You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay dadka qaar ay u leeyihiin hibo gaar ah?
Dadka qaar waxay leeyihiin hibo gaar ah oo u horseeday in taariikhda ay baal dahab ah ka galaan, waxaana la'is weeydinayaa xirfadaha layaabka leh oo ay soo bandhigaan dadkaas, ma tahay hibo gaar ah ama xirfad la baran karo? waxaana dadkaas ka mid ah Simone Biles oo ah gabadh ku caanbaxday ciyaaraha jimicsaga, Michael Phelps oo ku guuleystay ilaa 23 billad oo dahab ah iyo Usain Bolt oo isagana guulo kasoo hoyiyay ciyaaraha orodka.
Marka muxuu seyniska ka leeyahay arrintani? ma khuraafaadbaa in la yiraahdo hibadu waa mid dabiici ah?
Ma jiro qof ku dhashay xirfad
Cilmi baarayaashu qaar waxay ku doodayaan in aanay jirin qof ku dhashay isaga oo leh xirfad gaar ah sida dhakhtar qaabilsan cudurrada ku dhaca maskaxda ama ciyaaryahaan ,orodyahan.
Si aad taariikhda u gasho waxaad u baahan tahay in aad dedaasho oo howsha ku celceliso tan iyo inta aad ka baraneyso.
"Haddii aad dooneyso in aad barato sida loo dheelo ciyaaraha kubadda miiska...waxaad heshay talooyinka ku saabsan ciyaarahaas, waxaad ugu dambeyntiina la kulmeysa xilli dadku ay doonayaan inay kula ciyaaraan, xilliggaas, waxay u muuqataa inay dadkaas aysan si wanaagsan uga warheyn waxa ay sameynayaan" ayuu yiri Anders Ericsson oo aqoonyahan ku takhasusay climu nafsiga.
Dadka qaar waxay ku dambeeyaan in aysan dedaal dheeraad ah ku bixin xifraddooda marka ay wax bartaan kaddib, waa sida uu rumeysan yahay Anders Ericsson.
Dedaalka dhabta ah
Sida ku xusan buugga Peak oo ay qoreen Anders Ericsson iyo Robert Pool, waxaa jirta arrin cusub oo ku saabsan hibada, taas oo ay ku tilmaameen inay ka timaaddo 'dedaalka dhabta ah'
Waxay sheegeen in arrintani ay u baahan tahay niyad dhab ah oo hadafkeedu yahay ka miro dhalinta yool gaar ah.
Kala duwanaanshaha ugu weyn
Waxaa jira arrimo kala duwan oo kuu horseedaya in aad sameyso dedaal joogta ah.
Waxaa garoomada kubadda cagta laga sameeyaa tababar wax ku ool ah, kaas oo ay ku lug leeyihin macalimiin ama tababarayaal kuwaas oo bixinaya talooyin iyo warbixin deg deg ah marka ay tababarka dhameeyaan.
Anders Ericsson oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmu-nafsiga wuxuu leeyahay " Waxa uu kala duwanaansho ka taagan yahay fikradda ah dedaalka dhabta ah kaas oo aad inta taagtaada ah aad gelineyso xirfadda aad taqaanno, marka waxaad arkeysaa in aad sameyn karto waxyaabo cusub, waa in aad si xooggan u dedaashaa si aad u gaarto hadafka ah in aad joogteyso"
Marka ma ahan arrinta, inta uu gaarsiinsanyahay dedaalka aad gelisay xirfadda balse waxay ku xiran tahay sida aad u sameyso, waxay ka dhigantahay qof kasta oo si wanaagsan loo tababaray in uu gaaro guulo waaweyn.
Su'aasha waxay tahay, dad badan maxaysan dedaal joogta ah ugu sameyn karin xirfaddooda?
Dedaal dhab ah in la sameeyo wey adagtahay, waana arrin kaaga baahan joogteyn oo qofka u horseedi karta in uu ka wahsado, dadka inta badan waxay jecel yihiin in si fudud ay wax ku helaan halka qaarka kalena ay ka quustaan nolosha.
Awoodda maskaxeed
Dad badan waxay rumeysan yihiin in qofka oo tallaabsada ay u baahan tahay awoodo dabiici ah ama in qofka uu leeyahay maskax wanaagsan ama qof caaqil ah.
Sannadkii 1975-tii, Profesoor Anders Ericsson wuxuu sameeyay daraasad waxbo kama jiraan ku tilmaameyso waxa dadka ay ka aaminsan yihiin arrintaas.
Ardeyga wax ka dhiganaya Kuleejka waxaa uu sare u qaadaya awooddiisa maskaxeed ee uu kusoo xusuusan karo xisaabta laga bilaabo 7 ilaa wixii ka badan 80.
Waxaa uu heystaa boqolaal saacado ah oo lagu tababarayo in muddo ah.
Dedaalka uu soo bandhigay ardeyga waa mid weyn, inkasta oo uu bartay xisaabta markii uu ka baxay imitixaamka, marka ma jiraan caddeymo muujinayo in uu gaaray heerkii ugu dambeeyay ee uu ku kobcinayo maskaxdiisa kaddib dadaalkii dheeraa ee uu sameeyay.
Caqabadaha taagan
Ma jiran waxyaabo caqabad ku ah soo bandhigidda guulaha qeyrul caadiga ah?
Ericsson iyo Pool waxay ku doodayaan in waxyaabaha caqabadda ku ah hibada gaarka ah ay yihiin xannuun qofka uu uurka hooyadiisa kala soo baxa, maskaxda iyo cudurrada.
Xitaa haddii aad leedahay caafimaad wanaagsan, waxay awoodda wax qabashada qofka ku xiran tahay muuqaalka qofka sida dhererka ama gaabnida qofka iyo jirka.
Carruurta leh hibada gaarka ah
Robert Plomin wuxuu buuggiisa ku sheegay in hidde-sidaha uu saameyn ku leeyahay hibada qofka.
Haddaba, muxuu yahay kaalinta hide sidaha uu ka qaadan karo hibada?
"Dadku waxay is weydinayaan sida ugu suurogashay Mozart oo heesaha curin jiray iyo Tiger Woods oo dheeli jiray ciyaaraha Golf inay soo caanbaxaan iyaga oo da' yar, waxay u muuqataa in aanay suurogal aheyn in tababar la siiyay dadkaas ay guulo ku gaareen, haddii aan si taxaddar leh u eegno arrinta, waxaan inoo soo baxayaa in carruurtaas soo bandhigay hibada gaarka ah ay waaliddiintooda caawin jireen gaar ahaan markii ay 2 ama 3 jir ahaayeen" ayuu yiri Ericsson.
Waxaa uu ku doodaya in guulaha ay nolosha ay ka gaareen carruurta ay ku xiran tahay dedaalka ay ku bixiyeen waaliddiintooda kuwaas oo si heer sare ah uga caawiyay xirfadda ay doonayaan inay qabtaan carruurta.
"Hibadan gaarka ah ay soo bandhigeen carruurta, waxaa iska cad inay ka dhalatay in tababar dusha lagala socday la siiyay carruurta, taas oo ka caawiyay inay soo bandhigaan xirfad noocan ah, markii dambena iyago da' yar ayay kusoo caan baxeen"ayuu yiri Ericsson.