Weerarkii Dar Es Salaam: Ma Soomaali baa ninka weerarka ka geystay Tanzania?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Soomaalida qaarkood waxa ay qoreen in ninka weerarka geystay magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania uu yahay Soomaali. Balse maxaa ka jira arrintaas?
Saddex askari oo boolis ah iyo hal waardiye oo ka tirsanaa shirkad si gaar ah loo leeyahay ayaa lagu dilay weerarkaas oo ka dhacay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee magaalada Dar Es Salaam.
Booliska oo bayaan soo saaray ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada ee gaartay afarta qof, halkii marka hore ay ka ahayd labo ruux iyo lix kale oo dhaawac ah.
Khasaaraha waxaa geystay nin hubeysan oo toogasho sameynayay, kaasoo markii dambe isaga laftiisa ay ciidanka amaanka dileen.
Madaxa howlgallada booliska, Liberatus Sabas, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in aan la ogeyn ujeeddada uu lahaa qofka weerarka geystay.
Waxaan eegeynaa afar arrimood oo ku saabsan ninka toogashada geystay.
1- Waa kuma ninka weerarka fuliyay?

Xigashada Sawirka, TANZANIA
Inkastoo warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu faafinayay magaca iyo sawirrada ninka dhacdadaas ku lugta lahaa, taliska booliska Tanzania wali ma aysan xaqiijinin aqoonsiga qofkaas ee rasmiga ah.
Lama kala sheegin inuu yahay nin u dhashay Tanzania ama inuu kasoo jeedo waddan kale.
Wararka qaar ayaa sheegaya in booliska magaalada Dar Es Salaam ay kaxeysteen qoyska ninka lagu tuhunsan yahay inuu weerarkaas fuliyay.
Hase yeeshee saraakiisha booliska ee waddankaas ma aysan kala caddeynin in qoyska loo kaxeeyay si su'aalo loo weydiiyo iyo in amnigooda la sugayo toona, maadaama sawirro la faafiyay.
Ma jiro qof xaqiijiyay waddanka uu u dhashay ninkaas, balse dad goob joogeyaal ah oo warbaahinta maxalliga ah u sheegay inay la kulmeen weerarka ka hor waxay ku tilmaameen qof aan ku hadleynin lahjadda Sawaaxiliga ee looga hadlo Tanzania.
Su'aalo badan waxaa la iska weydiinayaa in uu kasoo jeedo waddan kale oo luuqadda Sawaaxiliga looga hadlo ama in lahjadda ay khasab tahay inay hal mid ahaato.
2- Xagee buu hubka ka helay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Su'aasha kale ee la is weydiinayo waa meesha uu ka keenay hubka uu toogashada ku fuliyay.
Baaritaannada hordhaca ah ee booliska waxa muujinayaan in hubka uu ka xoogay mid ka mid ah askarta uu dilay oo markii hore uu dilkiisa u adeegsaday bastoolad.
Booliska ayaa wali laga sugayaa inay baaraan sida uu bastooladdaas ku helay markii hore, iyagoo kala caddeyn doona inuu soo sharciyeystay iyo in kale.
Waddanka Tanzania ayaa laga oggol yahay in hubka la sharciyeysto iyadoo shuruudo loo marayo, balse inta badan dadka hubeysan waa siyaasiyiinta.
3- Maxay ahayd ujeeddadiisa?
Tani waa su'aal muhiim ah oo sharraxaad ka bixin lahayd sababta uu ninkan u dilay saddex askari iyo hal waardiye, ka hor inta aan isaga qudhiisa la dilin.
Shacabka ayaa baraha bulshada isku weydiinaya su'aashan, qaarkoodna waxay aaminsan yihiin in haddii la qaban lahaa ninkaas uu ka jawaabi lahaa dhammaan su'aalahaas. Waxa uu u muuqday nin aan bartilmaameedsaneynin dadka shacabka ah, isagoo fursad u heli karay hubna heystay.
Inkastoo aan wax caddeymo ah loo heynin, dad badan waxay sababta u maleynayaan in falkan uu yahay mid argagixiso ama xag jirnimo salka ku haya.
Laakiin wali xogta booliska ay ku howlan yihiin ayaa laga filayaa in lagu faahfaahiyo arrintaas.
4- Waa xagee goobta uu weerarka ka dhacay?
Sida laga soo xigtay booliska, toogashada waxay ka dhacday isgoyska isku xira labada waddo ee Kenyatta iyo Kinondoni.

Xigashada Sawirka, Reuters
Marka uu ninkaas askarta ka qaatay qoryaha AK47-ka ee ay wateen waxa uu u dhaqaaqay dhinaca safaaradda Faransiiska. Goobta lagu dilay waxay dhowr tallaabo oo kaliya u jirtay albaabka safaaradda.
Balse markii uu weerarka billaabanayay, goobta uu askarta booliska ah ku dilay waxay u dhaweyd dhismaha uu daggan yahay safiirka Britain ee dalka Tanzania. Waddaas waxaa sidoo kale loo maraa safaaradda Ruushka uu ku leeyahay waddankaas.
Isla meeshaas waxaa ku ag dhow safaaradaha Zambia, Kenya iyo iyo xarumaha labo bangi. Sidoo kale meel aan ka fogeyn waxaa ku yaalla saldhigga booliska ee lagu magacaabo Salender.
Dad badan waxay aad ula yaabeen sababta uu ninkaas ugu dhiirraday inuu weerar ka fuliyo meel amnigeeda uu ka adag yahay goobaha kale ee magaalada.












