruushka ah ee la geeyay agagaarka xadka Ukraine, hadallada ka dhanka ah Reer Galbeedka ee kusii kordhaya Moscow; oo ah diblomaasiyadda Ruushka ee u muuqata inuu handadayo Galbeedka halkii uu kala xaajoon lahaa: ma waxaa loo fasiran karaa in Ruushka uu isku diyaarinayo howlgal milatari oo aad u ballaaran? Inuu xoog ku qabsado Ukraine? Arrintani ma hoerseedi doontaa Dagaal?
Si lamid ah inta badan wariyeyaasha ajaanibta ah ee ku sugan Moscow, waxaan hayaa telefoon lambarka xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Kremlin.
Waxa aanan heysanin waa fiilada tooska ah ee ku xiran maskaxda Vladimir Putin.
Isaga oo keliya, ayaa kolleyba o waxa uu qorshihiisu yahay, haddana, gudaha dalkiisa iyo dibaddaba wuxuu dadka ka dhigay kuwo ka fikira waxa dhici doona waxa ay noqon karaan.
Balse waxyaabaha qaar way cad yihiin.
Isbuucan waxa uu ku beegan yahay 30 sano guuradii kasoo wareegtay markii la burburiyay isbahaysigii Midowga Soviet. Madaxweyne Putin ayaa mar arrintaas ku tilmaamay musiibadii ugu weyneyd ee siyaasadda caalamka ku dhacday qarnigii 20-aad."
Weli waxa uu xanuun qota dheer ka dareemayaa sida uu ku dhammaaday Dagaalkii Qaboobaa: oo Moscow ay ku weysaydhul, saameyn iyo maamul boqortooyo.
"Muxuu ahaa burburkii USSR? Waxa uu ahaa burburkii taariikhda Ruushka," ayuu Mr Putin ku yiri dokumentari dhawaan laga sameeyay telefishin. "Waxaan weynay 40% ka mid ah dhulkeennii... inta badan dhulkii aan ku dadaaleynay wax ka badan 1,000 sano ayaa naga lumay,"
Waxaa kale oo uu sidoo kale Ruushku ka ncareysan yahay in Dagaalkii Qaboobaa kaddib uu isbahaysiga Nato isku ballaariyay dalalka Bariga.
Xukuumadda Moscow ayaa Reer Galbeedka ku eedeysay inay jebiyeen ballanqaadyo xagga afka ah oo ay u sameeyeen in gaashaanbuurtoodu aysan isku fidin doonin Bariga Yurub iyo dhulkii hore ee Soviet-ka. Laakiin Nato waxay ku adkeysatay in ballanqaadyo noocaas ah aan la sameynin.
Ruushku dib ma usoo celin karaa waxyaabaha dhacay oo dhan? Waxay u muuqataa inuu isku dayayo.
Isbuucii lasoo dhaafay, ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sergei Ryabkov ayaa daah furay qabyo qoraalka heshiisyo amni oo Moscow ay dooneyso in Mareykanku uu saxiixo. Waxaa warqadahaas ku jira qodobbo sharci ka dhigaya in Nato ay joojiso dhaqdhaqaaqyada militari ee ay ka waddo Bariga Yurub iyo Ukraine.
Waa damaanad qaad amni oo Ruushku uu ka dalbanayo Mareykanka iyo xulafadiisa.
Soo jeedintaas waxay u muuqaneysaa in Nato laga mamnuuco inay ciidamo geyso dalalkii isbahaysigeeda ku biiray 1997-kii. Ruushka ayaa sidoo kale dalbanaya in Nato ay soo afjarto isku ballaarinta dhulkii hore ee Midowgii Soviet.
Shir jaraa'id oo uu Mr Ryabkov ku qabtay online-ka ayaa ugu sheegay in waxa uu Ruushka soo jeediyay uu yahay "In si buuxda dib loogu noqdo natiijadii kasoo baxday Dagaalkii Qaboobaa".
"Anigu kuma aanan tilmaami lahayn dib ugu noqosho ku saabsan natiijadii Dagaalkii Qaboobaa," ayuu ku jawaabay. "Waxaan dhihi lahaa waxaan dib u qiimeyn ku sameyneynaa isballaarinta ay Reer Galbeedka sameeyeen sannadihii ugu dambeeyay, taasoo ka dhan ah danaha Ruushka. Arrintan siyaabo kala duwan ayaa loo sameeyay, iyadoo la adeegsanayo ilo kala duwan, oo ujeeddada ka dambeysana ay tahay mid cadaawadeed. Meeshii ugu dambeysay ayaa la joogaa."
Nato - oo ah isbahaysi difaac - ayaa beeniyay in ay leeyihiin "ujeeddo colaadeed" oo ku aaddan Ruushka.
Balse wixii intaas kasoo haray, sida kalmadda "Meeshii ugu dambeysay ayaa la joogaa", waxay ku tilmaameen inay yihiin oo keliya dhaqamada madaxtooyada Kremlin.
Tallaabadii uu Ruushku ku qabsaday gobolka Crimea sanadkii 2014-kii iyo farogelintii militari ee uu ku sameeyay bariga Ukraine waxay sababeen cunaqabateyno ay soo rogeen Reer Galbeedka.
Maxaa dhacaya haddii Ruushka uu uusan helin damaanadqaadka amni ee uu dalbanayo?
"Waxaan diri doonnaa gantaallo. Balse waa mid ku xiran waxa aad doorataan. Annagu ma rabno sidan," ayuu yiri Dmitry Kiselev, oo soo jeediya warka ugu daawashada badan Ruushka ee ka baxa Telefishinka dowladda, waxa uuna door muhiim ah ka ciyaaraa faafinta farriimaha madaxtooyada ee la gaarsiiyo shacabka.
Mr Kiselev, oo ay saaran yihiin cunaqabateynnada Reer Galbeedka, ayaa sidoo kale madax ka ah warbaahinta weyn ee dowladda, Rossiya Segodnya.
"Haddii ay Ukraine waligeed ku biirto Nato ama Nato ay hormariso dhaqdhaqaaqyadeeda militari ee ka socda halkaas, waxaan madaxa qori ka saareynaa Mareykanka. Waxaan leenahay awooddaas militari.
"Ruushku wuxuu heystaa hubka ugu fiican caalamka - oo xawaare dheer leh. Waxay Mareykanka u gaari garaan si la mid ah degdegga ay gantaallada Mareykanka iyo Britain ee laga soo tuuro Ukraine ku gaari karaan Moscow. Waxay noqon doontaa in mar kale ay soo laabato xaaladdii xasaradaha gantaallada Cuba, balse waxaa sidii markaas ka gaabnaan doona waqtiga ay gantaallada hawada kusii jirayaan,"
"Ruushku diyaar ma u yahay inuu xoog ku difaaco khadkiisa casaanka ah," ayaan weydiiyay Mr Kiselev.
"Boqolkiiba boqol, sababtoo ah Ruushku arrintan waxay uga dhigan tahay nolol iyo geeri," ayuu yiri.