Gabadhii iyadoo yar ay waalidiinteeda dili rabeen ee hadda abwaanadda ah

Kuli xilli ay waxbaraneysay
Published
Transparent line

Waxay ku dhalatay tuula yar oo ku taalla Hindiya, Kuli Kohli waxay noqotay gabar nasiib leh oo ka badbaadday xanuun maskaxeed oo carruurnimadeedi la soo dersay. Iyada oo ka warrantay sida ay u badbaadday iyo noolasheeda sida lama filaanka ah ee ay iisu beddeshay.

Iyada oo sugaysa in loogu yeero masraxa magaalada ay ka soo jeeddo ee Wolverhampton, Kuli Kohli waxay dareentay xanuun walaac ku abuuray. Waxayna dareentay cadaadis xooggan oo dhinaca maskaxda ah iyada oo ay neerfaha madaxa oo dhan ay kaceen, waxayna isweydiineysay "Sababta ay arrimahan oo dhan isugu qasbeyso?"

Qoladi barnaamijka soo diyaarisay waxay Kuli ku soo dhaweeyeen kursi maran oo iyada loo sii diyaariyey. Waxay ahayd gudcur madow, marka laga reebo iftiin yaryar oo ka imanaya masaraxa iyo sacabka dadka masaraxa ku soo dhaweeynaya oo la maqlaya.

Kuli iyada oo cabsaneyso ayey u dhaqaaqday dhinaci Microofoonka ama cod baahiyaha masraxa uu ku yaallay masraxa. Xoogaha ayey aamustay marka ay neefta si fiican u jiidday oo ay isdejisay ayey masraxi ku soo bandhigtay mid ka mid ah gabayadeeda, oo ay ugu magac dartay 'Keyga'.

Waxaana gabaeygeedaasi dheer ereyada ku jiray ka mid ahaa...

Riyo ayaan leeyahay; Fadlan saameyn ha ku yeelan,

Anigaa iska leh.

Waxaan leeyahay qalbi jilicsan; fadlan ha jebin,

Aniga ayaa iska leh...

Kuli iney masraxa aad uga cabsato ma aha mid iyada oo keli ah ku kooban. Maxaa yeelay waxay ku dhalatay cillad dhinaca maskaxda ah oo saameeyey neerfaheeda dhinaca maskaxda, dhaqdhaqaqeeda iyo guud ahaan miisaankeeda jirkeedana wuu saameeyey.

Short presentational grey line

1970-kii ayey Kuli ku dhalatay tuula yar oo aad u fog oo ka tirsan Uttar Pradesh, oo ku yaalla Waqooyiga Hindiya, hooyadeed markay Kuli dhaleysayna waxay ahayd 15 jir ah. Sida dhaqanka tuulada ay ku dhalatay uu dhigayo gabadha waxaa la jecel yahay iney ku curato wiil balse haddii ay gabar ku curato waxay bulshada kala kulmeysaa culeys.

"Dadku waxay ii haysteen inaan ahay gabar gabdhaha kale ka duwan, sababta oo ah waan ka duwanaa laga billaabo xilliga aan dhashay xanuunka la igu arkay dartii sidaa darteedna ay jirin gabar noocan ah cid guursaneysa," ayey tiri.

Kuli 1975-yadii
Qoraalka sawirka, Kuli 1975-yadii

"Cidwalba wey ogtahay waxa i haysto iney tahay naafanimo ama cillad dhinaca maskaxda. Naafanimadana tuulada aan ku noolaana xilligaasi lagama aqoon gaar ahaann cilladda i haysata oo kale ee dhinaca maskaxda ah. Dadka tuulada ku noolna waxay waaliddiinteyda u sheegayeen inaan ahay cara ku timid dambi ay horay u galeen" ayey tiri.

"Anigu waan yaraa waxweliba ma xasuusto balse eeddadey oo nala nooleyd waxay ii sheegtay jirkeyga inuu ahaa sida bisadda oo kale."

Dadka tuulada aan ku dhashay degganaa waxay ku doodayeen in wabiyada la igu tuuro halkaana la iiga soo tago.

"Balse waxaa i badbaadiyey aabbahey. Isaga ayaana ka hortagay dhib kasta oo la ii geysan lahaa isaga oo weliba amar ku bixiyey inaan guriga la iga saarin si ay hadal haynteya u yaraato,3 ayey tiri Kulli.

Ugu dambeyntina wuxuu aabbahay go'aansaday inaan tuuladaasi ka guurno.

Kuli iyo carruurnimadeedi

1970-kii qoyska Kuli waxay nasiib u heleen iney ka mid noqdaan dadka uu UK u aqbalay qoxootinimo oo ka soo jeeda waddamada Koonfurta Aasiya ku yaalla. Kuli oo laba sana iyo bar jirtana iyada iyo qoyskeeda Wolverhampton waxay yimaaddeen 1973-kii, iyada oo aabbaheedna shaqa darawalnimo uu magaaladaasi ka helay.

Balse kuli Ingiriiska laftiisa waxay kala kulmeysay takoor aan yareyn oo looga geysanaya qaabka uu ilaahey u abuuray iyo jirkeeda sida uu u sameysan yahay oo keli ah.

Kuli waxay ku biirtay dugsi ay wax ka bartaan carruurta lixaadka wax ka qaba inkasta oo inta ay dugsigaasi ku jirtayna ay dareemeysay kelinimo iyo takoor ay la kulanto.

Carruurtana waxay igu dhihi jireen ayey tiri maxaad sidaa ugu socotaa? sidaana ugu hadleysaa?

Kuli oo 9 sano jir ah
Qoraalka sawirka, Kuli oo 9 sano jir ah

Kuli xoogaha markay soo weynaatay waxaa ku adkaatay iney dadka kale si fudud iisu fahmaan.

