Dowladda Suuriya oo lagu eedeeyay in ay dishay weriye Marie Colvin

2011 ayay ishha ku beeshay gudaha dalka suuriya.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, 2011 ayay ishha ku beeshay gudaha dalka suuriya.
Published

Weriye la dilay bilowgii dagaalka Suuriya ayaa dukumiintiyo ay maxakamad soo saartay lagu sheegay in ay dowladda Suuriya dishay.

Marie Colvin ayaa la dilay bishii febaraayo 2012-kii, waxaa lala dilay Remi Ochlik oo sawir qaade faransiiska u dhashay ahaa.

Waraaqo military oo cadeynayo qaabkii loo toogtay weriyaha ayaa la soo bandhigay.

Ms Colvin waxa ay u shaqeyneysay jeraa'id lagu magacaabo Sunday Times.

Cathleen Colvin oo walaale ay ahaayeen Marie Colvin oo iyadana weriya ah ayaa maxakamad ku taalla dalka mareykanka ka furtay dacwad ka dhan ah dilka loo geystay walaasheed oo ay ku tilmaantay in uu ahaa dil ku tala gal ah, waxa ayna codsaneysaa in dowladda suuriya ay bixiso magteeda.

Looyarka qoyska Colvin ayaa sheegay in dukumiintiyada ay ku jiraan cadeymo muujinaya in dowladda Bashar al-Assad ay markii ugu horreysayba ay bartilmaameed ka dhigatay weriyeyaasha.

Waxaa kaloo ka mid ah cadeymaha, sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Suuriya ayaa waxaa la arkay isagoo dabaaldegaya ka dib markii ay dhimatay weriyaha.

Sarkaalka ayaa yiri: "Marie Colvin waxa ay ahayd ey, haatanna waa ay dhimatay. Bal ha caawiyo Mareykanka haatan".

Askartii ka qeyb qaadatay weerarka lagu dilay Marie Colvin waxa la gudoonsiiyay abaalmarin, sarkaalkii waa la dalacsiiyay, askartii kalana waxaa la siiyay gawaari cusub.

Paul Conroy oo ahaa sawirqaade u dhashay dalka Britain oo isna dhaawac ka soo gaaray isla weerarkaasi ayaa sheegay in mar sii horreysay ay dowladda suuriya soo saartay ammaro digniin ah oo ahaa "in la dilo weriye kaste oo ree galbeed ah oo lagu arko gudaha dalka Suuriya". balse isaga Ms Colvin waxa ay go'aansadeen in ay shaqadooda sii wataan "oo ay daaha ka qaadaan xaqiida, waxa ka dhacayay gudaha dalka Suuriya".

Toddobadii sano ee uu socday dagaalaka suuriya ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 200 oo weriye. Dowladda suuriya ayaa dafirtay in ay bartilmaameedsanaysay weriyeyaasha. Madaxweeyne Asad ayaa mar sii horeeysay sheegay in Ms Colvin ay wadanka ku soo gashay si sharci darro ah ayna la shaqeynaysay arggagixisada ayna mas'uul ka ahayd dhibaato kaste oo soo gaartay.