TOOS, In ka badan 300 qof oo ay daadad ku dileen Nepal, iyadoo khubaradu ka digayaan fatahaad labaad oo suurtagal ah.
Shaqaalaha samatabbixintu waxay la tacaalayaan sidii ay ku gaari lahaayeen deegaannada ay saameeyeen fatahaadaha degdegga ah ee ka dhacay xadka u dhexeeya Nepal iyo Tibet.
Ninkii loo yaqaaney “Kawaanlihii Bosnia”, ee amray dilka dad badan oo geeriyooday
Hoggaamiyihii hore ee ciidamada Serbiyiinta
Bosnia, Ratko Mladic, ayaa geeriyooday. Ninkan oo 84 jir ahaa ayaa xabsi
daa’im ku qaadanayay magaalada Hague, kadib markii lagu helay dambiyo xasuuq ah
iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo uu geystay horraantii sagaashamaadkii.
Mladic, oo loo yaqaanay “Kawaanlihii Bosnia”, ayaa
ciidamadiisa ku amray inay geystaan gaboodfalladii ugu xumaa ee Yurub ka dhacay
tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Wuxuu lahaa go’doomintii
arxan-darrada ahayd ee k adhacday magaalada Sarajevo halkaas oo lagu
dilayi kumannaan rag iyo wiilal Muslimiin Bosniay ah.
Ha yeeshee , weli wuxuu geesi dagaal u yahay qaar badan oo
ka mid ah Serbiyiinta waddaniyiinta ah; xarun telefishan oo Serbia ah ayaa
geeridiisa ku tilmaantay “ceeb aan weligeed ka tirmayn caddaaladda
caalamiga ah.”
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Markan, si ka duwan sidii xilligii aaska, waxay u muuqatay inaanay dadweynuhu si gaar ah u filayn inuu goobjoog ka ahaado hoggaamiyaha saddexaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah; taas oo u muuqata inay ka dhigan tahay in qarsoodiga u uku jira aanay hadda kicinayn dareenkii iyo falcelintii warbaahinta ee hore u jiri jiray.
Sababta ugu weyn ee afhayeenka dowladda u uku sheegay cudur-daarka maqnaanshahiisa waa arrimaha amniga. Aragtidooda ugu weyn ayaa ah in baahinta muuqaal laga duubay hoggaamiyaha cusub ay daaha ka qaadi karto halka uu ku sugan yahay, taas oo khatar gelin karta noloshiisa. Marka laga jawaabayo su'aasha ku saabsan sababta aan loo baahinayn ugu yaraan wax cod ah oo laga hayo Mojtaba Khamenei, warbaahinta dawladdu waxay ku doodaysaa in xitaa codkiisu uu daaha ka qaadi karo halka uu ku sugan yahay.
Waa run in marka si taxaddar leh loo falanqeynayo faylka codka, in ay suurtagal noqon karto in la ogaado macluumaad muhiim ah, sida astaamaha qalabka wax lagu duubo, tilmaamaha shabakadda korontada, ama qaar ka mid ah muuqaallada iyo kuwa deegaanka ee goobta wax lagu duubayay. Hase yeeshee, haddii sababta ugu weyn ee loo qariyay muuqaalka iyo codka hoggaamiyaha ay ahayd arrimo la xiriira amniga, waxa jirtay siyaabo wax looga qaban karo khataraha dhicia kara.
Tusaale ahaan, hay'adaha dawladdu si fudud ayay uga fogaan kareen adeegsiga qalabka kombuyuutarka si ay u duubaan codka Mojtaba Khamenei, iyagoo isticmaali karay qalabkii ka horreeyay kuwan casriga dhijitaalka ah sida cajaladaha iyo qalabkii hore ee cod-duubista.
War cusub oo laga soo sheegay magaalada St Petersburg Ruushka
Wararka ka imanaya Ruushka ayaa sheegaya in sarkaal milatari
lagu dilay kadib markii gaarigiisa uu ku qarxay magaalada St Petersburg.
Xaaskiisa ayaa la sheegay inay si xun ugu dhaawacantay.
Ninka dhintay magaciisa lama shaacin, balse warbaahinta
Ruushka ayaa sheegtay inuu ahaa gaashaanledhexe. Mas’uuliyiintu
weli ma sheegin waxa sababay qaraxa, waxayna sheegeen oo keliya in gaarigu dab
qabsaday, iyadoo baaritaan la bilaabay.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Ruushka ka dhaceen
weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo shaqaale milatari. Moscow
ayaa marar badan weerarrada noocan ah ku eedeysay Ukraine, inkastoo Kyiv aysan
sheegan mas’uuliyadda dhammaan weerarradaas.
