You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ma tahay dadka awooddooda ka shakiya? (talooyinkan qaado)
Waa wax ay ka siman yihiin dad badan oo ay ka mid yihiin Maya Angelou iyo Tom Hanks, Michelle Obama iyo Penelope Cruz - shaki kuma jiro inay yihiin dad guulo gaaray isla markaana caan ah.
Balse dhammaantood waxay sidoo kale qabaan xaalad nafsi ah oo loo yaqaanno imposter syndrome taas oo uu qofku ka shakinayo waxtarkiisa iyo awooddiisa.
Waxaa markii ugu horreysay xaaladdaasi la qeexay sanadkii 1970s, waxaa lagu qiyaasaa inay mar un nolosheenna na saameyso 70%.
Dr Sandi Mann, oo ah bare cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda Central Lancashire ee UK, ayaa xaaladdaasi ku soo koobtay saddex siyaabood.
"Tan ugu horreysa waxay tahay in la aamino in dadku ay awooddaada iyo xirfaddaada ka qabaan aragti kale, mid ka duwan tan aad adigu ka qabto." ayay tiri.
"Tan labaad waa inay kugu jirto cabsi ah in lagu ogaan doono laguna fashili doono."
"Tan saddexaad waa inaad guulahaaga u ragto inaadan ku gaarin awooddada iyo hibo aad leedahay."
Dadka caanka ah ee xaaladdan qaba
Dareenka ku aaddan inaan nafteenna ka shakinno annaga keliya naguma koobna - waxay sidoo kale saameeyaan dadka caanka ah.
Albert Einstein ayaa saaxiibkiis u sheegay inuusan ku farxin ammaanta lagala dul dhacay ee uu ku muteystay qeybta baaxadda leh ee uu ka geystay cilmiga physics-ka.
Einstein ayaa yiri: "Waan ku xanuunsadaa awoodda la buun buuniyay ee ku aaddan waxa aan qabtay. Waxaan nafteyda u arkaa qof aan waxna ku tabarrucin bulshada."
Jilaaga labo jeer ku guuleystay abaalmarinta Oscar ahna xiddigga in ka badan 70 fiin, jilaaga Tom Hanks ayaa sanadkii 2016 sheegay inuu la daalaa dhacayo shaki uu naftiisa ka qabo kuna saabsan xirfaddiisa
"Micno malaha waxa aan sameynay, waxaa imaaneysa mar aad ku fekerto, 'Sidee ayaan heerkaas ku gaaray? Goormee ayay ogaan doonaan inaan ahay qof aan waxtar lahayn isla markaana ay wax walba igala wareegi doonaan?'" ayuu yiri Hanks.
Sidoo kale marwadii koowaad ee hore ee Mareykanka Michelle Obama ayaa sheegtay "in xaaladdan ay curyaamisay" isla markaana ay saameysay nafteeda iyo kalsoonideeda.
"Weli waxaa i haysata xaaladdan loo yaqaanno imposter syndrome. Marna igama guuro, dareenka ah 'Ma garanayo sida ay dunidu ii rumeysan doonto. Waxaan uun ahay Michelle Robinson, gabadhaa yar ee ka soo jeedda koofurta isla markaana wax ka soo baratay iskuula dadweynaha.'"
Waxyeelleynta naftaada
Inaad xoogaa naftaada ka shakiso way u wanaagsan tahay horumarkaaga, balse imposter syndrome waxay waxyeelleysaa nafta.
Dr Mann ayaa sheegtay inay la kulantay dad qaba xaaladdan oo doonaya inay iska joojiyaan shaqooyin wanaagsan oo ay haystaan "iyadoo sababtu ay tahay inay ka cabsi qabaan in la ogaado, inkastoo xitaa ay yihiin kuwo waxtar leh".
Dadka qaba xaaladda imposter syndrome waxaa laga yaabaa inay ka caga jiidaan inay horumar ka gaaraan xirfaddooda sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in wax awooddooda ka baxsan ay sameeyaan.
Sidee ayaad uga soo kaban kartaa xaaladda imposter syndrome?
Haddii aad u maleyneyso inay ku haysato xaaladdan imposter syndrome, waxaad sameyn kartaa tallaabooyinkan:
- Garwaaqso keligaa ma tihid. La hadal saaxiibbadaa iyo qoyskaaga waxaana laga yaabaa inaad ogaato inta qof ee sidaada oo kale ah.
- Sameyso liis aad ku qorato guulahaaga iyo waxyaabaha aad ku fiican tahay. Dr Mann ayaa sheegtay inay qofka waxtar u leedahay inuu ogaado waxyaabaha gaarsiiyay guusha. "Waxaa laga yaabaa inaad dhammaan guulahaaga u aaneyso nasiibka, balse markaad waraaqo ku qorto, waxaad ogaaneysaa muhiimadda ay leedahay."
- Qof ka dalbo inuu falcelin ku siiyo. Waxaa fudud inaad rumeysato qof kale oo kuu sheega waxa aad tahay.
- Isku day inaadan isla barbardhigin qof kale. Waxaa guul lagu gaaraa inaad naftaada la xisaabtanto oo aad isbarbardhigto naftaada.
- Oggolow 'guuldarrada'. Dadka naftooda ka shakiyay way ku adagtahay inay aqbalaan waxaan ahayn inay saxsanaadaan.