Balse wixi ay codkeyga ku sheegi weydo ama ay ku gudbin weydo waxay ku gudbineysay qaab qoraal ah.

Marki ugu horreysay gabay ay qorto kuli waxay ku soo bandhigtay Dugsiga gaarka ah ee Penn Hall oo ay wax ka baraneysay.

Short presentational grey line

"Macallimiinta oo gabaygeeyga akhrinaya markaan maqlo waan ku farxayey," ayey tiri.

"Kaddibna waxaan billaabay inaan gabaya kale oo badan aan qoro taasoo ii noqotay nooc ka mid dabiib caafimaad oo aan u helay cudurki i hayey aniga oo marweliba ku saleynayey waxa aan dareemaya iyo waxa aan damacsanahay."

13 jir markay da'deydu gaartay Kuli waxay ku biirtay dugsiga sare. Waxaana u billaabatay iney ardayda dugsiyada sare si wanaagsan ula dhaqmaan taasoo ku dhiirragelisay iney sii hormariso gabayadeeda.

"Wixii intaa ka dambeeyey markaan gabayada qorayo sharaf iyo nafis ayaan dareemayey," ayey tiri.

Kuli oo da'da qaangaarka gaartay
Qoraalka sawirka, Kuli oo da'da qaangaarka gaartay

Haddaba, marki ay Kuli dhammeysay waxbarashadeeda, qoyskeeda waxay billaabeen qorshe ay ugu raadinayaan nin guursado.

"Waan xusuustaa qoyasas badan oo guriyaga imanayey si ay ii arkaan inaan wiilkooda u qalma iyo inkale," ayey tiri.

Balse dadka i soo eegaya weli ma oga inaan qoraal mooyee dareenkeyga ku sheegan karin hadal.

Kuli iyo 1991-kii
Qoraalka sawirka, Kuli iyo 1991-kii

Kaddib waxay la kulantay ninki seyga u noqon lahaa markiba waa uu guursaday.

Xilligan uu guurka dhacayo, wiilka guursanaya iyo qoyskiisa arrinta guurka oo dhan wey ogaayeen balse aniga waxaasoo dhan ma ogeen.

"Markeygi hore kama helin, oo aadna iisuma dhexgelin," ayey tiri.

"Balse muddo kaddib ayaan billaabay inaan fahmo jaceylna aan u qaado isaguna sida oo kale uu jeceyl i siiyo."

Kuli maalinta uu arooskeeda dhacayey
Qoraalka sawirka, Kuli maalinta uu arooskeeda dhacayey

Guurkeeda inuu aqbalo ayaa si weyn Kuli u cajabisay.

"Waa nin awood badan leh naafanimadeyda wax culeys ah kuma hayn, ayey tiri Kuli, muhiimad badanna uma laheen."

Kuli on her wedding day

Kuli marka la guursaday kaddib waxay gudagashay iney shaqa raadiso, Kuli waxay iska diiwaangelisay xaruun dhalinyarada lagu tababaro, taasoo u horseedday iney ku biirto golaha Magaalada Wolverhampton oo 30-ki sano ee ugu dambeeyey ay ka shaqeyneysay.

Kuli oo ay hadda da'deeda ku dhowdahay 40 jir waxay noqotay haweeney guursatay oo guurkeedana ku faraxsan, 3 carruur ahna dhashay shaqa joogta ahna haysa.

Short presentational grey line

Kuli waxay sii wadatay iney gabayadeedi soo qorto, balse maalin maalmaha ka mid ah golaha magaalada waxay kula kulantay Simon Fletcher, oo ka howlgala madxafka weyn ee Wolverhampton.

Kuli waxay Simon la wadaagtay mid ka mid ah gabayadi ay qortay aad ayuuna ula dhacay isaga oo gabayga ka fahmay dareen, daacadnimo iyo xanuun. Wuxuuna Kuli uu siiyey talooyinka dhaxalgal u ah howlaheeda hal abuurka gabayada.

Kuli iyo qoyskeeda
Qoraalka sawirka, Kuli iyo qoyskeeda

Simon wargeys yar uu maareeya ka yahay ayuu billaabay gabayadeeda inuu ku soo daabaco wargeyska Offa Press.

Kuli oo la sawiran qaar ka mid ah bulshada Hindida ee Punjab ka soo jeedda

2017-kii waxaa fursad loo siiyey bandhig toos ah oo gabayadeeda ku soo bandhigeyso, waxayna soo bandhigtay gabaygeedi ahaa, "riya ayaan leeyahay".

Kuli oo gabay akhrineyso

"Marki ugu horreysay 15-daqiiqo ayaa toos ugu akhriyey mid ka mid ah gabayadeeda, aniga oo hortaagnaa dad 40 qof gaaray oo aad u xiiseynayey iney gabaygeyga dhageystaan," ayey tiri.

Kuli
Qoraalka sawirka, Kuli

Haatan Kuli waa 49 jir waxayna guula badan ka gaartay dhanka noolasha iyada oo u soo dhabar adeygtay dhibaatooyinki iyo faquuqi bulshada uga imanayey naafanimadeeda.

"Waxaan ku soo gabagabeynayaa naafanimada bulshooyinka dhexdooda dhibaato ayaa lagala kulmaa, bulshada aan anigu ka soo jeedana dadka naafada ah sidi la rabay uma dhiirrageliyaan dhibaatooyinka haysta iyo arrima ay la kulmaan cidna ma daneyso iyada oo weliba la qariyo. Dhammaanteen waxaan leennahay nooc ka mid ah naafanimo. Si argatida ku aaddan naafanimada si wax looga beddelana waxay qaadaneysaa qarniyo badan." ayey tiri.