Pakistan oo beeniyey warar laga faafiyey socdaalka taliyaha ciidamada dalkaas uu ku tagay ku tagay
Pakistan ayaa beenisay wararka sheegaya in Taliyaha
Ciidamada Qalabka Sida, General Asim Munir, uu dhawaan booqday Iran isagoo ahaa
ergay uu soo diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo wararkaasi lagu
tilmaamay kuwo “marin-habaabin ah oo xaqiiqada ka fog.”
Tahir Andrabi, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda
Pakistan, ayaa maanta shir jaraa’id oo toddobaadle ah ku qabtay Islamabad ku
sheegay in sheegashada ah in madaxa difaaca Pakistan uu Iran u tegay isagoo
ergay u ah Trump ama Mareykanka ay tahay mid been ah. Wuxuu sheegay in
safarkaasi uu si gaar ah ugu gaar ahaa Pakistan oo dhex-dhexaadinaysay labada dhinac.
Wuxuu sheegay in Asim Munir uu Tehran u safray 24-kii
Agoosto, taas oo qayb ka ahayd dadaallada diblomaasiyadeed ee Pakistan ay ku
doonayso in lagu soo afjaro colaadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, isla
markaana gacan looga geysto dib u furista marin-biyoodka Hormuz.
Sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda
Pakistan, wada-hadalladii booqashada ayaa diiradda lagu saarayay yareynta
xiisadaha gobolka, sidii loo soo afjari lahaa ismari-waaga militari iyo sidii
loo raadin lahaa xal wada-hadal lagu gaaro oo lagu soo celinayo nabadda iyo
xasilloonida gobolka.
Wuxuu intaas ku daray in booqashadu muujisay doorka
Islamabad ee “daacadnimada iyo wax-dhiska leh” ee lagu yareynayo khilaafaadka u
dhexeeya Washington iyo Tehran.
Afhayeenku wuxuu sheegay in Pakistan, oo ay weheliyaan dalal
ay ku tilmaantay “walaalo”, ay sii wadi doonaan dadaallada isku-duwan ee lagu
xallinayo dhibaatooyinka ka jira Bariga Dhexe, ayna taageeri doonaan dhammaan
dadaallada dhab ah ee lagu dib loogu bilaabayo wadahadallada nabadda laguna
gaarayo xal dhammaystiran, caddaalad ah oo waara.
Liverpool oo qarka u saran helista ciyaaryahan tayo sare leh iyo qiimo ay ku doonayso
Qoraalka sawirka, Liverpool
Liverpool ayaa ku dhow inay la soo saxiixato Bradley Barcola
oo ka tirsan Paris Saint-Germain, iyadoo lacagta heshiisku gaari karto £120
milyan.
Ilo wareedyo ayaa BBC Sport u sheegay in wada-hadalladu
horumar sameeyeen 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, waxaana hadda la filayaa
in heshiis buuxa laga gaaro weeraryahanka xulka France.
PSG waxay ku qiimeysay 23-jirkan £145 milyan, balse Liverpool
ayaa diyaar u ah inay heshiiska ku gaarto xirmo lacag ah oo ugu yaraan £100
milyan ah, taas oo gaari karta £120 milyan iyadoo ku xiran guulo waaweyn oo la gaaro ciyaaryahanka iyo kooxda.
Ilo wareedyo badan ayaa BBC Sport u sheegay in Tottenham
Hotspur iyo Manchester City ay labaduba xiiseynayaan weeraryahanka reer
Netherlands.
Liverpool sidoo kale waxay suuqa uga jirtaa garab midig,
iyadoo ay horay u sahamisay inay la soo wareegto Yankuba Minteh oo ka tirsan
Brighton iyo Ismaïla Sarr oo ka tirsan Crystal Palace.
Tirada dadka lagu la’yahay masiibadii Nepal iyo kuwa ku dhintay oo korortay
Hay’adda Qaranka Nepal u qaabilsan Yareynta iyo Maareynta
Khatarta Masiibooyinka ayaa sheegtay in 910 qof la la’yahay, isla markaana aan
lala xiriiri karin kadib fatahaadaha.
Kuwa la la’yahay waxaa ka mid ah 517 qof oo ajaanib ah, 44
xubnood oo ka tirsan Ciidanka Nepal iyo 28 askari oo ka tirsan Booliska Nepal.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in ilaa hadda la helay
meydadka 258 qof, halka 351 qofna la badbaadiyey.
Wararkeennii ugu dambeeyay, waxaan soo sheegnay tirooyin ay
bixiyeen Booliska Nepal oo sheegayay in tirada dhimashadu gaartay 289 qof.
Labada hay’adoodba waxay si gooni-gooni ah u soo gudbinayaan xogta ku saabsan
howlgalka samatabbixinta, iyadoo xaaladdu isbeddelayso.
