"Ma doonayno in dumarkeena ay dhallaan ilmo muslimiin ah"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wararka ayaa sheegaya in haweeney Hindu ah si qasab ah looga soo waday ninkeeda oo Muslim an isla markaana laga yaabo inay ilmo ka soo dilmeen, arrintaas oo tooshka ku ifisay kala qeybsanaanta ka dhalatay sharciga ka jira Hindiya ee mamnuuca in qofka diintiisa laga beddelo.
Horraantii bishan, muuqaal arrintan ku saabsan ayaa aad la iskula dhex marayay gudaha Hindiya.
Muuqaalka ayaa muujinaya koox rag ah, oo masarro oronji ah qoorta ku duubtay, oo qadaanqadinaya haweeney gudaha magaalada Moradabad ee gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Uttar Pradesh.
"Dadka adiga oo kale ah ayaa sababtooda loo soo saaray sharcigan," mid ka mid ah ragga ayaa sidaa ku canaananaya.
Raggan ayaa ka tirsan Bajrang Dal, oo ah koox Hindu mayal adag oo taageera xisbiga Ra`iisul Wasaare Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP).
Sharciga ay ka hadlayaan waa mamnuucidda in qofka si aan sharci ahayn looga beddelo diinta kaas oo gobolku uu dhowaan dhaqan geliyay iyadoo lagu beegsanayo "jihaadka jaceylka" - oo ah eray Islaam nacaybnimo ay ku dheehan tahay oo ay kooxaha xagjirka ah ee Hinduuga ula jeedaan in ragga Muslimiinta ay gabdhaha Hinduuga ah muslimiyaan iyagoo guursanaya.
Dhacdada muuqaalka ayaa dhacday 5-tii December. Kooxda Bajrang Dal ayaa haweeneyda 22 jirka ah, ninkeeda iyo walaalkiis u gacan geliyay booliiska, oo kaddib u diray gabadha xarun ay dowladdu maamusho isla markaana xiray nimankii la socday.
Maalmo kaddib, haweeneyda, oo uur toddoba isbuuc ah lahayd, ayaa sheegtay inay ilmaha ka soo dilmeen intii ay xabsiga ku jirtay.
Horraantii toddobaadkan, maxkamad ayaa u oggolaatay inay ku laabato guriga ninkeeda kaddib markii ay maxkamadda u sheegtay inay tahay qof qaan gaar ah ayna ninka Muslimka ah ku guursatay dookheeda. Ninkeeda iyo dumaashigeed ayaa weli xabsi ku jira.
Wareysiyo lala yeeshay Isniintii, ayaa waxay shaqaalaha xarunta ku eedeysay inay si xun ula dhaqmeen iyo intii cabashooyinkeedii hore ee ahaa inay xanuun ka dareemeyso caloosha la iska indho tiray. Xarunta ayaa beenisay eedeymaha.

Xigashada Sawirka, Gajanfar Ali
"Markii ay xaaladdeyda ka sii dartay, isbitaal ayay ii qaadeen [11-kii December]. Markii dhiig la iga qaaday, isbitaalka la i seexiyay cirbado ayaana la igu duray, kaddib waan dhiig baxay."
Labo maalin kaddib, waxay sheegtay, in la siiyay cirbado badan. Dhiigbaxa ayaa ku sii siyaaday caafimaadkeeda ayaana ka sii daray, taas oo sababtay inay ilmuhu ka soo dilmaan, sida ay sheegtay.
Inay taasi run tahay iyo waxa xaqiiqdii ka dhacay isbitaalka weli ma cadda.
Subixii Isniinta, intii ay weli xirneyd, maamulka gobolka ayaa beeniyay warar ku saabsan inay ilmuhu ka soo dilmeen. Wararka ayaa ku saleysnaa wareysiyo lala yeeshay soddohdeed.
Guddoomiyaha Guddiga Dhowridda Carruurta, Vishesh Gupta, ayaa beeniyay dhammaan wararka sheegaya dilanka isagoo sheegay "in cunuggu uu badqabo".
