Wadaadka lacagaha madax furashada u kala gudbiya burcadda iyo dadka

Sheikh Gumi oo bixinaya buugaag

Xigashada Sawirka, Sheihk Gumi Facebook

Qoraalka sawirka, Sheikh Gumi oo bixinaya buugaag
Published

Waxaa soo ifbaxay wadaad caan ah oo Muslim ah oo si iskiis ah isugu xilqaamay inuu u kala dabqaado kooxaha wax afdubta ee madax-furashada qaata ee waqooyiga Nigeria.

Muddooyiinkii u dambeeyay waqooyiga Nigeria waxaa lagu afduubay 800 oo arday ah.

Sheekh Axmad Gumi, oo ahaa kabtankii hore ee ciidamada Nigeria, ayaa ku lug lahaa illaa 27 ardey oo arbacadii la siidaayay kuwaas oo bishii Maarso laga afduubtay deegaanka kolaj ku yaalla gobolka Kaduna.

Waalidiintii carruurta la soo daayay, waxay booqasho mahadcelin ah ugu tageen, wuxuuna u ballanqaaday in la soo dayn doono oo aan la dili doonin 16 arday oo kale oo bishi April laga afduubtay jaamacadda Greenfield ee gobolka Kaduna.

Burcaddii ardaydaasi afduubatay waxay horey u dileen 5 ka mid ah ardaydaasi halka mid kalena ay siidaayeen ka dib markii la bixiyay lacag madax-furasho ah.

Burcadda ayaa ku hanjabtay in ay dili doonaan ardayda kale ee ay afduubka u haystaan haddii aan la bixin madaxfurasho ilaa arbacada, balse sheekha ayaa sheegay in uu arrintan kala hadlay.

'Afduubka waa waa xumaan aan wayneyn'

Gumi ayaa markii ugu horeysay soo caanbaxay bishii Febraayo, ka dib markii uu safar loogu magac daray socdaalka nabada uu ku aaday meel ay koox burcad ah ku dhuumaaleysanaysay oo ah dhulka howdka ee ku yaal gobolka Zamfara.

Tan iyo xilligaas, wuxuu booqashooyin kale oo tan la mid ah ku tagay gobollada Katsina, Kaduna iyo Niger, isagoo ku dhiirrigelinaya burcadda inay joojiyaan weerarrada ay geysanayaan.

Inkasta oo uu ku jiro doorkiisa dhexdhexaadinta, waxaa muran dhaliyay in uu u ololeeyay in "cafiska" lo fidiyo kooxaha dambiilayaasha ah ee mas'uulka ka ah mowjadihii afduubyada ee dhowaan ka dhacay waqooyiga Nigeria.

"Haddii waddanku uu cafin karo kuwa afgambiga soo maleegay oo galay dambi khiyaano qaran xilligii maamulkii militariga, burcaddu waxay sidoo kale ku raaxeysan karaan cafis la mid ah, xitaa si ka wanaagsan xukunka dimoqraadiga ah," ayuu yiri.

Munaasabad kale, wuxuu ka yiri: "Afduubka carruurta iskuulka, waa xumaan yar, sababtoo ah aakhirka, waad gorgortami kartaan haddana burcadu aad ayey uga taxadaraan nolosha bina'aadamka, Kahor hadafka burcadu wuxuu ahaa in ay galaan magaalo dadkana ay laayaan."

Aragtida noocan oo kale ah ee ku saabsan burcad afduubka u geysatay boqolaal rayid ah, qaarna ayba dileen - dad badan ayaa u arka inuu naxariis u muujinayo dembilayaasha, taas oo sii kicineysa carada iyo kala qeybsanaanta xagga diinta, gobolada iyo qowmiyadaha dalkaasi.

Khariirad

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Khariirad

Bishii Febraayo, muuqaal si wayn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Gumi oo jeedinaya hadallo uu ku sheegay in askarta aan Muslimka ahayn ee reer Nigeria ay masuul ka ahaayeen amni-darrada.

Waxaa canbaareeyay ururka saamaynta badan leh ee masiixiyiinta ee loo garanayo (CAN), taasi oo sii xoojisay xiisadaha dhanka diinta ah iyo kuwa qowmiyadaha ee muddada dheer soo taagnaa, halka ciidanka ay dhankooda sheegeen inuu "si ula kac ah u doonayay inuu liido ciidamada Nigeria uuna muuqaal xun ka bixiyay."

Gumi wuxuu sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fahmay, fariintiisa dhabta ahna si khaldan loo fasiray.

Dedaallada dhexdhexaadinta ee Gumi ayaa sidoo kale ka dhigtay inuu bartilmaameed u noqdo kooxda xagjirka ah ee Boko Haram, oo hoggaamiyahooda Abubakar Shekau uu soo saaray farriimo uu ugu hanjabayo wadaadka.

Wuxuu sidoo kale dhalleeceeyay sida "xun" ee dhibaatada ammaanka uu u maareeyay madaxweyne Muhammadu Buhari, taas oo iyana dhalisay jawaab celin ka timaadda maamulka, siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga talada haya ee APC, iyo kooxaha diinta.

Sheekha wuxuu sidoo kale beeniyay inuu ka tirsan yahay ururo siyaasadeed. Si kastaba ha noqotee, 2019 waxaa lagu shabadeeyay inuu xubin ka yahay xisbiga mucaaradka ah ee PDP, ka dib markii uu soo baxay isaga oo la sawiran Atiku Abubakar, oo xiligaa ahaa musharaxii madaxwayanimada xisbiga PDP.

Macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Sheekh Axmad Gumi

Sheikh Ahmad Gumi

Xigashada Sawirka, Gumi/Facebook

Qoraalka sawirka, Sheikh Ahmad Gumi
  • Waxaa uu sannadkii 1960 ku dhashay gobolka Kano
  • Waa wiilka ugu wayn ee alle ha u naxariistee Sheikh Abubakar Mahmud Gumi, oo ahaa wadaad caan ah oo qaadi ka ahaa maxkamada racfaanka ee shareecada Islaamka ee waqooyiga Nigeria.
  • Waxaa uu bartay caafimaadka wuxuuna ku biiray militariga Nigeria isaga oo ahaa sargaal dhanka caafimaadka u qaabilsan.
  • Waxaa uu ciidamada ka gaaray darajada kabtan ka hor inta uusan shaqada ka fariisan, waxaa uuna u wareegay magaalada Makah oo uu ka so bartay Usuulul Fiqiga Islaamka.
  • Waxaa uu imika Mufti ka yahay oo uu maamulaa masaajidka Sultan Bello ee Kaduna
  • Waxaa sheekha u joogta 7 carruur ah.

Tan iyo bilowgii sannadkan, Sheekh Gumi wuxuu la kulmay dhowr hoggaamiye burcad ah si "uu uga waaniyo xagjirnimadooda".

Bishii Febraayo wuxuu la kulmay hoggaamiyaha koox burcad ah oo afduubtay 42 qof, oo ay ku jiraan arday. Muddo yar ka dib waxaa la siidaayay dadka afduubka loo haystay.

Ka dib afduubkii illaa 20 arday oo ka tirsan Jaamacadda Greenfield ee gobolka Kaduna, bishii Abriil, Gumi ayaa lagu sheegay inuu ku boorriyey Bangiga Dhexe ee Nigeria in kooxda afduubka gaystay la siiyo madax furashada ay dalbadeen oo gaareysa $260,000 iyo 10 ah mootooyin nooca Honda.

Lacagtaasi madax-furashada ah wali lama bixin, waxayna burcadda wali gacanta ku haysaa ardeydii ay afduubteen.

Gumi ayaa is difaacay isaga oo sheegay: "ma ahi qofkii ugu horreeyay ee la wadaxaajooda burcadda, mana booqan burcadan aniga oo aysan ila soconin saraakiisha dowladda."