War deg deg ah, Tirada dadka lagu la'ayahay daadadka Nepal oo korodhay
Tirada dadka la la’yahay ee daadadka Nepal ayaa gaartay 826 qof, iyadoo weli ay socdaan hawlgallada baadi-goobka iyo samatabbixinta.
Sida ay sheegtay Hay’adda Qaranka Nepal u qaabilsan Yareynta Khatarta Musiibooyinka iyo Maareyntooda, 826 qof ayaa la xaqiijiyay inay maqan yihiin. Dadka la la’yahay waxaa ku jira shaqaale amni, dalxiisayaal iyo dad rayid ah.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in in ka badan 500 ajaanib ah ay ka mid yihiin dadka la la'ayahay ee Nepal, iyadoo tirada dalxiisayaasha maqan ay tahay boqolaal.
Hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ayaa weli socda, iyadoo helikobtarrada loo adeegsanayo meelaha ay daadadku go’doomiyeen.
Dhanka kale, tirada dhimashada ayaa gaartay ugu yaraan 165 qof. Mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in tiradani ay sii kordhi karto maadaama kooxaha samatabbixintu ay weli soo saarayaan meydad. RReuters
Waxaa sidoo kale la soo sheegay in boqolaal Hindi ah ay ka mid yihiin dadka maqan; wararkii ugu dambeeyay waxay tirada dadka Hindiya u dhalatay ee la waayay ku qiyaaseen ku dhowaad 180.
Lix qaab oo aad uga hortagi karto bidaarta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Bidaar
Saddex sano ka hor, waxaa la hadal hayay dawo cusub oo loo
helay nooc ka mid ah xanuunnada timaha madaxa ka dhammeeya.Qaar ka tirsan warbaahinta ugu waawayn UK ayaa tabinayay
wararka ku saabsan dawadaas cusub oo la sheegay in ay tahay guul wayn oo la
gaaray.
Seynisyahannada ayaa sheegay in dawada oo ah kaniini
maalintii labo jeer la isticmaalayo ay u baahan tahay muddo lix bilood ah, si
ay dhammaan timaha usoo wada noqdaan.
Sidee hadaba ragga qudhooda ay uga hor tagi karaan bidaarta
ama ay xal ugu heli karaan timaha ka go'aya?
Halkan waxaan ku eegeynaa toddobo qaab oo kaa caawin kara
marxaladdaas.
Burutiin badan. Maadaama ay timaha ka samaysan yihiin
maaddada burutiinka, waxaad u baahan tahay inaad xaqiijiso sidii uu jirkaaga
usoo gali lahaa burutiin kugu filan oo laga helo cuntooyinka qaar.
Taasi waxay kaa caawinaysaa in timahaaga ay awood yeeshaan
caafimaadkooduna uu kordho.
Fitamiinno dhowr ah. Seynisyahannada dhinaca caafimaadka
ayaa ku taliyay in dhowr fitamiin ay kaalin ka qaataan xannaanada timaha iyo ka
hortagidda bidaarta.
Waxaa Fitamiinnadaas ka mid ah noocyada A.B,C iyo D.
Waxaa sidoo kale soo raaca maaddooyinka iron, selenium, iyo
zinc oo iyagana la sheegay in ay muhiim u yihiin koboca iyo caafimaadka timaha.
Cuntada Mediterranean-ka. Daraasad la sameeyay sanadkii
2017-kii ayaa lagu ogaaday in raashinka loo yaqaanno "Cuntada
Mediterranean-ka" ayuu kaalin wayn ka qaato yareynta halista la xiriirta
cudurka timaha ka daadida haweenka iyo bidaarta caadiga ah ee gasha ragga.
Masaajayn. Daraasad yar oo loogu kuur galay caafimaadka ilaa
sagaal nin ayaa lagu ogaaday in masaajaynta madaxa oo maalintii la sameeyo ilaa
4 daqiiqo ay ka qayb qaadan karto koritaanka timaha.
Dhaqid joogto ah.In la dhaqo madaxa maalin walba
waxay ka ka hor tagaysaa inay timaha daataan, maadaama meesha ay timaha ku
yaallaan ay nadiif ahaanayso, caafimaadkeeduna wanaagsanaanayo.
Dawooyin. Waxaa jira dawooyin badan oo loo adeegsado ka
hortagda timaha daata ama bidaarta, kuwaasoo laga heli karo xarumaha lagu
iibiyo dawooyinka.
Dhowr sano ka hor waxaa lasoo saaray daraasad muujinaysa in ragga bidaarta leh ay ka soo jiidasho badan yihiin kana kaslooni badan yihiin kuwa aan bidaarta lahayn.
