Waa la garaacay waxaana loo bahdilay diintiisa Islaamka darteed

Xigashada Sawirka, ANI
Weerarro aan ujeeddadooda la garaneyn oo ay burcadda Hinduuga ku qaadayaan Muslimiinta dalkaas ayaa caado ka noqday Hindiya, balse arrintaasi inta badan kama hadasho dowladda Hindiya.
Bishii la soo dhaafay, muuqaal baraha bulshada ku baahay ayaa muujinayay gabar yar oo argagaxsan oo ku dheggan aabbaheed oo Muslim ah, iyadoo ay burcad Hinduu ah ay garaacayeen.
Muuqaalkan naxdinta leh ayaa muujinaya ninkan 45 sano jirka ah oo dareewal ah oo lagu jirdilayo waddooyinka Kanpur, magaalo ka tirsan gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Uttar Pradesh, iyadoo gabadhiisa oo oyneysa ay ka baryeysay in burcadda ay garaaca ka joojiyaan aabbaheed.
Burcadda ayaa ninka ku amartay inuu ku heeso "Hindustan Zindabad" ama "Hindiya Jir" iyo "Jai Shri Ram" ama "Guul Ram" - oo ah salaan caan ah oo ay beryahan Hinduuda si kale u adeegsadaan.
Wuu u hoggaansamay amarkooda, balse burcadda ayaa weli garaaca ku wadday. Ninkan iyo gabadhiisa ayaa waxaa markii dambe badbaadiyay booliiska. Saddex nin oo loo xiray weerarka ayaa maalin kaddib damaanad lagu sii daayay.
Maalmo yar kaddib, muuqaal kale oo aad la iskula wadaagay ayaa soo baxay kaas oo muujinaya nin Muslim ah oo jijimo iibinaya oo la dharbaaxayo, la haraatinayo ayna feerayaan burcad Hinduu ah oo ku sugan Indore, oo ah magalo ku taalla gobolka bartamaha ku yaalla ee Madhya Pradesh. Burcadda ayaa la maqli karay iyaga oo ceynaya Tasleem Cali una sheegaya inuu mustaqbalka ka fogaado deegaannada Hinduuda.
Dacwad uu booliiska u gudbiyay, ayuu markii dambe ku sheegay inay "garaaceen shan nin oo qowmiyaddiisa ceynayay kuna heystay inuu jijimo ku iibinayay deegaan ay Hinduuda ku badan tahay ayna ka dhaceen lacag, telefoonkiisa iyo dokumentiyaashiisa".
Balse arrinta ayaa si kale isku beddeshay, Ali ayaa qudhiisa la xiray maalintii kale kaddib markii gabar 13 jir ah oo uu dhalay mid ka mid ah ragga la sheegay inay isaga weerareen ay ku eedeysay inuu kufsaday. Qoyskiisa iyo deriska ayaa arrintaasi si xooggan u beeniyay eedeynta. Waxay sheegeen in wax macquul ah aysan ahayn in aabbe dhalay shan gabdhood uu sidaas sameeyo.
Goobjooge, ay soo xigteen warbaahinta Hindida, ayaa sheegay in ninkaasi loo beegsaday sababo la xiriira diintiisa, isla markaana eedeynta kufsiga ay tahay wax la soo maleegay.
Labada weerar ayaa ka mid ah dhowr lagu beegsanayo Muslimiinta oo dhacay bishii ina dhaaftay ee August, balse bishaasi waxay ahayd tii dhacdooyinka ugu xun ay soo mareen kooxda ugu weyn kuwa dhanka diinta looga tirada badan yahay ee Hindiya oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 200 million.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weerarro kuwaas la mid ah ayaa la sheegay inay dhaceen bilihii xigay, qaar badan ayaana soo jiitay indhaha caalamka.
- Bishii March, wiil 14 jir Muslim ah oo galay macbadka Hinduuda si uu biyo uga cabo ayaa la sheegay in tacaddiyo loo geystay.
- Bishii June, ganacsade ayaa lagu garaacay Delhi isagoo isku dayayay inuu khudrad ku iibiyo meel ay Hinduuda ku badan yihiin
"Rabshaduhu way sii xoogeysanayaan. Waana kuwo daran oo aan la aqbali karin," ayuu yiri Alishan Jafri, oo ah weriye madax bannaan oo saddexdii sano ee la soo dhaafay diwaan gelinayay weerarrada lagu beegsado Hinduuda Muslimiinta ah.
Wuxuu sheegay inuu arkayay "saddex ilaa afar muuqaal maalin walba" balse uu awooday inuu xaqiijiyo keliya hal ama labo kaddibna uu ku soo wadaagayay baraha bulshada.
Rabshadaha la xiriira diinta ayaa in muddo ah ka jiray Hindiya, balse dadka arrimahan cambaareeya ayaa sheegaya in rabshadaha Muslim nacaybka ay kordheen tan iyo sanadkii 2014 oo ay dalkaasi ka taliso dowladda Ra'iisul Wasaare Narendra Modi.
"Qalalaasaha qowmiyadeed maaha kuwo cusub, balse waxay ku sii kordhaan istaraatiijiyadda kuwa xilka haya," ayuu BBC-da u sheegay bare Tanvir Aeijaz, oo sayniska siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Delhi.
"Is aaminaad darrada mar walba way taagneyd balse hadda waxaa ka sii daray is xigsiga diinta iyo isirka."
Markii ugu horreysay ee uu Modi talada qabsaday, waxaa jiray dhacdooyin badan oo weerarro loo geysanayo Muslimiinta ah, iyagoo loo heystay inay cuneen hilibka lo'da, amaba ay isku dayayeen inay dalka soo geliyaan lo'da - oo ay Hinduu badan u yaqaannaan inay barakeysan tahay - si ay u gowracaan
Ra'iisul Wasaaraha ma uusan taageerin weerarradaas, balse waxaa lagu cambaareeyay inuusan si degdeg ah oo xoog leh u cambaareyn.
Prakash Javadekar,oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan xisbiga BJP, ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ay rumeysan tahay in arrintaasi aysan habbooneyn meel walba oo ay ka dhacdaba, balse aysan jriin isla xisaabtan.
Wuxuu haddana ku eedeeyay warbaahinta inaysan daacad ka ahayn arrintaas, oo ay diiradda saarayaan weerarrada Muslimiinta.
"Haddii aad eedgto xogta rasmiga ah, 160 Hinduu ah ayaa ku jiray 200 oo qof oo la bartilmaameedsaday. Dadka heysta diimaha dhammaan waa la beegsaday," ayuu yiri, balse ma uusan faahfaahin halka xogtaas laga helay. Hindiya ma aysan shaacin xog noocaas ah.
Sanadkii 2019, bar internet-ka ah oo baarta xogta "dembiyada nacaybka" ee ka dhaca Hindiya ayaa tebisay in in ka badan 90% dhibbanayaasha 10-kii sano ee la soo dhaafay ay Muslimiin ahaayeen.

Xigashada Sawirka, SHURAIH NIYAZI/BBC
Dadkii ka dambeeyay tacaddiyadaas ayaanan marin wax ciqaab ah iyadoo ay jiraan eedeymo ku saabsan inay dabacsanaan ka helayaan Xisbiga Bharatiya Janata ee Modi, kaddib markii wasiir dowladda ka tirsan uu la saftay siddeed Hinduu ah oo loo heystay inay bartilmaameedsadeen nin Muslim ah.
"Weerarradaas oo kale ayaa ku soo batay dalkeenna maanta sababtuna waa xasaanadda ay ku naaloonayaan tuugadaas," ayuu yiri Hasiba Amin, oo ka tirsan xisbiga Kongareeska ee mucaaradka ah.
"Maanta nacaybku wuu batay. Way fududdahay in la weeraro Muslimiinta. Kuwa nacaybka fidinaya waa kuwa lagu abaal mariyo ficilladooda."


Mucaaradka ayaa sheegaya in ku soo laabashada Modi ee talada dalkaas sanadkii 2019, ay xitaa sii kordheen qalalaasaha ka dhanka ah Muslimiinta.
Mararka qaar, rabshadaha xitaa ma aha kuwo muuqda waxayna u dhacaan qaab looga gol leeyahay in lagu bahdilayo qowmiyadda laga tirada badan yahay. Tusaale ahaan:
- Sanadkii la soo dhaafay, iyadoo Covid-19 uu fara ba'an ku hayay Hindiya, ayaa hoggaamiyeyaasha Hinduuda, oo ay ku jiraan wasiirrada Modi iyo xubnaha xisbiga waxay ragga Muslimiinta ah ee isu imaatinka diimeed uga qeyb galay Delhi ku eedeeyeen binay wadaan "corona jihad" iyagoo ku kacay falal sii faafinaya xanuunka
- Waxaa kaddib xigtay "roti jihad" oo ay ku jireen eedeymo ah in ragga Muslimiinta ah ee cuntada kariya ay candhuuf ku tufaan roodhida si ay xanuunka ugu faafiyaan Hinduuga
Bilihii la soo dhaafay, dhow gobol ayaa soo saaray shuruuc wax looga qabanayo "jihaadka jaceylka" - eray Islaam nacayb ah oo ay kooxaha Hinduuda ah u adeegsadaan ragga Muslimiinta ah ee guursada gabdhaha Hinduuga ah isla markaana soo Muslimiya.
Shuruucdaas ayaa loo adeegsaday in lagu dhibaateeyo oo lagu xiro ragga Muslimiinta ah ee xiriirka uu kala dhaxeeyo haweenka Hinduuga ah. Bishii December ee sanadkii hore, waxaa indhaha caalamka soo jiitay codsiga gabar Hinduu ah oo uur leh oo laga kaxeeyay ninkeeda oo Muslim ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenka Muslimiinta ah xitaa lama deyn - bishii July, qaar badan ayaa iska dhex arkay baraha online-ka iyaga oo la iibinayo.
Bishii la soo dhaafayna, kuwo ka qeyb galayay isu soo bax uu soo qabanqaabiyay hoggaamiye hore oo BJP ka tirsanaa oo ka dhacay Delhi, ayaa waxaa lagu dhawaaqayay baaqyo ku aaddan in la dilo Muslimiinta.












