Dagaalka ka socda gobalka Idlib ee Suuriya oo lagu tilmaamay dambi dagaal

Xabad joojinta ka hor boqolaal qof ayaa lagu dilay Suuriya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Xabad joojinta ka hor boqolaal qof ayaa lagu dilay Suuriya
Published

Ciidamada taageera dowladda Suuriya iyo mitidiinta ka soo horjeeda ayaa jabiyay heshiiskii xabad joojinta ee horey loo gaaray kadib dagaal ka dhacay gobalka Idlib sida lagu sheegay baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobey .

Dadka rayadka ah ayaa la kulmay dhibaatooyin isugu jira silic iyo xaalado qalafsan kadib markii Militariga Suuriya ay bilaabeen sanadkii la soo dhaafay olole ay dib ugu qabsanayaan deegaanadaas sida lagu sheegay warbixinta la soo saaray.

Goobaha dadka rayadka ah ay ku noolyihiin waxaa lagu qaaday weeraro aan kala sooc laheyn oo cirka iyo dhulka ah iyadoo dadka loo gaystay jir dil isla markaana qaarkood la xirxiray.

Boqolaal qof oo rayad ah ayaa la dilay ka hor inta aan xabad joojinta lagu heshiin bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay .

Ku dhawaad hal milyan oo dad ah ayaa ku barakacay dagaalada kuwa badana awaxaa lagu qasbay in ay ku noolaadaan xaalado adag oo ka jira xeryaha barakacayaashu buuxdhaafiyeen .

Baarayaasha Qaramada Midoobey ayaa hadda ka digaya duufaan dagaal oo kale maadama dalku uu wajahayo saameynta fayraska karona iyo dhibaato dhanka dhaqaalaha ah .

In ka badan 380,000 oo qof ayaa la diley 13.2 milyan oo kalena - oo ah kalabar shacabka Suuriya ayaa ku barakacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba tan iyo markii kacdoonkii looga soo horjeeday Madaxweyne Bashaar al-Assad uu bilowdey sanadkii 2011-kii.

Milatariga Suuriya iyo xulufada Ruushka ayaa qaaday weerarro "burburiyey kaabayaasha dhaqaalaha ee shacabka, sidoo kalana baabi'iyay magaalooyin iyo tuulooyin, waxaana ku dhintay boqolaal haween, rag iyo caruur isugu jira , sidaasi waxaa sheegay baarayaal caalami ah .

Xaruumo caafimaad iskuulo goobo ganacsi iyo guryo ku yaalay aagga ay haystaan mucaaradka ayaa lagu burburiyay duqeyn dhanka cirka ah oo ay gaysteen diyaarado laga leeyahay Ruuska.

Goobo waxbarasho iyo xaruumo caafimaad ayaa la burburiyay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Iskuulo iyo xaruumo caafimaad ayaa la burburiyay

Madaafiici lagu garaacay magaalooyinka kala ah Maarat al-Numan,Ariha,Atareb iyo Daraat Izza ayaa laga cabsi qabaa in dad badan ku barakaceen iyadoo warbixinta laga soo saaray arrintaana lagu sheegay in magaalooyinkaas waxa ka dhacay ay yihiin dambiyo dagaal.

Kooxda aragagixisada ah ee Hayaat Tahrir al-Sham ayaa Qaramada Midoobey sheegtay in ay deegaanada ay haysto ka gaysato jir dil iyo falal kale oo ka dhan xuquuqda aadanaha .

Guddoomiyaha guddiga baaritaanka, Paul Pinheiro, ayaa yiri "waxaaa gebi ahaanba karaahiyo ah, in in ka badan sagaal sano kadib, shacabka la kulmaan weeraro aan kala sooc lahayn ama xitaa la bartilmaameedsado, iyagoo nolol maalmeedkooda ku guda jira," .

"Waxaa iska cad in ololaha Milatariga ee ciidamada taabacsan dawladda iyo kuwa argagixisada ah ay si cad ugu xadgudbeen shuruucda dagaalka iyo xuquuqda rayidka Suuriya ."ayuu yiri mar kale Paul Pinheiro

Dowladdaha Suuriya iyo Ruushka ayaa labaduba beeniyay in ay galeen dambi dagaal .