Dib u milicsiga kacdoonkii Carabta 10 sano ka dib

Dad masaari ah oo dabaal dagaya markii uu xukunkii xusni meesha ka baxay

Xigashada Sawirka, Reuters

Published

Hal daqiiqo oo kaliya oo aan Qaahira ku sugnaa 10 sano ka hor ayaa sababtay inaan fikiro: "Sug, waxaan waa ka badanyahay mudaaharaad kale." Waxay ahayd maalin Jimca ah, marka salaadda jamaacada oo ka mid ah salaadaha ugu muhiimsan Muslimiinta la tukaday, waxayna arrintaani ahayd dhowr maalmood kadib markii ay bilaabmeen banaanbaxyadii ugu horeeyay ee looga soo horjeeday Madaxweynahii Masar Xusni Mubaarak.

Maxamed El-Baraadici wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka isagoo ka shaqeynayay xakamenta faafitaanka hubka nukliyeerka, . Markii uu aaday Masaajidka jimcahaas, qof walba oo halkaas joogay wuxuu filanayay in dhibaato ay dhacdo in kasta oo Mr El-Baraadici laftiisu uu had iyo jeer ku boorinayay dibadbaxayaasha in ay nabadda ka shaqeeyaan . Haddana boqolaal booliska rabshadaha ka hortaga ah ayaa diyaar ahaa. Dhawr kun oo mudaharaadayaal ah ayaana sugayey.

Dadka dibaxayay ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigayo ka dhan ah booliska,markii salaaddii laga baxay dibaxayaashu waxaa ay u jihaysteen dhanka booliska ka hortaga rabshadaha oo diyaar ahaa.

Dibaxayaashii ka soo horjeeday Xusni

Xigashada Sawirka, Reuters

Waxaan xaqiiqsaday maalintaa in dadka bannaabaxaya aysan ahayn dadka wax bartay ee nolashoodu dabaqadda dhexe tahay balse ay yihiin ragga saboolka ah ee dalka Masar Waxaa isku gadaamay gawaarida booliiska, iyaga oo wata budad iyo sunta dadka ka ilmeysiisa. Kacdoonkuna xoog ma leh la'aantood dadka saboolka ah ee magaalooyinka jooga.

Jeremy Bowen oo jooga Qaahira sanadkii 2011-kii

Markii xukunka laga tuuray Xusni Mubaarak 10 sano ka hor, warku wuxuu ka dhex guuxayay dadweynihii isugu soo baxay fagaaraha kuwaas oo markaa dagaal kula jiray taageerayaashiisa muddo 18 maalmood ah.

Taageerayaashii Xusni

Xigashada Sawirka, EPA

Kacdoonku ma lahayn hoggaamiyeyaal dhab ah, taas oo ka dhigtay in dunida laga dareemo dimuqraadiyadna lagu tilmaamo . Dhallinyaradii ku caanbaxay mudaaharaadyada ma aysan helin hab ay isugu abaabulaan xoog siyaasadeed oo wax ku ool ah. Waxay ahayd wax la fahmi karo. Sannado xukun keligii-talis ah uu jiray waxay ka dhigan tahay inay ka soo bilaabeen meel hoose waxa ay rabaan in ay ku dhaqaaqaan.

Haweenay masaari ah oo socoto meel ay ku sharaxnyihiin sawirada Mursi

Xigashada Sawirka, AFP

Sanadkii 2012-kii waxaa la filayay in ay dhacdo doorasho madaxtinimo oo xor iyo xalaal ah waxaana xiligaas isu soo sharaxyay musharixiin ka socotay labada Xisbi ee ugu tunka weyn dalkaas .Mid ka mid ah Ikhwaanul Muslimiin oo shaqeynayay tan iyo sanadkii 1920-yadii xiliyadii ay shaqeynaysay dowladii ku dhisneed shareecada Islaamka . Waxay aaminsanaayeen in ugu dambeyntii wakhtigoodii la soo gaaray .

Midka kale wuxuu ahaa militariga Masar, oo xukumi jiray Masar tan iyo markii koox isku magacowday Saraakiishii Xorta ah ay xukunka ka tuureen boqorkii xukunkanka hayay sanadkii 1952. Mubaarak wuxuu ahaan jiray madaxii hore ee ciidamada cirka dalka Masar.