Dhaqtar arrimaha haweenka ah oo ku sugan isbitaalkii lagu daweynayay ayaa weriyeyaasha u sheegay in "uurka toddobada isbuuc ah keliya laga arki karo raajada". Si kastaba, dhaqtarku wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameeyo xubinta taranka keliya lagu ogaan karo in ilmuhu badqabaan iyo in kale.
Balse maamulka isbitaalka weli wax jawaab ah kama bixin eedeymaha ay jeedisay tan iyo intii la sii daayay. Sidoo kale ma aysan siin jawaabta baaritaankeedii raajada amaba faahfaahin la xiriira dawooyinka lagu muday.
Sidaas darteed, sham maalmood kaddib markii ugu horreysay ee isbitaalka loo qaaday, weli ma caddeyn xaaladda ilmaha, taas oo dhalisay su`aalo iyo shaki.
Balse wararka ayaa sheegaya in arrinta ah in laga yaabo in haweeneyda dhalinyarada ah ay ilmuhu ka soo dilmeen ay caro ka abuurtay baraha bulshada Hindiya, iyadoo dad badan ay maamulka ku eedeynayaan arrintaas.
Gudaha Hindiya, guurka dhex mara dadka heysta diimaha kala duwan ayaa laga soo horjeeday in muddo ah, iyadoo qoysasku ay aalaaba diidaan.
Balse sharciga cusub, oo sheegaya in qof walba oo doonaya inuu diintiisa beddelo ay waajib ku tahay inuu oggolaasho ka helo maamulka degmada, ayaa gobolka siinaya awood ka dhan ah xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin inay wax jeclaadaan oo ay doortaan lammaane.
Wuxuu sharcigu dhigayaa in ilaa 10 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono qofkii u hoggaansami waaya. Ugu yaraan afar gobol oo kale oo uu xukumo xisbiga BJP ayaa soo saaraya shuruuc la mid ah kuwaas oo ka dhan ah "jihaadka jaceylka".
Dadka arrintan ka soo horjeeda ayaa sharciga ugu yeeray mid aan habbooneyn waxayna sheegeen in loo adeegsan karo aalad ka dhan ah lammaaneyaasha kala diinta ah, gaar ahaan haweenka Hinduuga iyo ragga Muslimiinta ah.
Rcfaan ka dhan ah sharciga ayaa loo gudbiyay Maxkamadda ugu Sarreysa, kaas oo lagu dalbanayo in meesha laga saaro.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan iyo intii sharciga la meel mariyay 29-kii November, kiisas dhowr ah ayaa la diwaan geliyay oo ku saabsan sharcigan lagu muransan yahay.
Aroosyada ku saabsan lammaanayaasha kala diinta ah, ee dhex mara dadka qaan gaarka ah oo ay qaarkood xitaa ansixiyeen waaliddiinta ayaa la laalay iyadoo caruusyada Muslimiinta ahna la xiray.
Haweeneyda 22 jirka ah ayaa sheegtay inay Islaamtay ayna bishii July ninka Muslimka ah isku guursadeen Dehradun, oo ah magaalo u dhow gobolka Uttarakhand. Markii ay yimaadeen magaalada Moradabad ayaa loo sheegay inay diwaan geliyaan guurkooda.
"Dhibaatada ugu weyn ee sharciga waa in jaceylka dadka kala diinta ah uu u arko howl dembi ah," ayay tiri Charu Gupta oo ah khabiir dhanka taariikhda.
"Wuxuu sidoo kale diidayaa in la rumeysto in haweeney ay wax dooran karto, wuxuu burinayaa ikhtiyaarkeeda. Sow haweeneyda dookheeda maaha inay guursato cidda ay doonto? Xitaa haddii ay dooneyso inay diin kale qaadato, maxaa dhib ah oo ku jira?












