Taleefankiisa oo la soo wacay ayaa uu u dhintay - Amnesty

Xigashada Sawirka, Getty Images
Askari Itoobiyaan ah ayaa ku toogtay ninkan dad fara badan hortooda kaddib markii taleefankiisa uu soo dhacay ama la soo wacay iyadoo lagu jiro shir dadweyne, sida ay sheegtay haayadda Amnesty International
Waa mid ka mid ah dhacdooyin badan oo hay'adaha ilaalinta xuquuqdu ay ka diiwaan geliyeen hawlgal amni oo ka dhacay gobolka Oromia dhammaadka 2018 iyo 2019.
Tani waxay ahayd sanadkii uu Raiisul Wasaare Abiy Ahmed ku guulaystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel.
Xilligaas oo lagu ammaanay dib-u-habeyntiisa dhanka siyaasadda, laakiin taas oo dhan kalena lagu eedaynayey inay daboolka ka qaadday xiisado qowmiyadeed.
BBC waxay isku dayday inay la xiriirto maamulka si ay uga jawaabto warbixinta laakiin wax jawaab ah kama aysan bixin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa loo diley ninkan?
Ariti Shununde, oo 32 jir ah, ayaa la dilay intii lagu guda jiray hawlgallo lagu cabudhinaayo koox hubaysan, oo ay ka mid tahayJabhadda Xoreynta Oromada (OLA), sida ay sheegeen goobjoogeyaal ay soo xigatay haayadda Amnesty International.
Ciidamada ayaa isugu yeedhay kulan dadweyne oo ka dhacay hal degmo oo ka tirsan deegaanka oromada, waxayna soo ururiyeen dhamaan taleefannadii kuwii soo xaadiray.
Mid ka mid ah taleefannadii ayaa kor u soo dhacay markii askartu uu weydiistay qofkii lahaa, Mr Ariti, inuu aqoonsado cidda soo wacaysana, hore ayaaba uu dhulka kaga dhacay, sida qof goobjooge ah oo warbixinta lagu sheegay yidhi.
Xaaladdaa kaddib waxaa laga toogtay dhabarka laba jeer, markhaatigu ayaa intaas ku daray. Kooxdan u doodda xuquuqda aadamaha waxay leeyihin inay arrintan u hayaan caddaymo kale oo ka timi goobjoogayaal kale.
Qoyskiisa ayaa loo sheegay inay si dhakhso leh u aastaan Mr Ariti.
Maxay kale ee ay Amnesty sheegtay?
Hay'adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in tan bishii janaayo ee sannadkii tegay gobolka Oromiya lagu dilay 39 qof oo ay ka mid ahaayeen afar qof oo hal qoys ka tirsan.
Warbixinta ayaa sheegaysa in dilkaasi ay geysteen cutub ka tirsan ciidamada milatariga Itoobiya kuwaasi oo loo aasaasay iney la dagaalamaan jabhadda OLF oo ah jabhad ka howlgasha gobolka Oromia.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in taageerayaasha OLF la xidhxidhayay iyadoona dhaqan celin loo sameenayay.

Amnesty ayaa diiwaangalisay doorkii ay ciidammada amniga ku lahaayeen dagaalkii qowmiyadaha ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee ku yaalla waqooyi bari dalkaasi.
Warbixinta ayaa sheegeysa in ugu yaraan 130 qof lagu dilay shaqaaqooyinkaasi u dhaxeeyay qowmiyadaha Amxaarada iyo Qimant.
Maleeshiya hubeysan ayaa la dagaalamayay qabaa'ilka Qimant, iyadoona milatariga ay saldhig ku lahaayeen goob halkaasi u dhow islamarkana aysan wax tallaabo ah qaadin.












