Xasuuqii Christchurch : Weerarkii masaajidda ciidamada ma sii ogaayeen?

Xigashada Sawirka, Reuters
Baaritaan lagu sameeyay xasuuqii ka dhacay masaajiddii Christchurch ayaa lagu ogaaday in wax ka qabasho la`aan ay jirtay, kahor weerarkii 2019-kii, balse waxaa sidoo kale lagu xusay baaritaanka in musiibadaas ay ahayd mid aan laga hortagi karin.
Baaritaanka ayaa la sameeyay ka dib markii nin ay caddaan-nimada ku wayn tahay, oo lagu magacaabo Brenton Tarrant, uu 51 qof ku dilay labo masjid bishii March 2019.
Waxaa lagu ogaaday inuu awooday inuu helo hub baaxad leh iyadoo maamulka magaaladuna ay ku guul darreysteen in ay hubiyaan leysinka hubkaas.
Waxaa sidoo kale la ogaaday in saraakiisha ay aad diiradda u saarayeen kooxaha Islaamiyiinta ah.
Si kastaba, sida ku xusan baaritaanka, sixitaanka guul darrooyinkaas ma ahayn kuwa looga hortagi karay weerarkii uu qaaday ninkan u dhashay Australia oo horraantii sannadkan lagu xukumay xabsi daa`in, aan cafis lahayn,.
Waxaa intaas dheer, xasuuqa ka dib, in dembiyadii kale ee booliisku ogaadeen inuu ninkan galay iyo inuu booqan jiray baraha internet-ka ee kooxaha midig-fog, kuma filneyn in la saadaaliyo weerarka.
Muxuu guddigu ku ogaaday baaritaanka?
"Guddiga ayaa ogaaday in aysan jirin wax qabad la`aan dhanka hay`adaha dowladda ah oo looga hortagi lahaa qorshaha argagixiso iyo maleegidda weerar ba," Ra`iisul Wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa sidaas sheegtay kahor inta aan la soo saarin warbixinta baaritaanka.
"Balse waxay soo abndhigeen casharro badan oo laga baro karo iyo meelo badan oo u baahan in wax laga beddelo."
Waxay tilmaamtay in "guul darrooyinka dhanka leysinka hubka" iyo "waxyaabaha ay booliiska diiradda saareen ee laga maarmi karay" ay ahaayeen kuwa fakar ahaan ku saleeysnaa kooxaha Islaamiyiinta ah.
"Iyadoo guddiga uu ogaaday in natiijada baaritaanka aysan joojin lahayn weerarka, haddana guul darrooyinkaas, si kastaba aniga oo ku hadlaya magaca dowladda, raalli gelin ayaan bixinayaa," ayey tiri.
Warbixinta laga qoray baaritaanka waxaa ku jira talooyin ay dowladdu sheegtay in ay aqbali doonto dhammaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin sameynta hay`ad cusub oo sirdoonka iyo ammaanka qaranka ah iyo soo jeedin booliiska lagula taliyay in ay si wanaagsan u aqoonsadaan ugana jawaab celiyaan dembiyada nacaybka ku saleysan.
Dowladda ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay sameyso wasaarad arrimaha isirka iyo qowmiyadaha qaabilsan.
Sidey Muslimiinta New Zealand uga fal celiyeen?
Imaamka Masjidka Al Noor, oo ka mid ah labadii masjid ee la bartilmaameedsaday, ayaa sheegay in warbixinta ay xaqiijisay in dowladda ay aad uga shaki qabtay Muslimiinta dalkaas intii ay difaaci lahayd.
"Waxaan in muddo ahba ogeyn in Muslimiinta lagula kacay hadallo nacayb ah iyo dembiyo nacayb ku saleysan - warbixinta waxay xaqiijisay in aan saxsan nahay," ayuu yiri.
"Warbixinta waxay muujineysaa in malaha hay`ada dowladda iyo fekerka khaldan ee hay`adaha dowladda ka dhex jira in ay u baahan yihiin in isbeddel lagu sameeyo."
Wuxuu diiradda saaray in loo baahan yahay in isbeddellada uu guddigu soo jeediyay loo adeegsado dib u dhiska aaminaadda u dhaxaysa Muslimiinta iyo booliiska.
