'Hooyadeey waxay ka argagaxday ninka aan jeclaaday'

Salma and her boyfriend
Published

Gabar u dhalatay Bangladesh oo hesata dhalashada Ingiriiska ayaa ku khasbanaatay inay dagaal ku wajahdo qoyskeeda kaddib markii ay si aan lagu farxin uga fal celiyeen uur ay u yeelatay nin madow ah.

Salma waxay iyadoo cadheysan ka carartay guriga hooyadeed, kaddibna waxay dadaal u gashay inay nolosheeda dabarto. Laakiin hadda iyadoo 21 jir ah, labo bilood oo uur ahna leh, ayey hoy la'aan tahay.

Albaabka guriga qoyskeeda wuu ka xidhan yahay, reerkeeduna sidaas ayeyba ku deyriyeen.

Waxaasoo dhan sababtooda waa in iyadoo reer Bangladesh ah tahay ayna ku adkeysaneyso inay dhasho cunug uu aabbe u yahay nin madow ah.

Dhaqan ahaan bulshadeeda, dumarka reer Bangladesh ilmo "kuma dhalaan" wax guur ka baxsan - iskaba daa inay guursadaan dad jinsiyado kale ah ama ay yeeshaan carruur midab madow leh.

Habaryarteed ayaa subax dhan isku dayeysay inay ka dhaadhiciso sidii ay mar labaad ilmaha isaga soo xaaqi lahayd, maadaama markii koowaad ee ay uurka yeelatay ay iska soo xaaqday.

Laakiin markan da'deedu am ahayn 18 sano. Maxay tahay xuquuqda ay u leeyihiin inay go'aankeeda u meeriyaan.

"Waxaan diyaar u ahaa inaan sameeyo wax kasta oo aan cunugteyda ku badbaadin karo. Haa, taas micnaheedu waa inaan ka samro qoyskeyga, inaan ka samro xirfaddeyda iyo inaan ka samro wax walba oo aan heystay. Laakiin waxaan dareemay in aysan jirin waddo kale oo ii furan," ayey tidhi Salma.

Ka hor inta aysan Salma ka dhaqaaqin guriga reerkeeda, waxay aragtay hooyadeed oo illinta indhaheeda ka daadaneysa ay qoysay sabaayad ay qeyb ka cuntay.

Salma leaving home as her mother cries

"Waan ogahay inay jecleyd in cunuggan uu noqdo mid Bengali ah. Markaas waxay wici lahayd qoyska ninka aan jeclahay, waxay qorsheyn lahayd arooska, 'way sharciyeyn lahayd' wax walbana dhexda ayey u xidhan lahay."

Laakiin cunugga aan caloosha ku wado aabbihiis waa nin madow ah.

Inta aysan xubno kale oo qaraabadeeda ah culeys soo saarin, Salma waxay isaga soo carartay guriga reerkeeda, iyadoo gacanta kusoo qabsatay telefoon ay lahayd oo noociisu ahaa Nokia 3210.

Ma aysan dooneynin inay ilmaha iska soo xaado, suuragalna uma ahayn inay lasii joogto qoys aan ku taageersaneyn inay cunuggeeda dhasho.

Sheekada jacaylka ee Salma waxay ahayd mid cajiib ah. Wiilka wuxuu dagganaa guriga ku xiga albaabkooda, iyada ayaana atariishada ahayd oo isxakameyn weysay islamarkaana jeclaatay marka horeba. Laakiin filimada Bollywood-ka lagama yaqaanno Atoore madow ah.

Inkastoo bulshooyinka daggan Koonfurta qaaradda Aasiya ay qarniyo badan dhibaato kasoo mareen cunsuriyad lagu sameynayay, naceybka midabka madow iyo fikirka lagu diiddan yahay dadka madowga ah wuxuu ku badan yahay bulshooyinka gobolkaas ku dhaqan.

Ma jirin hal habaryar oo Salma markii ay yareyd ku dhahday, "Dadka madowga ah way xun yihiin." Balse nacaybka madowga wuxuu leeyahay hab kale oo loo maro iyo sheekooyin carruurta lagu soo abaabiyo ilaa marka ay aad u da' yar yihiin, sida in lagu dhoho "Ha u bixin qorraxda bannaanka, haddii kale waad madoobaaneysaa," ama "Gabar midabkeeda uusan madow ahayn ayaa durba la guursadaa."