Ururka Ikhwaanul Muslimiin way ku guuleysteen doorashada, laakiin waxay xaaladda u wajaheen si adag oo deg deg ah isla markaana keentay inay kala fogaadaan dadweyanaha Masaarida . Milatarigu waxay sameeyeen wax walba oo ay kari karayeen si ay u wiiqaan dowladnimada. Markii ay Masar si qoto dheer u dhex dabaalatay xasillooni darro iyo rabshado, ayaa taasi waxa ay soo dadajisay in awooddii ay la wareegaan milatariga Masar sanadkii 2013-dii.

Mid ka mid ah diyaaradaha Milatariga Masar oo dul maraysa fagaaraha Tahrir Square

Xigashada Sawirka, Reuters

Bilowga sanadkii 2014-kii in ka badan laba kun oo qof, oo u badnaa dad rayid ah, ayaa lagu qiyaasay in lagu diley rabshadahii siyaasadeed ee waddooyinka ka dhacay . Waxyaabo badan ayaan waxaana ka mid ahaa ciidamo tiro badan oo ka mid ahaa kuwa ammniga isla markaana si toos ah xabado ugu ridaya dad ku hor bannaanbaxayay halkii lagu hayay madaxweyen Maxamed Mursi,qoysas badan ayaa xiligaas isku dayay in ay aqoonsadaan maydad badan oo la keenay masaajidka .

Xiligaas waxaa la sheegay in ciidamadu amnigu ay dileen dad gaaraya 900 boqol oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa dhigayay.

Qaahira
Mid ka mid ah taageerayaasha Maxammed Mursi oo dhaawac ah isla markaana dhex jiifa Masaajid

Xigashada Sawirka, Reuters

Tan iyo markaas ciidamada qalabka sida ayaa xoojiyay gacan ku haynta Masar. Hogaamiyahoodii, Cabdul Fattax Al-Sisi, wuxuu noqday madaxweyne. Wuxuuna xukunkiisii noqday mid cadaadis xooggan saara dadka, kumnanaan qof ayaan xabsiyada la dhigay iyadoo boqolaal kalana la daldalay .Tallaabooyinkaas waxaa cambaareeyay hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha .

Kacdoonkii xukunka looga tuuray Xusni Mubaarak madaxweynihii hore ee Masar wuxuu daba socday kacdoonkii ka horeyay kaas Masar ee ka dhacay dalka Tuniisia. kacdoonnadaas waxaa ay xudun u noqdeen kacdoonno ka dhacay bariga dhexe .

Kacdoonnada ayaa wax walba badalay, laakiin uma dhicin qaabkii ay mudaharaadayaashu qorsheynayeen iyo isbadalladii ay ku haminayeen.

Boqolaal kun ayaa dhimatay halka malaayiin kalana ay waayeen guryahoodii. Waxaana la aaminsanyahay in ay fursado heleen ururada jihaad doonka ah oo gacanta ku dhigay dhalinyaro badan oo siyaabo kala duwan ugu biiray ururadaas.

Markuu ahaa madaxda Milatariga Cabdi Fatax al-Sisi iyo Gen Sidiqi Sobhi

Xigashada Sawirka, Reuters

In xilka laga tuuro hogaamiyaasha kalitalaasha ah waa arin aad u adag, gaar ahaanna marka ay taageerayaan quwado shisheeye oo aaminsan inay sameystaan xulafo la isku halleyn karo. Taliska Masar wuxuu wajihi lahaa dhibaatooyin haddii Sacuudigu iyo Imaaraadku aaney dhaqaale ku tagaeeri laheyn.Madaxweyne Sisi sidoo kale wuxuu taageero siyaasadeed oo muhiim ah ka helay reer galbeedka.

Bishii December ee la soo dhaafay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hab maamuus aad u sareeya dalkiisa ug soo dhaweeyay Cabdul Fatax Al-sisi oo booqosho ku tagay dalkaas.

Emmanuel Macron oo soo dhaweeynaya Cabdi Fatax Al sisi

Xigashada Sawirka, Reuters

Haweeney u doodda xuquuda aadanaha una dhalatay dalka Masar oo lagu magacaabo, Laila Soueif, isla markaana haysta laba caruur ah kuna jirta xabsi kadib markii ay mucaaradday taliska Sisi ayaa qadka aaladda Zoomka-ka ee la iska arko ugu sheegtay BBC-da in ay muhiim tahay in wadamada reer galbeedku ay wax badalaan gacan siinta wadamo ay Masar ka mid tahay .

.

Xigashada Sawirka, AFP