Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ka xun tahay "aflagaadeynta" Nebiga

Muqdisho waxaa shaley ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo Faransiiska
Qoraalka sawirka, Muqdisho waxaa shaley ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo Faransiiska
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in la aflagadeeyo Nebiga iyadoo marmarsiiyo looga dhigayo xoriyatul qowlka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay 'in ay haboontahay in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan"

Soomaaliya waxay codsi u jeedisay hogaamiyeyaasha caalamka si ay uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dadka muslimiinta.

"Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxay arrintani imaanysaa xilli shaley qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho lagu qabtay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Dadweynaha ayaa ku dhawaaqayay hadallo ka dhan ah Faransiiska.

Dad badan oo muslimiin ah ayaa dibadbaxyo ka dhigay dunida muslimka, iyagoo codsanaya in la qaadaco badeecadaha Faransiiska xilli khilaaf ka taagan yahay mowqifka adag ee Faransiiska ka taagan yahay Islaamka xagjirka ah.