Al-Qaacida: Pompeo oo sheegay in Iiraan ay tahay 'saldhigga cusub' ee kooxda

Mike Pompeo speaks at the National Press Club in Washington DC (12 January 2021)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mike Pompeo said al-Qaeda was "operating under the hard shell of the Iranian regime's protection"
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa dowladda Iiraan ku eedeeyay in kooxda jihaad doonka ah ee al-Qaacida ay u oggolaatay in "saldhig cusub" ay ka sameysato halkaas.

"Si ka duwan Afghanistan, markii al-Qaacida ay isku qarineysay buuraha, al-Qaacida maanta waxay gabbaad ka heshaa maamulka Iiraan oo difaacaya," ayuu yiri.

Mr Pompeo wax caddeymo ah uma uusan keenin eedeymahaas.

Wasiika Arrimaha Dibadda Mohammad Javad Zarif ayaa hadalka Pompeo ku tilmaamay "been dhalineysa dagaal".

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

1px transparent line

Bishii November ee la soo dhaafay, Iiraan ayaa beenisay war ku saabsanaa in taliyihii labaad ee al-Qaacida Abdullah Ahmed Abdullah, oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Muhammad al-Masri, ay ciidamo Israa'iil ah ku toogteen Tehran, kaddib codsi uga yimid Mareykanka.

Shir jaraa'id oo uu shalay ku qabtay magaalada Washington, ayuu Mr Pompeo ku sheegay in markii ugu horreysay uu xaqiijinayo in Masri uu geeriyooday 7-dii August, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Wuxuu sheegay in dadku ay ku khaldan yihiin inay rumeystaan inay cadow isku yihiin quwadda Shiicada Muslimiinta (Iiraan) iyo kooxda xagjirka Sunniga ah ee Shiicada u aragta inaysan diinta si wanaagsan u heysan.

"Joogitaankii Masri ee gudaha Iiraan waxay tilmaameysaa sababta aan halkan u joogno. Al-Qaacda waxay leedahay saldhig cusub: waa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan."

"Taas waxaa ka dhashay, in hindisihii khaldanaa ee [Osama] Bin Laden uu hananayo awood."

Tan iyo sanadkii 2015, Mr Pompeo ayaa sheegayay, in Tehran ay xubno ka tirsan al-Qaacida oo dalkeeda ku sugan u oggolaatay inay si xor ah ula xiriiraan xubnaha kale ayna fuliyaan howlo badan oo markii hore laga soo hagi jiray Afghanistan iyo Pakistan, oo ay ku jiraan amarka weerarrada, iyo lacag uruurinta.

Pompeo ayaa sheegay in Mareykanku uu doonayo in liiska argagixisada gaarka ah uu ku daro labo hoggaamiye oo al-Qaacida ka tirsan oo uu rumeysan yahay inay joogaan Iiraan: Mohammed Abbatay, oo sidoo kale loo yaqaanno Abdul Rahman al-Maghrebi, iyo Sultan Youssef Hassan al-Arif.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

1px transparent line

Mareykanka ayaa sidoo kale abaalmarin gaareysa $7m (£5.1m) siin doona qofkii keena warbixin la xiriirta halka uu ku sugan yahay Maghrebi. Abaalmarinta waxaa haatanba la siiyay labo xubnood oo al-Qaacida ka tirsan oo la sheegay inay joogaan Iiraan - Saif al-Adel iyo Yasin al-Suri.

Tiro kooxda al-Qaacida ka tirsan iyo xubno qoyska Osama Bin Laden ka tirsan ayaa u qaxay Iiraan kaddib markii uu Mareykanku qabsaday dalka deriska ah ee Afghanistan sanadkii 2001. Saraakiisha Iiraan ayaa sheegay inay xadka si sharci darro ah kaga soo gudbeen isla markaana la xiray loona musaafuriyay dalalkooda.

Kaddib markii uu sanadkii hore soo baxay warkii geerida Masri, wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa ku adkeysatay in wax "argagixisada" al-Qaacida ka tirsan aysan joogin gurigeeda.

Si kastaba, dadka arrimahan falanqeeya ayaa su'aal geliyay waqtiga uu hadalka Mr Pompeo ku soo aaday, iyagoo sheegay inuu u muuqday inuu isku dayayo in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu ku adkeeyo inuu dib ula macaamilo Iiraan uuna Mareykanka dib ugu biiro heshiiskii nukliyeerka Iiraan ee 2015.