Aya Al-Umari, oo walaalkeed uu ku dhintay weerarka ayaa BBC-da u sheegtay in soo arrimaha warbixinta ku qoran lagu muujiyay "dhammaan meelaha saxda ah".
" Arrinta ugu weyn waxay tahay: horumarinta dadaallada ka hortagga argagixisanimada ee New Zealand, leysinka hubka, mideynta bulshada iyo tallaabada New Zealand ee kala duwanaanshaha soo kordheysa ee bulshadeenna," ayey tiri Al-Umari.
Waxay sidoo kale sheegtay in ay rajeyneyso in waxa New Zealand ay ka baratay weerarka in ay casharro u noqon doonaan dalalka kale.
"Waxaan door ka cayaarnaa yareynta dembiyada ku saleysan nacaybka iyo fakradaheenna malaha ku dhisan. Tani waxay sii hurineysaa dabka wixii na soo maray bishii March 15-keedii ee sannadkii hore."
Si kastaba, Golaha Haweenka Muslimiinta New Zealand ayaa cambaareeyay warbixinta iyaga oo sheegay in ay jirtay hubanti la`aan.
"Waxaa jira waxyaabo badan oo caddeymo loo hayay oo aan la baarin, iyo su`aalo ay soo jeediyeen IWCNZ oo la iska indho tiray," ayay yiraahdeen kooxda.
Maxaa ka dhacay Christchurch?
15-kii March, nin u dhashay Australia ayaa weerar ku qaadan dad cibaadeysanayay oo ku sugnaa masjidka Al Noor, isaga oo weerarka si toos ah uga baahinayay Facebook, wuxuuna adeegsanayay kaamiro yar oo madaxa ugu xirneyd.
Wuxuu ka dib gaari u kaxeystay Xarunta Islaamiga ah ee Linwood halkaas oo uu ku toogtay dad dibadda xarunta ku sugnaa, wuxuuna kadib dadka ka toogtay daaqadaha.
Nin ku sugnaa gudaha xarunta ayaa dibadda u soo baxay isaga oo qabsaday mid ka mid ah hubkii ninka weerarka qaaday uu watay, ka dibna wuu cayrsan.
Booliiska ayaa ka dib cayrsaday oo xiray ninkii hubeysnaa. Wuxuu booliiska u sheegay in qorshihiisu ahaa inuu gubo masaajidda ka dib weerarkii ugu horreeyay uu qaado, uuna jeclaan lahaa inuu sidaas sameeyay.
Intii lagu guda jiray maxkamadeyntiisii, bsihii August sanadkan, maxkamadda ayaa ogaatay inuu qorsheynayay inuu beegsado masjid kale, balse waxaa waddada ku xiray booliiska.
Sidey New Zealand uga fal celisay?
Horraantii sannadkan, ninka weerarka qaaday ayaa lagu xukumay xabsi daa`in aan cafis lahayn. Xaakimka ayaa ku tilmaamay ficilladiisa "kuwo bani`aadannimada ka baxsan", iyaga oo sheegay "inuusan muujin wax naxariis ah".
Dowladda ayaa sameysay guddi baara xasuuqa. Waa guddigii ugu sareeyay ee madax bannaan marka la eego sharciga New Zealand.
Warbixinta baaritaanka ayaa qaadatay muddo 18 bilood ah, waxayna ka kooban tahay wareysiyo lala yeeshay boqollaal qof oo ay ka mid yihiin hay`adaha ammaanka, hoggaamiyeyaasha Muslimiinta iyo khubarrada caalamiga ah.
Xasuuqa ayaa sidoo kale sababay in New Zealand ay dib u habeyn ku sameyso sharcigeeda hubka.
Wax ka yar bil ka dib weerarkaas, baarlamaanka dalkaas ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in isbeddel lagu sameeyo sharciga hubka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sharciga cusub ee oggolaanshaha hub-qaadashada New Zealand:
- Ugu yaraan waxaa dalban kara sharciga hubka qof ay da'diisu tahay inta u dhaxeeysa 16 ilaa 18 sano
- Qof walba oo hub haysta waxaa laga doonayaa warqada oggolaanshaha
- Qofka dalbanaya in uu xabo rido, waxaa la marsiinayaa baaritaan la xariira danbiyo iyo cafimaadkiisa oo lahubinayo
- Sharcigan qofka hela waxaa loo oggol yahay iibsashada hub badan













