Coronavirus: Lammaanaha ku jira toddobaadka aqal galka oo aan dhammaad lahayn

Published

Arrintu waxay ka billaabatay arooskooda oo ka dhacay caasimadda Masar ee Qaahira 6-dii bishii Maars. Khaled oo 36-jir ah iyo Peri oo 35-sano jir ah, waxay aqal galeen 8-sano kadib markii ugu horreysay ee ay kulmeen, xafladda arooskoodana waxaa ka qeyb galay qoysaskooda iyo saaxiibbadood.

Dhowr maalmood ka dib, lammaanaha fadhigoodu uu yahay Dubai ayaa u ambabaxay magaalada Cancún, ee dalka Mexico, iyadoo keliya uu welwel ka jiro adduunka: cudurka coronavirus ayaa u muuqday walaac fog, maadaama uusan markaas si buuxdo ugu fidin adduunka oo dhan.

Iyadoo lammaanuhu ay ka taxadarayeen inay ka fogaadaan meelaha dadku ku badan yihiin, ayaa waxay sheegeen in aysan "weligood fileynin" xannibaadaha safarka inay saameyn ku yeeshaan qorshayaashooda.

Laakiin markii ay ku soo laabanayeen dalka Imaaraatka Carabta (UAE) iyagoo soo marayay Turkiga 19-kii Maarso, cabbirka ayaa si buuxda u noqday mid muuqda.

"Intii aan saarneyn diyaaradda, ayaa waxaan helnay Internet, kadib waxaan billownay inaan fariimo ka helno dadka' Ma waxaad awooddaan inaad tagtaan Dubai? Sharci cusub ayaa jira, waxa ay joojiyeen duulimaadyada,'" Sidaasi waxaa BBC-da u sheegtay Peri.

Weli, maadaama ayba markaas hawada ku jireen, waxay moodayeen in loo oggolaan doono inay safraan. Laakiin markii ay isku dayeen inay fuulaan duullimaadkooda ku xiraya magaalada Istanbul, waxaa loo sheegay inaysan duuli karin.

Shuruucda cusub ayaa la meelmariyay markay ka ambabaxeen Mexico.

Labada lamaane ayaa ku haray garoonka diyaaradaha laba maalmood. Xannibaadaha turkiga waxay la macno ahaayeen inaan loo oggolaan inay ka baxaan ayna galaan magaalada.

Maadaama aysan heysanin diiwaan galinta diyaaradda, waxay ku dhibtoodeen inay iibsadaan musqulaha iyo dharka, oo xitaa looma oggolayn inay soo qaataan shandaddooda.

Maadaama aysan awoodin in ay galaan Imaaraadka, duulimaayadii ay ku tagi jireen Masar na la hakiyay, waxay u baahdeen qorshe.

"Waxaan go'aansanay inaan eegno Google oo aan ogaano dhammaan waddamada u oggolaaday Masaarida aan visaha heysan inay galaan, ka dibna aan eegno haddii ay leeyihiin duullimaadyo," Peri ayaa sidaasi tiri. Waxay u muuqatay inay keliya haystaan hal xulasho: oo ah inay aadaan Maldives.

Maldives, oo ah Jasiirad yar oo ciid cad leh iyo biyo baraf leh oo ku taalla Badweynta Hindiya, ayaa caan ku ah inay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan adduunka. Khaled iyo Peri ayaa xitaa ka fiirsaday in ay halkaas u aadaan safarkooda halka ay ka aadi lahaayeen Mexico.

Si kastaba ha noqotee, munaasabaddan ma aysan aheyn rajada xeebaha iyo fursadaha xamaasadda leh ee farxad gelinaya lamaanaha.

Waxay ahayd meel aysan raaxo ahaan u tageynin balse ay ku khasbanaayeen.

"Waxaan xasuustaa daqiiqaddaas in nalaga sii daayay laanta socdaalka," ayey tiri Peri oo dib u xasuusaneysa. "Waan is eegnay waana ku faraxnay in ugu yaraan aan ku seexan doonno sariir marka loo eego kuraasta garoonka diyaaradaha!"

Khaled: "Aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan aragnay shandaddeena."

balse markii walwalkii degdegga ahaa ee helitaanka meel la joogo la xalliyay, caqabado cusub ayaa ka soo ifbaxay.

"Waxaan billownay inaan ogaano inuu jiro culeys dhaqaale oo weyn, oo dhanka shaqooyinkeena ah - awood uma yeelan karno inaan si fiican u qabano. Kumanaan xirmin kumbuyuutarradeena," ayay tiri Peri, oo ka shaqeysa warbaahinta. "Markaad ku jirto bisha malabka, ma fileysid inaad wax badan shaqeyso."

Markii ay gaareen jasiiradda lamaanaha waxay ogaadeen inay ku jiraan kaliya dad yar oo marti ah, kuwaas oo badankood sugayay duullimaadyada dalalkooda.

Sida kuwa kaleba, ay hoteelkii u xireen, lammaanahana waxaa loo raray jasiirad kale, halkaas oo isla sidii ay ka dhacday.

Waxay bishii ugu dambaysay ku jireen karantiil gaar ah, oo ay dejisay dawladda Maldives, oo ah goob ku taalla meel loo dalxiis tago oo ka tirsan Jasiiradda Olhuveli.

Waxay u mahadcelinayaan maamulka, kuwaas oo ku dallacaya qiimo jaban, iyo shaqaalaha dalxiiska ah.

"Waxay ku dadaalayaan sidii ay dhab ahaan tan uga dhigi lahaayeen mid khibrad fiican noo leh. Marka, fiidkii, waxay ciyaaraan muusig, waxay leeyihiin DJ maalin kasta, mararka qaarkoodna xitaa waxaan dareemeynaa xumaan maxaa yeelay ma jiro qof ciyaarayo," Khaled ayaa sidaasi yiri.

Waxaa jira ku dhawaad 70-goobood oo kale oo loo dalxiis tago, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay todobax u joogaan dadka. Farqiga keliya, sida ay qabto Peri, ayaa ah in dadka kale ay doorteen in ay todobax u aadaan Maldives - iyaguse ma dooran".

Ku dhawaad 300 oo dalxiisayaal ah ayaa ku haray Jasiiradda Maldives, taasoo hadda ka horjoogsatay dalxiisayaal cusub inay yimaadaan. Balse inkasta oo ay jiraan goobo badan oo xun oo ay ku qarash qaataan bandowga, lammaanaha ayaa raba in ay ku noqdaan Dubai.

Waxay sheegeen in waxa kaliya ee ay ku guuleysteen uu yahay inay soo booqdaan xeebta "dhowr jeer", maadaama lagu jiro xilli roobaad, iyo sidoo kale in ay soonnaayeen maadaama lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

Labaduba sidoo kale way ku soo noqdeen shaqada, laakiin waxay halgan ugu jiraan iskuxirka internet-ka iyo wicitaanka shirarka.

Balse guryo helidda ma ahan mid toos ah. Maaddaama ay deggan yihiin Imaaraatka, laakiin aysan aheyn muwaadiniin, waxay sheegeen inaan loo oggoleyn duulimaadyada, iyagoo ku celinaya kuwa kale ee Khaliijka.

Iyada oo duulimaadyada dib loogu celinayo Masar ay noqon lahayd ikhtiyaar, waxay la micno ahayd in 14 maalmood oo karantiil looga dhigo xarun dowladeed - iyagoo aan weli ku noqon karin guryahoodii ku yaallay Dubai.

Waxay ugu baaqayaan mas'uuliyiinta UAE inay caawiyaan iyaga iyo dadka kale ee halkaasi ku xayiran. Waxay codsadeen oggolaansho si ay uga safraan xarunta rasmiga ah ee dawladda, laakiin wali ma aysan helin oggolaansho.

Si kasta oo ay tahayna, ma jiraan duulimaadyo hadda la heli karo.

"Welwelka ayaa igu siyaada markasta oo aan akhristo wararka ah in shirkadaha diyaaradaha ay dib u dhigaan taariikhda dib ugu laabashada shaqada. Xaqiiqdii waan sameyn doonnaa wax walba oo nala weydiisto marka ay ku saabsan tahay in karantiil lagu sameeyo hoteel ama is-karantiilid shakhsiyeed," Peri ayaa sidaasi tiri.

Markay tahay qiimaha sare u qaadidda safarka, lammaanaha waxay go'aansadeen "inaysan sameyn xisaabta ilaa ay dib ugu laabtaan, sababtoo ah ma oga goorta ay dhammaan doonto."

Si kastaba ha noqotee, way ogyihiin in dadka kale ee adduunka ay meel aad u fog ka joogaan.

"Had iyo jeer waa wax laga xumaado markii aad dalxiis tahay oo aad noqoto martidii ugu dambeysay ee halkaas joogta, shaqaalaha oo dhami way ku macsalaameynayaan. Waxaad sidoo kale dareemeysaa xumaan… taasna labo mar ayay nagu dhacday," Khaled ayaa yiri. "Meelaha sidan oo kale ah waa inay ka buuxaan dad iyo waqtiyo wanaagsan, taasi maahan xaaladdu hadda."

"Markasta oo aan u sheegno dadka in aan ku xayiran nahay Maldives, waa ay qoslaan, iygoo ula jeeda 'xaaladdu ma ahan tii ugu xumeyd, Waxaan jeclaan lahaa inaan booskaaga joogo'," Peri ayaa intaas ku dartay. "Maaha wax fudud ama farxad ah, xaqiiqdiina waa mid walaac badan… Ku raaxayso inaad reerka la joogto guriga."