Coronovirus: Koonfur Afrka oo looga digay iney soo wajaheyso dhimashadi ugu badneed

Xigashada Sawirka, Reuters
Saaynisyahhanada ayaa ka digay ilaa iyo dhammaadka sanadkan iney cudurka coronovirus ay Koonfur Afrika ugu dhimanayaan ugu yaraan 40,000 oo qof.
Saadaashaasi waxaa sameeyey aqoonyahanno iyo khubaro caafimaad oo dowladda latalinta u qaabilsan.
Digniinta khubarada ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Madaxweynaha Koonfur Cyril Ramaphosa Afrika u sheegay bisha June in la khafiifinayo xayiraadaha dalkaasi lagu soo rogay.
Xayiraadda dalka Koonfur Afrika ayaa la soo rogay bisha March iyada oo xayiraaddaasi lagu mamnuucay iibinta sigaarka iyo khamriga in la iibiyo si loo xakameeyo faafitaanka faayraska corona.
Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin 57 malyan oo qof, ayaa Covid-19 laga helay 17,200 00 qof 312 qofna ay u dhinteen. Dalka Spain oo ay ku nool yihiin 47 malyan oo qof marka la barbar dhigana waxaa laga helay 278,000 oo kiis iyada oo ay 28,000 oo qof ay cudurkan u dhinteen.
Saadaasha lagu sameeyey Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay kiisaska cususb ee cudurka Covid-19 iyo dadka u dhimanayaba iney sii kordhayaan.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Koonfur Afrika Dr Zweli Mkhize oo warbixin ku saabsan faayrsaka corona soo bandhigay ayaa cambaareyn kala kulmay warbixintiisa iyada oo lagu sheegay iney dowladda wax badan qarineyso.
Khubarada oo saadaashooda sii watana waxay sheegeen dabayaaqada bisha August iney kiisaska coronavirus ee dalka Koonfur Afrika ay gaarayaan 100,000, bisha November marka la gaarana dadka cudurka u dhintay ay tiradoodu gaareyso 40,000.

Howlaha iisu dheellitirka ee Koonfur Afrika
Waxaa soo diyaariyey Nomsa Maseko, BBC News, Johannesburg
Siyaasadda ku aaddan covid-19 iyo cilmi baadhista ayaan ahayn mid xooggan. Madaxa Xulafada Isbahaysiga Dimuqraadiyadda dowladda ayuu maxkamadda ka dacweeyey, isaga oo ku doodaya awaamiirta xayiraadaha ee ay soo rogtay inaan la isku halleyn karin isaga oo weliba dalbanaya in la qaado xayiraadda lagu soo rogay iibinta sigaarka iyo khamriga.
Dowladda lafteeda hal af kuma hadasho oo hadallo kala bedbeddelan ayey ku hadashaa. Bishanna madaxweyne Cyril Ramaphosa wuxuu sheegay khafiifinta xayiraadaha ee "heerka 4" iyo "heerka 3" iskuulladana la furayo dad badanna ay shaqooyinkooda ku laabanayaan.
Wasiirka caafimaadka ee Zweli Mkhize ayaana u muqda mid ka warwareegaya hadalka hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ka soo yeeray oo ah inuu dalka Koonfur Afrika uu haatan diyaar u ahayn inuu qaado xayiraadda "heerka 3" maadaamaa uu weli uu cudurka uu ku sii faafayo dalkaasi.

Bishii March. Madaxweyne Ramaphosa ayaa soo rogay xayiraado adag oo ka adag waddama badan.
Shaqaalaha intooda badan ayaa lagu amray iney guriyahooda ka bixin. Waxaa intaa dheer oo la manuucay sigaarka iyo khamriga, waxaa sida oo kale la joojiyey jimicsiyada ay dadku waddooyinka ku sameynayeen.
1-da bisha May waxaa xayiraadda "heerka 5" la gaarsiinayaa "heerka 4" taasoo shacabka u oggolaaneyso iney jimcsi sameeyaan 06:00 iyo 09:00 labadaba.
Shacabka Koonfur Afrikana waxaa mar weliba looga baaqaa iney maaskarada afka iyo sanka lagu xirto ay xirtaan isla-markaana ay u hoggaansamaan awaamiirta kala fogaanshaha.

- Muxuu yahay Coronavirus?
- Ma loo dhintaa coronavirus?
- Adeegga internet-ka ee 5G ma faafiyo coronavirus
- Coronavirus: Duur joogtii oo dadkii ka nasatay
- 101 jir ka caafimaaday cudurka Coronavirus
- Ma baaritaan sir oo cudurka corona ah ayey sameyneysay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya?
- Shiinaha iyo feyraska Korona: Qoraagii ka careysiiyay Shiinaha
- Caddeyn ma loo helay in dawada malaariyada looga bogsado Covid-19?
- Madaxweyne Trump oo isticmaalay daawo ay dhakhaatiirta ka digeen
- Dal ku guuleystay daweynta dhammaan bukaanadii uu ku dhacay fayraska corona














