Sidey Riya Chakraborty ku gashay nolosha atoorihii isdilay?

Xigashada Sawirka, @Tweet2Rhea
Atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Riya Chakraborty wararka caalamka lagu hadal hayay tan iyo markii uu geeriyooday jilaagii reer Hindiya ee la odhan jiray Sushant Singh Rajput.
Sushant iyo Riya labadoodaba waa la isku arki jiray marar badan iyagoo wada jooga. Ha ahaato xaflad, Gym-ka bannaankiisa ama makhaayad.
Hase yeeshee, labadooda midna waligiis ma uusan sharrixin nooca uu yahay xiriirkooda iyo inuu xiriir jacayl ka dhaxeeyo.
Aabbaha dhalay Sushant Singh Rajput, ayaa dhawaanahanba sheegayay hadallo ka dhan ah Riya Chakraborty.
Dadka qaar xitaa waxay su'aalo iska weydiinayeen xiriirka ka dhaxeeyo geeridiisa iyo atariishada, halka kuwo kalena ay hadal hayeen inay labada jilaa isguursan rabeen.
Laakiin hal bil kaddib dhimashadii Sushant, Riya Chakraborty ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga hadashay arrimahan, waxayna soo afjartay aamusnaanteedii jahwareerka dhalineysay.
Waxay baraha bulshada soo dhigtay qoraal ay ku sheegeyso inay ahayd gacalisadii Sushant.

Xigashada Sawirka, rhea chakraborty insta
Riya waxay sidoo kale arrintan ku sheegtay wareysi ay la yeesheen booliska, kuwaasoo ay u xaqiijisay in iyada iyo atoorihii geeriyooday ay xiriir jacayl lahaayeen.
KK Singh Rajput, oo dhalay atooraha dhintay, ayaa booliska degmada Patna ka diiwaan galiyay dacwad ka dhan ah atariishada.
Riya Chakraborty waxay 1-dii bishii July ee sanadkii 1992-kii ku dhalatay magaalada Bengaluru ee gobolka Karnataka.
Waxay kasoo jeeddaa qoys Bengali ah. Riya waxay waxbarashadeeda aasaasiga ah ku qaadatay iskuul ay milatariga leeyihiin oo ku yaalla Ambala.
Xirfaddeeda jilaanimo waxay soo billowday sanadkii 2009-kii, markaasoo ay jishay musalsal laga sii deyn jiray telefishinka MTV, laguna magacaabo Teen Deeva.
Kuma aysan guuleysanin inay noqoto atariishada ugu fiican ee filimkaas, laakiin waxay gashay kaalinta labaad.
Kaddib waxay kasoo muuqatay dhowr musalsal oo ka baxay MTV, sida MTV What's Up, Tick Talk College Beat iyo MTV Gone in 60.

Xigashada Sawirka, rhea chakraborty insta
Muddo markii ay ka shaqeyneysay filimada yar yar, waxay u gudubtay jilitaanka filimada lagu dhigo Koonfurta Hindiya.
Sanadkii 2012-kii, waxay heshay fursad ay uga qeyb qaadato filim ku baxayay luuqadda Telugu, oo lagu magacaabo Tuneega Tuneega.
Sanadkii 2013-kiina waxay markii ugu horreysay soo jishay filim ay leedahay shirkadda Bollywood-ka, oo la yiraahdo 'Mere Dad Ki Maruti'.
Atooraha lagu magacaabo Saqib Salim ayey Riya lasoo dhigtay filimkan.
Sanadkii 2014-kiina, Riya waxay la shaqeysay Ali Fazal, oo ay ku wada jireen filimka Sonali Cable.
Dhowr filim oo kale ayey kasoo muuqatay ka hor inta aysan la kulmin Sushant.
Riya Chakraborty iyo Sushant Singh Rajput waxaa markii ugu horreysay iyagoo wadajir ah lagu arkay filim uu hagay Rumi Jaffery.
Filimkan magiciisa ilaa hadda lama sheegin.
Waxaa la aaminsan yahay in Riya ay Sushant kula kulantay xaflad. Intaas wixii ka dambeeyay waxay isla aadi jireen hal gym.
14-kii bishii June, Sushant Singh Rajput ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Mumbai.
Booliska ayaa sheegay in atooraha uu isdilay, balse ay baaritaan ku hayaan sababta ka dambeysay.
Booliska Mumbai waxay sidoo kale su'aalo weydiiyeen Riya Chakraborty.
Inta badan taageerayaasha Sushant waxay Riya ku eedeynayaan inay jacayl uga baxday atooraha.
Hase yeeshee atariishadan ayaa beenisay eedeymahaas.












