Michelle: 'Qaantii 50-ka doolar ahayd waan ka qoomameeyay'

Xigashada Sawirka, BBC
Michelle way ku cusbeyd xaafadda ay dagganeyd. Goobta ciyaaraha ee iskuulka waxaa ka buuxay waalidiinta ilmaha ardayda ah, sidaas darteed madaxeeda hoos ayay geyneysay marka ay ilmaheeda ku dajineyso halkaas.
Balse hal hooyo ayaa saaxiibtinnimo u muujisay, oo si joogto ah u daneyn jirtay, maalin walbana la sheekeysan jirtay, iyadoo Michelle ka codsan jirtay inay mar qaxwo isla soo cabaan.
Waxyaabo badan ayaa ka dhacayay nolosha Michelle; sida in saacadihii shaqada laga jaray, sidaas awgeedna waxaa yareyd lacagta soo galeysay.
Inay ka fikirto hadiyad ay wiilkeeda usoo iibiso maalinta dhalashadiisa way ku adkeyd maadaama aysan awoodin inay bixiso qarashaad dheeri ah.
Saaxiibteeda cusub ayaa u sheegtay inay caawineyso, iyadoo dareensiineysa inay fahmi karto culeyska, lacagta ay deymisana ay bixin karto marka ay bisha dambe billaabato. Waa sida ay dadka saaxiibbada ah isu sameeyaan.
Waxay ka billaabatay deyn £50 gini ah.
'Habeen walba waan ooyi jiray'
Bishii xigtay waxaa khasab ku ahayd inay iska bixiso amaahdii ayna maareyso qarashaadka kale ee dheeraadka ku ahaa, sidaas darteed, amaah kale ayaa la siiyay.
"Markan waxay ii sheegtay inay rabto lacag dul saar ah, balse deyntaas waxaa dul saarneyd lacag labojibbaar ah," ayay ku tiri BBC-da.
"Bishii ku xigtay, lacag labanlaab ah ayaa ka baxday jeebkeyga. Waxaan dareemay ciriir. Waxaan u baahnaa lacag deyn ah oo aan qaato bil kasta sababtoo ah waxaan bixinayay dheeri,"
Waxa uu ii noqday dabin aan si sahlan ugu dhacay.
"Ceeb ayaan ku jiray runtii. Qofna ma uusan ogeyn, ma rabin inaad cidna u sheego. Waan ooyi jiray, habeen walba."
Lacagtii £50 ahayd waxay isu baddashay kumannaan gini oo lagu bixinayay caddaan, muddo dhowr bilood ah, mana jirin wax diiwaan ah oo lagu qorayay.
Wax yar kaddib waxay ogaatay inay dhibaato weyn dhexda uga jirto.

Waxaa loo soo diray farriimo hanjabaad ah, dadka ayaa soo tuuryeynayay gurigeeda, mararka qaarna waxaa albaabkeeda hore lagu shidayay dab. Xitaa daaqadaheeda muraayadda ah ayaa laga jajabiyay.
Carruurteeda way ogaayeen inay wax khaldan yihiin, inkastoo Michelle ay isku dayeysay inay wax ka qariso.
"Waxay billaabatay xilliga xagaaga, marka xoogaa waad soo daahi kartaa," ayay tiri. "Balse markii lasoo gaaray qabowga, muddo bilo ah ayaan ku xayirnaa guriga."
Dhinaca online-kana tacaddiga wuu ka socday, sidoo kalena waxaa la faafinayay aflagaaddo iyada ka dhan ah oo uu qof walba arki karay.
Michelle waxay BBC-da u sheegtay in ay dareentay marxaladdii ugu darneyd, oo ay la xanuunsatay.
'Qof aad u nugul'
Michelle way argagaxsaneyd, welwel ayaa ku dhacay, qoyskeedana wuxuu ahaa mid aad u nugul.
Kaddib, sanadkii lasoo dhaafay xilligan oo kale, waxaa xoog lagu galay gurigeeda waana la bililiqeystay.
"Waxaa jiray waxyaabo lagu kaadiyay, sariiraha carruurta iyo roogagga waa lagu kaadiyay. Waxaan ku khasbanaaday inaan iska tuuro waxyaabo badan oo laga tagay... Alaabta qaar waligey dib uma heli karin mar kale."

Markaas ayay go'aansatay inay isaga baxdo gurigaas. Waxay kaxeysatay carruurta, waxyaabihii yaraa ee looga tagay, wayna ka tageen gurigoodii, iyagoo aan dib dambe ugu laabanin.
Qoyska Michelle waxay nodeen hoy la'aan dabayaaqada sanadkii lasoo dhaafay. Waxaa la siiyay hoy ku meel gaar ah balse wax alaab ah ma aysan heysanin.
Hase yeeshee waxay qaadatay go'aan nolosheeda wax ka baddalay. axay wacday lambarka sida qarsoodiga ah loola xiriiro ee loo sheegto dhibaatooyinka noocaas ah. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyayna, xaaladdeeda way soo hagaageysay.