Hooyadeed waxay fikirka madow nacaybka ah soo billowday waagii ay Bangladesh ku nooleyd xilligii gumeysigaIngiriiska uu halkaas ka jiray. Xitaa waxay aad u necbaan jirtay dhaqanka ragga madowga ah oo ay ka aaminsaneyn mid xun.

Salma oo 16 jir ah ayey ku dhihi jirtay: "Nimanka madow ujeeddadooda waa inay uur kuu yeelaan oo kaliya."

Markii ay ogaatay inay gabadheeda isjeclaadeen wiilka dariska la ah waxay ku tidhi: "Nin madow ah qiimo fiican agtiisa kama yeelaneysid."

Hadalka noocaas ah cid tidhi ma jirin markii wiilasha qoyska saddex ka mid ah ay guursadeen saddex gabdhood oo caddaan ah.

Short presentational grey line

Salma waalidiinteeda waxay London tageen 30 sano ka hor, kaddib markii ay kasoo qaxeen waddanka Bangladesh.

Laakiin maalin maalmaha ka mid ah furihii ay Salma heysatay ayaa ku shaeyn waayay albaabka hore ee gurigooda.

Intii ay iyada iyo hooyadeed ku maqnaayeen safar xilliga fasaxa ah, aabbaheed ayaa baddalay qufulkii, halkaas ayeyna Salma iyo hooyadeed ku noqdeen hoy la'aan. Hooyadeed waxay ku khasbanaatay inay kaligeed korsato labo carruur ah.

Xilligaas wixii kla dambeeyay bulshadii ay ka soo jeedday ayaa ku aflagaaddeyn jirtay inay garoob tahay - laakiin sidoo kale dadka aan reer Bangladesh-ka ahayn xitaa waxay ka ahayd ajnabi.

"Cabsida ugu weyn ee ay qabtay waxay ahayd in anigana ay igu dhacaan wixii iyada ku dhacay," ayey tidhi Salma.

"Haddana isla anigii ayaa ka hor imaaday, oo dhaqankeygii diiday, xirfaddeydii iyo wax kastana u burburiyay nin madow ah oo ay ka aaminsaneyd inuu iga rabo raaxo kaliya, guurkeygana uusan waxba ku faleynin, haddana iga dhalay gabar ay hooyadey aaminsan tahay inaan nolosheeda kaafin karin."

Short presentational grey line

Hal isbuuc kaddib markii ay cunugteeda dhashay, Salma waxay is aragtay iyadoo hor taagan guriga hooyadeed mar kale. Waxay arkeysay nalalka loogu talagalay dabaaldagga ciidda masiixiyiinta oo daaqadda lagu sharraxay, waxaana u soo carfay hilib digaag oo guriga laga kariyay. Iyadoo cabsi dareemeysa ayey cunugga si fiican marada ugu xajisatay, albaabkii ayeyna garaacday.

Durbadiiba waxaa ka furay walaalkeed, cunuga ay gacmaha ku wadato ayuu si xun u qooraansaday, horay ayeyna usii gudubtay.

Tolow sidey hooyadeed uga fal-celin doontaa cunuggan halka toddobaad jira?

Waxay fariisatay miiskii cashada, cunuggiina waxay seexisay qol kale. Hooyadeed waxay iska ilaalineysay inay indhaheeda iyo indhaha gabadheeda isku dhacaan markii ay hilibkii digaagga u keeneysay.

Islamarkiiba, oohinta cunuggii yaraa ayaa ka yeertay qolkii ku xigay. Salma waxay dareentay inayba tahay fursad fiican oo ay marmarsiiyo ka dhigato, laakiin hooyadeed ayaa celisay markii ay u dhaqaaqday: "Aniga ayaa u tagay." Wax yar kaddib oohintii way istaagtay. Hooyadeed ayaa cunugtii ay ayeeyada u ahayd markii ugu horreysay soo qabatay.

Salma's mother holding her baby

Illin ayaa kasoo hoobatay Salma indhaheeda. Hooyadeed inkastoo ay fikir xun ka aaminsaneyd ninka gabadheeda ay ilmaha u dhashay, haddana wali way jecleyd. Taasina waxay xaqiijisay aqbalidda codsigii ay ku rabtay inay mar kale guriga qoyskeeda ugu soo laabato, caawinaadna ku hesho..

