Gurigii Hitler wixii laga dhigi lahaa oo la isku heysto

New plans to redesign the Hitler house unveiled in Vienna

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Officials unveiled the new design on Tuesday
Published

Dowladda Austria ayaa shaaca ka qaadday qorshe ay ku dooneyso in gurigii uu ku dhashay kali taliyihii dalka Jarmalka, Adolf Hitler, loo baddalo saldhig boolis.

Xukuumadda ayaa sanadkii 2016-kii si khasab ah ku iibsatay gurigaas kaddib markii uu xoogeystay muran salka ku haya dhismahan.

Saraakiisha ayaa hadda ku dhawaaqay in guriga la dhalan rogi doono bisha November ee sanadkan, sidaasina uu ku noqon doono xarun rasmi ah oo ay booliska leeyihiin.

Horay ayaa loo sheegay in gurigaas qadiimiga ah laga sameyn doono saldhig ciidan, laakiin imika waxaa la asteeyay waqtiga howshaas la fulinayo.

Shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leeyahay isla waddanka Austria ayaa qaadatay qandaraaska dhalan rogidda gurigaas caanka ah.

Adolf Hitler waxa uu ku dhashay dabaqa ugu sareeya ee dhismaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Adolf Hitler waxa uu ku dhashay dabaqa ugu sareeya ee dhismaha

Tallaabadan ayaa la filayaa in lagu joojin doono booqashada ay dadka taageera maamulkii Naaziga ku tagi jireen dhismahan ku yaalla meel u dhow xadka kala qeybiya Jarmalka iyo Austria.

"Bog cusub ayaa u furmi doona mustaqbalka goobtii uu ku dhashay kalitaliyihii dil wadareedka geystay," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Austria, Karl Nehammer, oo Talaadadii la hadlayay war-fidiyeenka.

Shirkadda ku guuleysatay tartanka loogu jiray qandaraaska dhalan rogidda ah - oo lagu magacaabo Marte.Marte - ayaa laga soo xushay ilaa 12 shirkadood oo kula loollamayay shaqadaas.

Howshan oo la filayo inay soo gabagabowdo sanadka 2023-ka ayaa ayaa la qorsheeyay inay ku baxdo lacag dhan qiyaastii €5m ($5.6m; £4.5m).

Hermann Feiner, oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku yiri: "In la baddalo sida ay u ekeyd goobta oo dhan waxaa ka soo bixi doonta natiijo fiican."

Astaamo kooban ayaa hadda lagu garan karaa in dhismahaas uu yahay goobtii uu ku dhashay hoggaamiyihii maamulkii Naaziga.

Waxaa ka mid ah dhagax guriga bannaankiisa yaalla oo ay ku qoran tahay jumladda "Nidaamka midigta fog mar dambe lama oggola".

Waxaa la damacsan yahay in dhagaxaas la geeyo Madxaf ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Vienna.

Taariikh yahan maxalli ah ayaa BBC-da u sheegay inay aad muhiim u ahayd inuu dhagaxaas iska sii yaallo deegaanka uu gurigaas ku yaallo oo lagu magacaabo Braunau.

Adolf Hitler
Qoraalka sawirka, Adolf Hitler wuxuu Jarmalka u guuray 1913-kii, wuxuu xillagaasi ka tagay Austria

Kalitaliyihii u dhashay Jarmalka isaga qudhiisa waqti badan kuma uusan qaadanin gurigan uu lahaa.

Dabaq ugu sarreeya ee dhismaha ayuu ku dhashay qarnigii 19-aad, sanadku markii uu ahaa 1889-kii, laakiin qoyskiisa waxay halkaas ka guureen dhowr isbuuc kaddib dhalashadiisii.

Meel aan ka fogeyn deegaankaas ayey guri kale ka dageen, hase yeeshee waxay magaalada oo dhan ka tageen markii uu Hitler gaaray 3 sano jir.

Balse dadka jecel nidaamkiisii ayaa goob dalxiis ka dhigtay meesha uu ku yaallo dhismahaas, dowladduna waxay dooneysaa inaysan goobtaas dad kaloe soo jiidanin mustaqbalka.

Austria waxaa sanadkii 1938-kii qabsaday Naaziyiintii Jarmalka, muddo tobannaan sano ahna waxay ku doodeysay inay tahay dhibbanaha ugu horreeya ee ay waxyeellada kasoo gaartay maamulkii Hitler.

Laakiin dad badan oo xilligaas ku sugnaa waddanka waxay soo dhaweeyeen tallaabadaas, kuwaasoo loo arkayay inay xiriir fiican la sameyteen xukuumaddii kalitaliska ee heysatay Jarmalka iyo meelo kale oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Markii dambena Austria waxay xoogga saartay inay ka sheekeyso dambiyadii ay Naaziyiinta ka geysteen waddankeeda.