Ilmahaaga ma uga tagi lahayd qof aan la joogin?

Antoinette Wood

Xigashada Sawirka, Antoinette Wood

Qoraalka sawirka, Antoinette Wood oo carruurta ku madadaalisa qaab maqal iyo muuqaal ah waxay sheegtay inay si taxaddar leh u diyaarsato cashirrada
Published

Xilli ay waalidiintu sanadkan la dhibaatoodeen isku dheellitirka xannaaneynta carruurtooda iyo shaqada, waqtigan uu jiro cudurka safmarka ah, waxaa soo baxay shirkado tiknoolojiyad adeegsanaya oo xal haya.

Richard Conway ayaa sheegay in dad badan aysan ku qancin markii uu la yimid fikradda ku saabsan "in carruurta lagu madadaaliyo hab "maqal iyo muuqaal" ah - taasoo ka dhigan in qofka cunugga looga tagayo uu soo galayo muuqaalka Zoom-ka.

"Inta badan dadku waxay u maleynayeen inay tahay fikrad waalli ah, oo ay horseedeyso in carruurta kaligood looga tago guriga oo cidlo ah," ayuu yidhi ninkan oo aasaasay bogga howlahan fuliya ee Childcare.co.uk.

Adeeggan waxaa markii dambe loo sameeyay waalidiinta guriga gudihiisa ka shaqeeya, si marka ay mashquulka yihiin carruurtooda loogu madadaaliyo dhinaca Internet-ka.

Cunugga adeeggan loo kireynayo shuruudda waalidkiisa lagu xirayo waa in da'da ilmaha ay ahaato ugu yaraan labo sano.

"Carruurta yar yar waxay u baahan yihiin madadaalo gaar ah, haddii waalidiintu ay shaqeynayaanna uma awoodi karaan inay siiyaan waqti ku filan, sidaas darteed waxaan ku fikirnay in qof madadaaliya oo toos khadka ugu soo gala loo sameeyo carruurta noocaas ah," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Conway.

Horaantii sanadkan, Thea Herodotou, oo ah 37 macallimad ka ah London ayaa loo diiwaan galiyay in gabadheeda, Zoe, oo shan jir ah loogu madadaaliyo qaab maqal iyo muuqaal ah.

Zoe

Xigashada Sawirka, Thea Herodotou

Qoraalka sawirka, Thea Herodotou waxay sheegtay in gabadheeda Zoe, oo sawirkan ka muuqata, la siiyay dhowr cashir oo ay ka qaadatay qofka madadaalinayay

Maadaa iskuulkii ay dhiganeysay Zoe uu xiran yahay, waxay hooyadeed sheegtay inay xakameyn weysay kaligeed, sababtoo ah waxay shaqada ka soo qabataa gurigeeda.

"Seygeyga iyo anigu waxaan fasaxyo joogto ah u qaadan jirnay Zoe darteed, si aan u madadaalinno, laakiin dhib ayaan ku qabnay," ayey tidhi.

Sidaas awgeed waxay codsi u dirsadeen Antoinette Wood, oo ah haweeney xirfaddeedu tahay madadaalinta carruurta, si ay gabadhooda maalintii hal saac ula joogto.

In muddo ah ayey Zoe ku qaadataa inay ku xasisho cashirrada madadaalada ah ee la siinayo.

Richard Conway wuxuu sheegay in hadda ay jiraan dad ka badan 4,000 oo qaab maqal iyo muuqaal ah loogu wareejin karo carruurta si ay u mashquuliyaan. Wuxuu intaas ku daray in waalidiin ka badan 50,000 ay soo codsadeen adeeggaas.

Hooyo lagu magacaabo Sri Nujella waxay qof u madadaaliya gabadheeda oo saddex jir ah dalbatay bishii March. Waxaa u adeegayay arday 19 jir ah oo mashquulinayay gabadheeda oo lagu magacaabo Ishi.

Sri Nujella and daughter Ishi

Xigashada Sawirka, Sri Nujella

Qoraalka sawirka, Sri Nujella says that she really needed to find convenient childcare for her daughter Ishi

Hase yeeshee dabcan fikradda ku saabsan in ilmaha looga tago qof muuqaal uga jira meel kale ma aha mid u shaqeyneysa hooyo iyo aabbe kasta.

Sarah Ockwell-Smith, oo ah qoraa ku xeel dheer arrimaha la xiriira waalidnimada, ayaa sheegtay in marnaba qofka caadiga ula jooga ilmaha uusan baddal u noqon karin qof khadka soo galaya.

"Carruurtu waxay si gaar ah dhibaato ugala kulmaan daawashada shaashadaha," ayey tidhi. "Xaaladdan sababtay in dadkii ay yaqaanneen oo dhan iyo saaxiibbadood ay ka arkayaan muuqaal kaliya ayaa abuurtay khatar ay wajihi karaan."