Ma ogtahay in astaanta gacanta ee OK lagu daray liiska nacaybka?

Astaanta gacanta ee OK oo loo sameeyay Emoji ahaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Astaanta faraha gacanta laga sameeyo ee OK ayaa lagu daray liiska waxyaabaha nacaybka muujiya.

Calaamaddan ka sameysanta markii la isa saaro farta iyo suulka - oo sidoo kaole leh Emoji caan ah oo lagu adeegsado baraha bulshada ayey dadka qaar u adeegsadaan "astaan lagu muujiyo gacan sarreynta dadka caddaanka ah ee adduunka", sida uu sheegay urur la dagaallama meel ka dhaca loo adeegsado luuqadaha oo magaciisa loosoo gaabiyo (ADL).

Laakiin Hayad mareykanka fadhigeedu yahay oo sameysa ol'olaha la dagaallanka nacaybka ayaa sheegtay in "isticmaalka xad dhaafka ah" ee astaantan ay dadka qaar ku muujiyaan inay ladan yihiin.

Astaanta OK

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa la aaminsan yahay in astaanta farta iyo suulka ee OK markii ugu horreysay lagu adeegsaday gudaha Britain, qarnigii 17-aad

Sidaas awgeed, waxay qabaan "in il gaar ah lagu eego ujeeddada khaaska ah ee uu leeyahay qofka adeegsanaya astaanta farta iyo suulka ee OK"

Astaamaha kale ee gacanta loo adeegsado, isla markaana nacaybka loo aqoonsaday waxaa ka mid ah kuwa ay salaan ahaanta u adeegsan jireen Naasiyiintii Jarmalka iyo waliba kuwa muujiya dhiirrigalinta xasuuqa loo geysto dadka caddaanka ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xubnaha ururka midigta fog ee Proud Boys ayaa adeegsanaya astaanta farta iyo suulka ee OK xilli ay ka qeyb galayeen isu soo bax ka dhacay Oregon

Ururka la dagaallanka meel ka dhaca loo adeegsado astaamaha luuqadaha ayaa ol'olahooda loo bixiyay "nacaybka muuqda" billaabay sanadkii 2000, iyagoo ujeeddadoodu ay ahayd inay dadka baraan calaamadaha xagjirnimada ah.

Astaamaha nacaybka loo tixgaliyay waxay hadda kor u dhaafayaan ilaa 200, waxaana sidoo kale ka mid ah astaanta muujisa saliibka ololaya.

"Xitaa iyadoo dadka xagjirka ah ay isticmaalaan calaamado jira sannado ama tobannaan sano, haddana wali waxay sii abuuraan kuwo cusub, halkudhigyo iyo astaamo kale oo muujinaya nacayb", waxaa sidaas yiri madaxa ururka ADL Jonathan Greenblatt.

"Waxaan aaminsannahay in laamaha sharci fulinta iyo shacabkuba ay u baahan yihiin inay si buuxda u fahmaan micnaha ku jira astaamahan, maadaama ay xambaarsan yihiin digniino muujinaya dadka uu nacaybka ku jiro, xilliyada ay iskuullada joogaan iyo bulshada dhexdoodaba", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Brenton Tarrant wuxuu astaantan adeegsaday mar uu kasoo hor muuqday maxkamadda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ninka loo heystay weerarkii masaajidka New Zealand ayaa adeegsaday astaanta OK ee farta iyo suulka

Ninka loo heysto weerarkii 51 ruux oo muslimiin ah lagu dilay ee ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee waddanka New Zealand, horaantii sannadkan, ayaa adeegsaday calaamaddan OK, markii uu maxkamadda kasoo hor muuqday.

Wuxuu garsoorka maxkamadda u sheegay inuusan wax dambi ah ku lahayn falkaas.

Dr Paul Stocker, oo ah taariikhyahan ku takhasusay dhaqdhaqaaqyada xagjiriinta midigta fog, ayaa sheegay in astaanta OK ay tahay hab ay iskula xiriiraan, oo isugu baaqaan dadka xubnaha ka ah ururkaas.

"Waa farriin calaamadeed oo ay isku diraan dadka fikirkaas la dhacsan, isla markaana og micnaha uu ku fadhiyo fikirkooda", ayuu ku yiri wareysi uu siiyay warka ka baxa idaacadda BBC-da qeybteeda Radio 1.

line