Dadka corona ugu dhintay dunida oo dhan oo hal milyan gaadhay

Published

Tirada dadka adduunka ee u dhintey xanuunka 'Covid-19' ayaa dhaafey hal milyan, sida ay soo tebiyeen cilmi-baadhayaashu , iyada oo gobollo badan weli laga soo sheegayo in tiradu sii kordheyso oo kiisas cusub la helayo.

Ururinta iyo kaydinta ay saamaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku aaddan saamaynta fayraskan waxay muujineysaa in dadka ka dhintay Mareykanka, Brazil iyo Hindiya ay kala badh ka yihiin wadarta tiradaas guud ahaan.

Khubarada ayaana ka digaya in tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaad diwaangashan aad uga badan tahay.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay "xaalad qarracan ah" iyo "natiijo xanuun badan".

"Haddana waa inaynaan waligeen indhaha ka qarsan guud ahaan waxa socda oo aan sii calool adaygnaa," ayuu yidhi fariin muuqaal ah oo laga soo duubay.

"Waxay ahaayeen aabbayaal iyo hooyooyin, xaasaska iyo rag, walaalo, asxaab iyo shaqo wadaag. Waa xanuun daran waxa uu ina baday cudurkani"

Fiditaankan ayaa imanaya ku dhowaad 10 bilood ka dib markii warka coronavirus ay tebintiisii u horraysay ka soo baahday Wuhan, magaalo ka tirsan Shiinaha.

Cudurkan faafa ayaa tan iyo markii uu bilaabmay ku baahay 188 dal iyadoo la xaqiijiyay in ka badan 32 milyan oo kiis. Bandawga iyo tallaabooyinka kale ee la isku dayayo in lagu joojiyo faafidda fayrasku waxay galaafteen dhaqaalihii adduunka oo galay xaalad hoobad ah.

Dhanka kale, dedaallada lagu doonayo in lagu soo saaro tallaal wax ku ool ah ayaa sii socda - in kasta oo Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay ka digtay in tirada dhimashadu ay gaadhi karto laba milyan ka hor inta aan sida ugu macquulsan loo helin tallaalkaas.

Mareykanku waa dalka tirada ugu badan ay ka dhimatay, waxaana diwaanku sheegayaa 205,000 dhimasho, halka ay ku xigto Brazil oo ay ku dhinteen 141,700 iyo Hindiya oo ay ku dhinteen 95,500.

Meelahee ayuu si xawli ah ugu faafayaa?

Mareykanka wuxuu diiwaan geliyay in ka badan toddobo milyan oo kiis - taas oo ka badan shan meelood meel wadarta guud ee adduunka dadka uu soo ritay. Kadib mowjad labaad oo xanuunka ah bishii Luulyo, tirooyinku waxay hoos udhaceen Ogosto laakiin waxay umuuqdaan inay mar kale kor u kacayaan hadda.

Isla sida oo kale fayrasku waxa uu si xawli ah ugu faafayaaa dalka Hindiya, iyada oo dalku diiwaan galinayey ilaa 90,000 oo kiis maalin ka hor bishii Sebtember.

dadka la xaqiijiyey ee qaaday ee Hindiya waxay gaareen lix milyan - oo ah kan labaad ee ugu sarreeya ka dib Mareykanka. Si kastaba ha noqotee, marka la fiiriyo baaxadda dadkeeda Hindiya waxay noqonaysaa mid heerka dhimashadu hooseeyo.

Brazil ayaa ah waddanka tirada ugu badan ee dhimashada Latin America waxayna diiwaan galiyeen in ka badan 4.7 milyan oo kiis, waana kan sedexaad ee ugu badan adduunka.

Halka kale ee qaaraddaasi ka mid ah, ee si dhakhso leh ugu kordhayaa waa Argentina, oo hadda sheegay inay la kulmeen in ka badan 700,000 oo kiis.

Waxaase khubarada sida dhaw ula socda faafidda cudurkani qabaan, in tirada dadka laga helay, marka loo eego baadhisyada goosgooska ah iyo diwaangelinta aan la isku hallaynkarin in tirafdu ay aad uga fogtahay inta ay sheegeen dal kastaaba in ay diwaan geliyeen

Halkee wax marayaan qorshayaashii tallaalka?

Dunida oo dhan, waxaa jira qiyaastii 240 tallaal oo ku jira wejigii hore ee hubintoda, iyo afartan maraya wejiga labaad ee hubintooda caafimaad iyo sagaal ku jira marxaladda ugu dambeysa ee ku tijaabinta kumanaan qof. Horumarinta tallaalku caadi ahaan waxay qaadataa sannado laakiin xaaladda degdegga ah ee adduunku ku jiro awgeed, saynisyahannadu waxay ku shaqeynayaan xawaare aad u sarreeya

Halka mid kale oo ay soo saartay Jaamacadda Oxford - oo horeba ugu jiray heer tijaabo ah oo horumarsan - ayaa muujisay inay kicin karto habdhiska difaaca ee jidhka, waxaana heshiis la saxeexday shirkadda daawada AstraZeneca si loo sameeyo 100 milyan oo qiyaas ah dalka Ingiriiska oo keliya.

Shiinaha laftiisa, tallaal suuragal ah ayaa isna muujiyey tayo dhanka unugyada difaaca jidhka ah waxaana loo diyaariyay militariga Shiinaha. Si kastaba ha noqotee, walaac ayaa laga muujiyay xawaaraha lagu soo saaray tallaalkaas.

Dhanka kale Ruushka, ayaa isna qorshahaas wada oo sheegay inay hayaan mid habdhiska difaaca waxtaraya.

Warbixin ay soo saareen horaantii bishaan, ayay ku sheegeen in kaqeybgale kasta oo tijaabo ah uu sameeyay unugyada difaaca jirka si loola dagaalamo viruska wax dhibaato ah oo daranna aysan la kulmin

Ruushka ruqsad ayuu siiyay tallaalka si loogu isticmaalo dalka gudihiisa Ogosto - waddankii ugu horreeyay ee sidaas sameeya. Waxa sejiray walaac ku saabsan xawaaraha hawsha khubarada qaarna waxay sheegeen in tijaabooyinkii hore ay aad u yaraayeen aysanna u qalmin kuwa caddayn kara waxtarka iyo badbaadada uu leeyahay.

Mareykanka gudihiisa, Madaxweyne Donald Trump wuxuu yiri dadka Mareykanka waa inay awoodaan inay helaan tallaal horaanta bisha Oktoobar inkasta oo Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ay sheegaan in tallaalku uusan u muuqan mid si ballaaran loo heli karo kahor badhtamaha 2021.

WHO ayaa iyana sida oo kale sheegtay inaysan fileynin inay aragto talaal balaadhan oo ka dhan ah Covid-19 illaa iyo bartamaha 2021.