"Maalmo gudahoodba, hooyadeey waxay cunugtii yareyd marsiisay dhammaan dhaqamada islaamiga ah, wayna u duceysay gabadheyda," ayey tidhi Salma.

Sidaasoo ay tahay, kama aysan sheekeysanin waxyaabihii dhacay bilihii ay Salma ka maqneyd guriga.

Shan isbuuc kaddib, musiibiyo ayaa dhacday.

Salma waxay ogaatay in gacaliyaheeda uu muddadii ay wada socdeen oo dhan la socday haweeney kale, iyaduna ay cunug kale u dhashay.

Waxaa rumowday cabsidii ay hooyadeed waligeedba ka qabtay ragga madowga ah, wax walbana waxay noqdeen sidii ay ka digeysay.

Salma waxaa kasoo hartay aamusnaan, cadho iyo nolol qallafsan - walwal aad u badan ayaana soo wajahay.

"Hooyadey waxaa ku soo vaxday howl kale oo ah inay labo cunug xannaaneyso - aniga iyo gabadheyda. Labadeennaba hurdada ayey naga kicin jirtay, laakiin dadka dhan ayeyka qarin jirtay xaaladda aan ku sugan nahay."

Salma waxay nolosheeda soo hagaagtay markii ay qortay gabay, waxbarashana dib u billowday. Jaamacad ayey ka qalin jabisay 7 bilood kaddib markii ay cunugteeda dhashay.

Hooyadeed mar kasta way kasoo horjeedday go'aannada ay Salma ka qaadaneyso nolosheeda, gaar ahaan markii ay dib ugu laabatay gacaliyaheedii hore, meel gaar u ahna la dagtay.

Tallaabadaas waxay qaadday islamarkii ay jaamacadda dhammeysay.

Short presentational grey line

Dhowrkii sano ee xigtay, nolosha Salma isbadallo kale oo lama filaan ah ayaa ku dhacay.

Cunug kale ayey u dhashay isla ninkii hore, kaasoo markii dambena toos uga tagay, dibna aan ugu soo noqonin. Waxay billowday inay nolosha dib ula dhisato qoyskeeda iyo qaraabadeeda, kuwaasoo markii hore carruurteeda ku caayi jiray.

Xitaa mid ka mid ah xubnaha qoyskeeda ayaa ka raalli galisay inay qeyb ka ahayd ololihii soo xaaqista ilmaha.

Laakiin wali waxaan meesha ka bixin naceybka loo muujinayay madowga, oo si toos ah u saameynayay carruurteeda.

"Way iska caddeyd inuu kaa tagi doono, oo uu soo afjari doono waddada khaldaneyd," ayey tidhi hooyadeed. Dadka qaar ayaa u sheegi jiray in ilmaheeda ay ugu yaraan iyada shabahaan.

Salma, her children and her cousins

Waxay mar walba isku dayi jirtay inay u sharraxdo sida ay saameynta xun ugu reebayaan hadalladaas lagu dhahayo.

Laakiin intii ay Salma carruurteeda sii weynaanayeen waxay la qabsatay hadallada ay hooyadeed ugu muujineysay walaaca.

"Hadda waan arkaa sida ay xaaladda isugu baddashay jacayl iyo xannaaneyn," ayey tidhi.

Ilaa hadda Salma mararka qaar ayey hooyadeed isku buuqaan iyadoo ka falcelineysa sida loogu colaadiyay go'aankii ay ku dooratay ninka madowga ah.

Maalin maalmaha ka mid ah ayey tidhi Salma: "Waxa aad sidaas dhan u sameyneyso waa inuu midabkiisu madow ahaa sooma aha?"

"Maya," ayey tidhi hooyadeed oo isdifaaceysa. "Ma aha inuu madow ahaa, balse sababta waa inuusan Muslim ahayn. Nama uusan fahmi karin."

Salma iyadoo argagaxsan ayey hooyadeed eegtay. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay hooyadeed u muujisay muhiimadda dhinaca diinta. Waxay niyadda iska weydiisay sababta waxba looga dhihi waayay saddexda haweenka ah ee aan muslimka ahayn, laguna soo dhaweeyay qoyska.

Laakiin waxay u qaadatay in taasi ay tahay sida kaliya ee ay hooyadeed ku muujineysay fikirkeeda madow nacaybka ah, iyadoo aan si toos ah u qiraneynin.

Sawirrada farshaxanka ah waxaa sameysay Tanzina Parisa Kabir