Pierre Webo: Tababare ku xigeenka kooxda Istanbul Basaksehir ee Turkiga oo lagu cunsuriyeeyay Faransiiska

Qoraalka Muuqaalka, 'Aad baan u carooday aad baanan u xumaaday' - Webo ayaa waxa uu dareemayaa in 8-da Diseembar ay waqti muhiim ah u noqon doonto kubadda cagta
Published

Kaaliyaha tababaraha kooxda Istanbul Basaksehir, ee waddanka Turkiga, Pierre Webo, ayaa sheegay in 8-dii bishan Diseembar ee 2020, ay noqon doonto maalin muhiim u ah taariikhda kubadda cagta marka ay timaado la dagaalanka midab-kala-sooca.

Ciyaartoyda Basaksehir iyo Paris St-Germain ayaa isaga baxay garoonka intii ay socotay ciyaar ka tirsaneyd koobka Champions League-ga, oo Talaadadii ka dhacday magaalada Paris, ka dib markii garsooraha afraad ee ciyaarta lagu eedeeyay in Webo uu ugu yeeray midabka jirkiisa.

Webo, oo 38 sano jir ah, ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen "kuwii ugu adkaa" ee xirfaddiisa soo mara.

Waxa uu intaasi ku daray in habeenkii dhacdadaas uu la xiriiray dhakhtar si uu uga caawiyo inuu hurdo.

PSG v Istanbul Basaksehir

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Pierre Webo ayaa loo taagay kaarka cas kaddib markii ay murmeen garsooraha afraad ee ciyaarta

Ciyaaryahankii hore ee xulka Cameroon, Webo, waxa uu garsooraha afraad, Sebastian Coltescu, ku eedeeyay inuu yasay kaddib markii uu midabkiisa ugu yeeray, halkii uu magaciisa ugu yeeri lahaa.

Waxa uu BBC Sport u sheegay: "Aragtidayda, 8-dii bishan Diseembar, waxbaa ka horreeyay, waxbaana ka dambayn doona. Marka waa la xusuusan doonaa."

Ciyaarta, oo laga baxay iyadoo maraysa 14 daqiiqo waxay ahayd 0-0. Waxaase dib loo bilaabay Arbacadii markaas oo ay garsoorayaal ka noqdeen koox cusub.

Ciyaartoyda labada kooxood iyo saraakiishuba, intii ciyaarta la isu diyaarinayay, waxa ay soo xirteen fanaanado lagu soo xardhay 'aan diidno midab-kala-sooca', iyadoo boodh looga soo horjeeday midab-kala-sooca lagu dhejiyay goobta. Ciyaaryahannada ayaa bartamaha garoonka jilbaha dhigtay ka hor inta aanan ciyaarta la billaabin.

Neymar scored three and won a penalty in PSG's win

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Neymar ayaa waxa uu dhaliyay saddex gool, gool ku laadna wuu helay guushii ay gaartay PSG

Webo oo markii ay arrintaas dhacday kaarka cas loo taagay, waxaa loo ogolaaday inuu ciyaarta ka qeybqaato, iyadoo la hakiyay karkii casaa ee loo taagay, xilli UEFA ay baarayso arrinta.

Mar la waydiiyay in ciyaartoyda ay garoonka markale ka bixi doonaan, waxa uu sheegay: "Middaas waynu muujinnay. Garsoorahana ma joojin karo, ee waa ciyaartoyda oo kaliya waxa middaas samayn kara.

"Sida aan sheegayba, waxaannu yeelan doonnaa maalinta ka horreysa 8-da Diseembar iyo maalinta ka dambaysaba."

Ciyaartoyda PSG iyo Basaksehir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Webo, oo sideed sano ku soo qaatay kooxaha Osasuna iyo Mallorca ee ka dheela horyaalka La Liga ee waddanka Spain, wuxuu sheegay inuu taageero badan ka helay ciyaartoyda kubadda cagta iyo dad aananba ciyaaraha dheelin, sidoo kale waxa uu farriimo cay ah ka helay Romania - oo ah halka asal ahaan uu ka soo jeedo garsoorihii arafaad ee ku dhahay ereyga 'cunsuriyadda ah'.

"Ma doonayo in dadka ay diiradda aniga i saaraan wixii dhacay awadeed, ceeb ayey noqonaysaa haddii wixii dhacay uun la igu xasuusto," Webo ayaa yiri. "Waa ceeb in tani ay run tahay.

"Labadaas ama saddexdaas maalmood waxa ay ahayeen maalmihii ugu adkaa xirfaddayda."

UEFA ayaa sheegtay in ay caddaymo uruurinayso balse lama filayo in natiijo ay soo baxdo ka hor ciidda Masiixia.

Saraakiisha u dhashay waddanka Romania ee mas'uulka ka ahaa ciyaarta Champions League-ga ee la joojiyay ayaa jilbaha dhigan doona ciyaaraha maxalliga ah ee ay garsoorayaan illaa kiiska dacwadda ee ciyaartaas laga dhagaysanayo.

PSG v Istanbul Basaksehir

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Pierre Webo ayaa loo taagay kaarka cas kaddib markii ay murmeen garsooraha afraad ee ciyaarta
Demba Ba

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ciyaaryahan Demba Ba oo ka tirsan kooxda Istanbul Basaksehir ayaa ciyaartoyda ugu baaqay inay garoonka isaga baxaan
PSG v Istanbul Basaksehir

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ciyaartoyda Istanbul ayaa garoonka isaga baxay kaddib muran muddo dheer qaatay oo halkaas ka dhacay