Maxaa ka jira Ruushka inuu sumeeyey siyaasi dhaliila Putin?

Ninka sida weyn u dhaliila Putin Alexei Navalny

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Mr Navalny ayaa soo kabanaya kaddib marki toddobaadyo la dabiibayey
Published

Koox baaritaan sameyneysay ayaa sheegtay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Ruushka Alexei Navalny inuu si la yab leh uu u khiyaameeyey laanta sirdoonka Ruushka ee FSB, isaga khiyaanadiisa ku helay xog faahfaahsan oo ku saabsan weerarka lagu qaaday ee loo adeegsaday sunta neerfaha waxyeelleysa ee Novichok.

Mr Navalny ayaa la sheegay inuu iska dhigay sarkaal ka tirsan laanta sirdoonka Ruushka ee FSB.

Ninka sirdoonka ahaa uu taleefanka kula hadlay oo lagu magacaabo Konstantin Kudryavtsev, ayaana u shegay in sunta Novichok loo mariyey Nigiska.

Mr Navalny oo weli suntaasi dhibaatada ay u geysatay looga dabiibayo magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, barta uu YouTube ku leeyahay wuxuu soo dhigay cod duuban oo ku saabsan wada sheekeysigi dhexmaray isaga iyo xubinka sirdoonka Ruushka katirsanaa.

Mr Navalny ayaa weerarka sumeynta lagu qaaday bishi August isaga oo markaasi ka soo degay diyaarad Ruushka uu leeyahay geeri ayuuna ku sigtay.

Khiyaanada uu Navanly sameeyey ayaa ahayd mid uu suuragelisay inuu helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka sumeynta ee loo geystay.

Bellingcat wuxuu sheegay wicitaanka Mr Kusryavtsev lagula xiriiray in looga dhigay in laga soo hadlayo xaruunta dhexe ee laanta sirdoonka Ruushka ee FSB.

Mr Navalny xubinka sirdoonka uu faahfaahinta ka heleyna wuxuu isaga dhigay mas'uul laanta sirdoonka ka tirsan oo doonaya faahfaahin ku saabsan howlgalka FSB.

Mr Kudryavtsev wuxuu markiba u sheegay Navalny haddii uusan gargaar degdeg ah uu ka helay duuliyaha diyaaradda uu saarnaa iyo kooxda gurmadka caafimaadka degdegga ah ee Omsk, Serbia, iney sababtay inuu geeri ka badbaado.

Mr Kudryavtsev wuxuu sheegay in goor dambe loo diray Omsk si uu ula wareego dharkii Mr Navanly isla-markaana uu uga baab'iyo raadadkii sunta neerfaha waxyeelleysa ee Novichok.

Wariyaha BBc uga soo warrama Moscow Steven Rosenberg wuxuu sheegay codka xubinka sirdoonka laga duuba, Kirimilin iney ku tahay fadeexad aad u weyn taasoo ka horimaneyso diidamadi ay marar badan sameyneysay dowladda Ruusha iney sumeysay xubinkan sida weyn u dhaliila madaxweyne Putin.

Madaxweyne Putin wuxuu toddobaadki hore warbaahinta uu ka sheegay baaritaanka Bellingcat ee socda oo ay wadaan xubno ka tirsan warbaahinta reer galbeedka inuu ahaa 'khiyaano' ay soo hindiseen sirdoonka Mareykanka.

Wuxuuna intaasi ku daray laanta sirdoonka Ruushka ee FSB iney xaq u leedahay iney wiiqdo awoodda Mr Navalny.

Warbixin ku saabsan baaritaanka Bellingcat oo toddobaadki hore la shaaciyey waxaa lagu magac dhabay qaar ka mid ah khubarada hubka kiimikada oo ka tirsan laanta sirdoonka FSB, kuwaasoo uu sheegay iney sanada ka hor ay u hanjabeen una sheegeen inuu naftiisa u baqo inta uu isku daygan dhicin.

Mr Navalny ayaa baraha bulshada malaayiin taageerayaal ah ku leh, maadaamaa uu si weyn ugu cambaareeyo Xisbiga Midowga Ruushka isaga oo xisbigaasi ku tilmaama inuu yahay xisbiga musuqmaasuqiisa uu qoto dheer yahay ayna ka buuxaan 'Tuugo iyo Nacasiin'.

Wuxuuna sheegay Putin inuu wado nidaam 'Faudo oo uu ku jaqayo dhiigga Ruushka'.

Xilligii xagaaga ka hor intaan la sumeynin bishii August, Mr Navanly wuxuu u ololeynayey in dhowr ka mid ah taageerayaashiisa laga soo doorto Siberia.