Maxay dadka isticmaala baraha bulshada uga daba dhaceen godkan?

Abuja crushed rock

Xigashada Sawirka, Fatima Muhammad

Published

Goob ku taal dalka Nigeria oo ah god laga guuray oo laga qodi jirey macdanta ayaa noqotay goob dalxiis loo tago ka dib markii sawirro lasoo dhigay baraha bulshada horraantii bishaan aad looga daba dhacay.

Waxaad ugu tegaysaa kooxaha muusigga, cuntooyin fudud iyo dad badan oo sawirro iska qaadaya.

Maalmo badan ayaa la hadal hayey goobtan lagu magacaabo Crushed Rock, ee ku taalle Mpape, tuulo faqiir ah oo duleedka ka xigta magaalada caasimadda ah ee Abuja.

Musicians at Mpape Crushed Rock near Abuja, Nigeria

Xigashada Sawirka, Fatima Muhammad

Dadka reer Nigeria guud ahaan looma yaqaan inay yihiin kuwa jecel dibedda ama dalxiiska, waayo jawigu aad ayuu u kulul yahay woqooyiga halka ay huur tahay koonfurta.

Si kastaba ha noqotee, waxaa se jira oo soo badanaya dad badan oo samaynaya buuro fanasho, oo ku saamoobay dalxiisayaasha ku nool caasimadda.

People at Mpape Crushed Rock near Abuja, Nigeria

Xigashada Sawirka, Fatima Muhammad

Cudurka safmarka ah ee coronavirus wuxuu sidoo kale qeyb ka qaatay dhiirrigelinta dhalinyaradaan heerka dhexe ee reer Nigeria in ay sahamiyaan buuraha ku yaal gobolklada dhexe ee dhagaxleyda ah.

Xanibaada, oo ka hortagtay dadka inay u safraan meelo kale, waxay ku qaaday dadka in meelaha u dhaw ay u dalxiis tagaan.

The lake at Mpape Crushed Rock near Abuja, Nigeria

Xigashada Sawirka, Fatima Muhammad

Nigeria waxay leedahay goobo badan oo quruxda dabiiciga ah leh, laakiin goobtan "dadku ku samaysatay" waxay leedahay qaab u gaar ah - iyadoo leh saddex hee oo waawayn oo mid kastaa bixinayo muuqaal cajiib ah oo ku saabsan biyaha hoose.

Kuwa wax indha indheeya waxay dooran karaan waddo yar oo ay maraan kuna taalla meel sare oo korkeeda ah, halkaas oo cawska ku yaallaa ka dhigayo goob ku habboon daawashada oo quruxsan

Mpape Crushed Rock near Abuja, Nigeria

Xigashada Sawirka, Fatima Muhammad

Dadka se damca inay biyaha galaan oo is mahlakeeyaan waxaa laga digay khatarta ka dhalan karta. Maaddaama goobtu tahay goob loogu talagalay in laga sanceeyo walxaha hadhaadiga ah.

Two children look over Mpape Crushed Rock near Abuja, Nigeria

Xigashada Sawirka, Fatima Muhammad