Trump: Waxaan aamin sanahay inuu weli nool yahay hogaamiyaha sare ee Iiraan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu weli nool yahay, inkastoo uusan si guud u soo muuqan tan iyo markii uu xilka qabtay kaddib dilkii aabbihii bishii Febraayo.
Trump ayaa sidaas u sheegay weriyaha muxaafidka ah ee Maraykanka Glenn Beck. Wuxuu sheegay in Khamenei uu si daran uga dhaawacmay dhinaca bidix ee jirkiisa, oo ay ku jiraan gacan iyo lug.
Mojtaba Khamenei ayaa weli ah hoggaamiyaha Iran iyadoo ay socdaan weerarrada Maraykanka iyo Israel. Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshihiisa joogtada ah ee fagaarayaasha iyo saameynta sii kordheysa ee saraakiisha sare ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdiisa iyo awooddiisa hoggaamineed.
Aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa lagu dilay duqeymihii bilowga u ahaa weerarrada Maraykanka iyo Israel ee Iran.
Trump ayaa marar badan sheegay in Maraykanku uu ku dhow yahay guul ka dhan ah Iran. Hase yeeshee, Maraykanku weli ma xaqiijin in Iran si buuxda u furto Marinka Hormuz ama ay ka tanaasusho hubkeeda iyo qalabkeeda nukliyeerka.
Wareysiga, Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay in cadaadiska militari iyo dhaqaale ee lagu hayo Iran uu sii dhalinayo natiijooyin.
Wuxuu yiri: “Wax walba waxay u socdaan hab guul ah. Dhawaan waxaan halkas ka gaari doonnaa guul weyn.”
Isagoo ka hadlayay Marinka Hormuz, oo Iran inta badan xannibtay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in marinku furan yahay, isla markaana maraakiib badan hadda loo oggolaanayo inay maraan.
Wuxuu sheegay in miinooyinkii badda laga saaray, ayna Maraykanku weli caawinayaan maraakiibta si ay uga gudbaan marinka.
Trump wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Maraykanku uusan oggolaan karin Iran inay hesho hub nukliyeer ah, isagoo sheegay in arrintani tahay qodobka ugu muhiimsan ee colaadda.
Wuxuu ku andacooday inuu horey laba jeer uga hortagay in Iran ay hesho hubkaas.
Waxa kala qabsaday dagaalyahankii CIA-da iyo injineerkii al-shabaab
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Al-Shabaab
Bishii November ee sanadkii 2020-kii gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.
Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.
Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.
Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.
Qaraxaas waxaa ku dhintay saddex Soomaali ah, askari Mareykan ahna dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Wuxuu ahaa Michael Goodboe, oo 54 jir ahaa, ka tirsanaa saraakiisha tababarka khaaska ah leh ee C.I.A-da, horayna ugasoo mid ahaan jiray ciidamada isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka ee Mareykanka.
Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ay militariga Mareykanka ku leeyihiin Jarmalka, balse 17 maalmood kaddib ayuu u geeriyooday dhaawicii.
Geerida Mr. Goodboe waxay ahayd mid ka mid ah kuwa dhifka ah ee Mareykanka Mareykanka kasoo gaara dagaalka dadban ee ay tobanka sano kula jiraan al-shabaab.
In ka badan 160 qof ayaa ku dhintay Nepal, boqolaal dalxiisayaal ahna weli waa la la’yahay, kaddib markii daad xooggan oo aan la fileyn iyo dhul-go’ uu ku dhuftay dalkaas.
Dalxiisayaasha la la’yahay waxaa ka mid ah in ka badan 100 qof oo ka yimid Hindiya, 47–54 qof oo Maraykan ka yimid, 34 qof oo Australian ah, iyo 33 qof oo British ah, iyo sidoo kale in ka badan 100 qof oo u dhashay Nepal. Deegaanku wuxuu caan ku yahay dadka buuraha dalxiiska u taga.
Maraykanka, Shiinaha, Midowga Yurub iyo Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ballanqaaday inay gargaar bixiyaan ama diray sahayda gurmadka.
Tobanaan askarta Booliiska Nepal iyo ciidamada milatariga ayaa sidoo kale la la’yahay, sidoo kalena waxaa la la’yahay shaqaale ka shaqaynayay mashaariicda korontada.
Mas’uuliyiintu markii hore waxay u malaynayeen in dhulgariir uu ka horreeyay daadadka. Hase yeeshee, Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Maraykanka (USGS) ayaa markii dambe sheegtay in tamarta gariirka la diiwaangeliyay uu ka dhashay dhul-go’ weyn, halkii uu ka ahaan lahaa dhulgariir.
Kulanti wacan akhyaareey, ku soo dhowaada tebinteenna tooska ah ee maanta. Halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaaliduba