Deepika Padukone: Xiddigta Bollywood ayaa su'aalo maandooriyaha la xiriira la weydiiyey

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiddigta Bollywood Deepika Padukone ayaa la sheegay iney su'aalo weydiiyeen guddiga dalka Hindiya u qaabilsan ka hortagga waxyaabaha maanka dooriya iyaga oo su'aalahooda la xiriiriyey baaritaanka ay wadaan ee ku saabsan atoorihi dhintay Sushant Singh Rajput.
Padukone ayaa waxay ka mid tahay 6 qof oo arrintan wax laga weydiiyey oo ay ka mid yihiin laba atrisha oo kale.
Rajput saaxibaddii, Rhea Chakraborty ayaa xabsiga loo taxaabay horraanti bishan iyada oo lagu eedeeyey iney maandooriya u soo iibisay Rajput inkasta oo ay iyadu eeddaasi diidday.
Kiiskan oo ay warbaahinta Hindiya si weyn u sii huriyeen ayaa ahaa mid dalka Hindiya si weyn looga hadal hayo.
Xafiiska ka hortagga maandooriyaha ee Hindiya (NCB) oo sii ballaadhiyey baaritaanka kiiska maanta oo Sabti ah wuxuu su'aalo muddo lix saacadood ah qaatay uu magaalada Mumbai ku weydiiyey atrisho Padukone.
Sida oo kale waxaa iyaguna su'aalo si gooni gooni ah uu xafiiska NCB uu u weydiiyey atrishooyinka kala ah Sara Ali Khan iyo Shraddha Kappor, iyada oo jimcihina su'aalo kuwaasi la mid ah la weydiiyey atrisho Rakul Preet Singh.

Xigashada Sawirka, Reuters
Rajput oo ay da'diisu ahayd 34 jir ayaa 14-ki June meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaallay magaalada Mombai. Iyada oo booliska ay markaasi sheegeen Rajput inuu isdilay.
Balse waxyar kaddib qoyska Rajput ayaa booliska ka dacweeyey Chakraborty iyaga oo ku eedeeyey iney wiilkooda khaarijisay, inkasta Chakraborty eedda loo soo jeediyey oo dhan ay ku gacan seyrtay.
Baaritaanka Kiiska dilka Rajput waxaa haatan gacanta ku haya afar hay'adood oo ka tirsan Dowladda Federaalka hindiya.
Iyadoo baarayaasha ay warbaahinta ka siinayaan xogo aad u kooban, haddana xanta iyo mala awaalka wixii dhacay iyo cidda mas'uulka ka ah dilka Rajput ayaa noqotay mid weli aad u cakiran.
Kiiska muxuu yahay?
Xafiiska ka hortagga maandooriyaeyaasha ee dalka Hindiya (NCB) wuxuu billaabay laba baaritaan midka koobaad oo uu ku sameynayo Rhea Chakraborty walaalkeed iyo baaritaanka labaad oo uu ku socdo maareeyihi hore ee hoyga Rajput.
Seddexddooduba waxaa loo xiray laguna soo eedeeyey abaabulidda iyo dhaqaale ku bixinta inuu atooraha dhintay uu isticmaalo maandooriyaha cannabis. Balse dhammaantood waxay diideen eedaha loo soo jeediyey.
Warbaahinta maxalliga ah ee Hindiya ayaa sheegay Baadhitaanka labaad oo kii hore daba socda inuu ku saabsanaa wararka la isladhex maraya ee ku aaddan isticmaalka ballaadhan ee dmandooriyaha ee Bollywood.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalmo marki ay ka soo wareegtay geerida Rajput wuxuu markiba shakiga uu u weecday atrisho Chakraborty oo looga shakiyey iney iyadu shirqooshay atooraha geeriyooday maadaamaa ay xiriir aad u dhow la laheed.
Xafiiska NCB ee baaritaanka wado wuxuu sheegay iney baaritaankooda ka tixraaceen farriimaha Whatsup ee ay Rajput iyo Chakraborty isdhaafsadeen oo ay kaga wadahadleen maandooriyaha.
Maandooriyaha marijuana oo dalka Hindiya sharci darra ka ah haddana waxaa badanaa dalkaasi laga isticmaalaa nooca 'bhang' loo yaqaanna oo qayb ka mid ah maandooriyahaasi uu ku jiro.
Deepika Padukone arrintan maxaa ka quseeyo?
Dhab ahaan ilaa iyo hadda arrintu ma cadda.
Balse warbaahinta maxalliga waxay sheegeen xubnaha ka socda xafiiska NCB oo su'aalaha maandooriyaha la xiriira wqeydiiyey atrisho Padukone iney ka duuleen farriimo ay Rajput iyo maamulaheeda ay dhanka Whatsup kula wadaageen Rajput.
Balse waxaan weli la ogaan farriimaha ay isdhaafsadeen waxa ay yihiin.
Dadka qaar ayaa aaminsan in atrishadan la bartilmaameedsado inay sababtay booqashada ay bishii January ku tagtay jaamacad ay kooxa arday ah oo iska soo horjeedo ay rabshado ka sameeyeen ardayda oo isaga soo horjeeday muxaafid taageersan xisbiga BJP ee ra'isal wasaare Narendra Modi iyo arday ka soo horjeedday.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taageerayaasha xisbiga BJP ayaa atrishada ku eedeeyay inay si xishood la'aan ah wax badan u qarinayso, iyada oo ilaalineyso sumcadda filimkeeda cusub waxayna codsadeen dadku inay qaadacaan.
Wargeyska 'Times Of India' wuxuu qoray dadka maandooriyaha ka ganacsada oo ay su'aalo weydiiyeen iney magacdhabeen atrishooyin kale oo ka tirsan jilayaasha Bollywood.
Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalkaasi hindiyana waxay su'aal geliyeen sababta Jilayaasha gabdhaha oo keli ah wax loo weydiinaya oo jilayaasha ragga ah looga soo darin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waarka kale ee laga baahiyey dilka Rajput
Telefishiinnada kala duwan iyo bogagga wararka laba siyaabood ayey geerida Sushant uga warrameen.
Dadka qaar waxay aaminsan yihiin waxa ku kallifay iney noqon karto arrima Rhea la xiriiro ama cadaadis uu kala kulmay soo sarayaasha filimaanta, halka ay qaarna aaminsan yihiin geeridiisa iney shaki badan leedahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr Soumitra Pathare oo ku takhasusay caafimaadka maskaxda wuxuu leeyahay warbaahinta kala duwan waa iney ilaaliyaan anshaxa u yaalla ayna ka waantoobaan iney tabiyaan mawduucyo xasaasi ah sida dadka isdilo.
"Balse nasiib darro, waraabhin badam uma hoggaansamaan shuruucda anshaxa ee warbaahinta u yaalla. Mana ah iney illoobaan mas'uuliyadda saaran," ayuu ku daray.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times
Halka warbaahinta qaarna ay geerida atooraha la xiriirinayaa caafimaad darro dhinaca maskaxda oo la soo deristay.
Booliska Mumbai ayaa sida oo kale lagu dhaleeceeyey faahfaahinta ay bixiyeen sida atooraha marki noolashiisa ugu dambeysa waxyaabaha uu khadka ka baarbaaray.
Madaxa gobolka Bihar Nitish Kumar, ayaa ku taliyey kiiska iney baaraan wakaaladda dambi baarista federaalka, CBI ama Xafiiska dhexe ee dambi baarista.

Xigashada Sawirka, India Today/Instagram
Shekhar iyo Sushant waxaa lagu waday inay ka wada shaqeeyaan filim lagu magacaabo Paani, kaasoo uu qorshaha ahaa inuu soo baxo sanadkii 2015-kii, laakiin ay ku gacan seyrtay shirkadda filimada soo saarta ee Yash Raj Films.
Sanadkii 2016-kii ayuu Shekhar bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu aad ula dhacay qaabkii uu Sushant ugu diyaar garoobay filimkaas.
"Waxaan niyad jab weyn ka dareemayaa sida aad uga niyad jabtay Paani, laakiin waligey lama kulmin jilaa qaabka sidaas u wanaagsan ugu diyaar garoobay si uu qeyb uga qaato filim."
Sushant Singh Rajput wuxuu sanadkii 2013-kii dhexda uga tagay musalsalkii Pavitra Rishta.
Waxaa lagu ammaanay inuu muujiyay karti dheeraad ah, taasoo soo jiidatay indhaha shirkadaha filimada sameeya.
Dhowr filim oo uu xifdaddiisa kusoo bandhigay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore.
Kumuu ahaa Sushant Singh Rajput?
Sushant wuxuu magaalada Patna ee dalka Hindiya dhashay 21-kii bishii January ee sanadkii 1986-kii.
Ka hor inta uusan ku biirin filimada caadiga ah wuxuu markii ugu horreysay si weyn ugu soo caan baxay filimkii musalsalka ahaa ee ay Soomaalida sida weyn u xiiseyn jireen ee Pavitra Rishta.
Musalsallada kale ee uu kasoo muuqday waxaa ka mid ah Kis Desh Mein Hai Meraa Dil(oo ah kii uu jilista ku billaabay), Zara Nachke Dikha iyo Zee Cine Awards 2016.
Filimada caadiga ah ee uu xirfaddiisa jilaanimo kusii hormariyay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore.














