Sushant Singh Rajput iyo Sara Ali Khan: Sawir aan horey loo arkin oo laga qaaday jilaagii isdilay ee Bollywood ka tirnaa

Sushant Singh Rajput

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Sushant Singh Rajput oo ka mid ahaa xidigaha sida aadka ah u soo caanbaxay oo ka tirsanaa Bollywood, ayaa meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa magaalada Mumbai, muddo hadda sanad laga joogo.

Jilaagan caanka ah oo ay da'diisu ahayd 34 sano jir, ayaa sida ay booliiska sheegeen la rumaysan yahay in uu is dilay.

Filimaanta uu caanka ku ahaa, Rajput waxaa ka mid ah MS Dhoni iyo filimkii la magac-baxay The Untold Story.

Sara Ali Khan, oo la sheegay in ay xirrir jacayl la lahayd jilaaga ayaa xustay sannad guuradii ka soo wareegtay dhimashadiisa, iyadoo sawir aan horay loo arkin ee labada xiddig ka wada muuqdan la wadaagtay taageerayaasheeda.

Sara Ali Khan ayaa shaacisay sawir aan weli la arag oo ah Sushant Singh Rajput - waxay xusuus uga dhigtay dhimashadiisa.

Sara ayaa markii ugu horeysay Bollywoodka ka sameysay filimka Kedarnath, waxayna isla jileen Sushant oo ahaa xidigga kobaad.

Sawirka, Sara Ali Khan iyo Sushant Singh Rajput, ayaa lagu qaaday barkad dhexdeeda. Sara si toos ah u fiirineysay kamaradda oo dhoola cadeyneyso, halka Sushant dareenkiisuna uu ahaa mid ay ka muuqatay farxad. Labada xiddig ayaa la arkay iyagoo xiran dhar caadi ah, oo laga yaabo in loogu talagalay filimka.

Markii ay Taageerayaasheeda la wadaagaysay fariinta, Sara waxay qortay: "Mar kasta oo aan u baahdo caawimaad, talo ama qosol; marwalba waad ila joogi jirtay."

Waxay intaa ku dartay: "Waxaad i bartay adduunyada iyo sida wax loo jilo; waxaad iga dhigtay in aan aaminsanahay in riyadu rumoobi karto."

"Waxaad isiisay dhammaan waxa aan maanta haysto. ma rumeysan karo in aad dhimatay. Balse mar kasta oo aan fiiriyo xiddigaha, qoraxda ama dayaxa, waan ogahay in aad halkaan joogto."

Sara Cali Khan iyo Sushant Singh Rajput

Xigashada Sawirka, Sara Ali Khan/Instagram

Wararka ku gadaaman sida u isu dilay Jilaagan caanka ah

Sushant Singh Rajput wuxuu ku noolaa nolol aan caadi ahayn oo la mid ah midda uu ku jilayay qaar ka mid ah filimaantiisii ugu dambeeyay ee Bollywood-ka.

Balse hammigii fogaa uu lahaa Sushant Singh Rajput oo nolosha meel hoose ka soo billaabay waxay soo afjarantay 14-ka June markii la arkay isaga oo meyd ah da'diisuna ay ahayd 34 jir.

Booliska magaalada Mumbai uu ku noolaa waxay sheegeen atooarahaasi inuu isagu isdilay.

Geerida Jilaaga ayaa noqotay mid ay ka argagaxeen taageerayaal malaayiin ah, oo guushiisa u arkayey guul ay iyagu gaareen.

Sushant wuxuu ku soo koray Bihar oo ka mid ah gobollada ugu saboolsan dalka Hindiya. Wuxuu ahaa nin dadaal badan wuxuuna ku biiray jaamacadda cilmiga Injineeriyadda lagu barto oo ugu caansan dalka Hindiya.

Balse qalbigiisa wuxuu ku sii jeeday meel kale. Wuxuuna joojiyey waxbarashadii jaamacadda wuxuuna aaday magaalada Mumbai, magaaladaasi oo ah magaalo maalin walba dad badan u rumeyso riyooyinkooda kuwa kale ka jebisa.

Wuxuuna billaabay howla yar yar inuu qabto, wuxuuna qaban jiray shaqooyinka ay dadku badankood qaban wuxuuna sanada badan uu ka shaqeeyey shaneemo isaga oo markii dambe barnaamij caan ah ku yeeshay telefishin dalkaasi ku yaalla. Guulo horleh ayaana u billaabatay atoorahaasi.

Warka ku saabsan geeridiisa dhallinyaro badan oo magaalooyinka ku sugan oo si weyn Jilaagaasi u taageerayey ayey ku abuurtay naxdin aad u weyn.

Markii la ogaaday geeridiisa wixii ka dambeeyey warbaahinta dhexdeeda waxaa dood ka abuuray sheekooyinka garka ah ee ku saabsan Sushan isda dhaqaalahiisa, xiriirkiisa noololeed iyo caafimaadkiisa maskaxeed.

Iyada oo ay booliska dhimashadiisa faahfaahinno badan aysan ka bixinin ayaa waxay taasi horseeday hadallo iyo ku tiri ku teen badan oo ku aadan geeridiisa.

Kumuu ahaa Sushant Singh Rajput?

Sushant wuxuu magaalada Patna ee dalka Hindiya dhashay 21-kii bishii January ee sanadkii 1986-kii.

Ka hor inta uusan ku biirin filimada caadiga ah wuxuu markii ugu horreysay si weyn ugu soo caan baxay filimkii musalsalka ahaa ee ay Soomaalida sida weyn u xiiseyn jireen ee Pavitra Rishta.

Musalsallada kale ee uu kasoo muuqday waxaa ka mid ah Kis Desh Mein Hai Meraa Dil(oo ah kii uu jilista ku billaabay), Zara Nachke Dikha iyo Zee Cine Awards 2016.

Filimada caadiga ah ee uu xirfaddiisa jilaanimo kusii hormariyay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore