MSF: Wixii karaankeenna ah ayaan ka qabaneynaa xaaladda Soomaaliya

Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya ayaa kor u dhaafay 1,000

Xigashada Sawirka, MSF

Qoraalka sawirka, Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya ayaa kor u dhaafay 1,000
Published

Hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa walaac ka muujisay xaalad ay ku qeexday "khalkhal bani'aadannimo" oo ka jirta Soomaaliya, xilli ay isugu darsameen saameynta xanuunka coronavirus, koronkorta araxaya, colaadaha iyo fatahaado.

Bayaan ay hay'addu soo saartay maanta ayey ku muujisay walaaceeyda.

"Faafidda COVID-19 waa masiibo caalami ah oo aan horay loo arag. Médecins Sans Frontières / Dhakhaatiirta Aan Xudduuda Lahayn (MSF) waxay sameyneysaa wax kasta oo ay kari karto si ay uga jawaabto arinkaan Soomaaliya iyo Somalilandba, iyadoo aan ku dadaaleyno in aan sii wadno wax-qabadyada naf badbaadinta ee muhiimka ah ayadoo ay caalamka oo dhan ka jirto yaraanta sahayda iyo xaddidaada dhaqdhaqaaqa shaqaalaha, ayaa lagu yidhi warbixinta.

Sidoo kale waxay hay'addu sheegtay in cudurka uu sii xoojiyay dhibaatooyinkii kale ee horay uga jiray Soomaaliya.

"Xataa ka hor inta uusan billaabanin qalalaasaha COVID-19, Soomaaliya waxaay la daalaa dhacaysay caqabado bini'aadanimo oo aad u weyn. Malaayiin dad ah ayay guryahooda ka saareen colaado, masiibooyin la xiriira cimilada, sida abaaraha, dhibaatada ayaxa iyo fatahaado. Todobaadyadii la soo dhaafay, roobab mahiigaan ah ayaa mar kale sababay daadad qaybo badan oo dalka ka mid ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in ka badan 200,000 oo qof in ay saameeyeen kana burburiyeen guryihii, dhul-beereedkii iyo hab-nololeedkii kale".

Xasaradda coronavirus, waxaa Soomaaliya usii dheer saameynta fatahaadaha, colaadaha iyo ayaxa, sida ay sheegtay MSF

Xigashada Sawirka, MSF

Qoraalka sawirka, Xasaradda coronavirus, waxaa Soomaaliya usii dheer saameynta fatahaadaha, colaadaha iyo ayaxa, sida ay sheegtay MSF

Cabdikariim Daahir Guure, oo ah ku xigeenka madaxa MSF ee Soomaaliya, ayaa sheekgay in hay'addu ay il gaar ah ku heyso kiisaska sare u sii kacaya ee cudurka Covid-19, kana walwalsan tahay.

"Xogtii ugu dambeysay ee lasoo saaray 12-kii bishan waxay muujisay in tirada kiisaska cudurka ay mareyso 1,170 qof oo la xaqiijiyay inuu xanuunku ku dhacay, dhimashadana waxay gaartay 52. Caabuqan corona waa musiibo caalami ah oo khalkhal galisay adduunka oo dhan, annguna MSF ahaan waxaan ku dadaaleynaa inaan wax ka qabanno intii karaankeenna ah", ayuu yiri Cabdikariim.

Tan iyo markii uu cudurkan dillaacay, hay'adda MSF waxay baddashay howlgalkeedii Soomaaliya, kaasoo ay ka dhigtay hab ku wajahan xaaladda soo korortay, sida uu sharraxayo ku xigeenka madaxa hay'addaas ee Soomaaliya.

"Intii xanuunkan hadda uu soo baxay, waxyaabo ayaannu ka baddalnay mashaariicdii aannu wadnay, oo waxaan culeyska saarnay dhinaca badbaadinta dadka naftooda, waxyaabihii kalena waan yareynay. Wasaaradaha caafimaadka ama maamullada caafimaadka ee dalka ka jira - oo ay ku jirto Somaliland - waxaannu iska kaashaneynay xaaladda, maadaama aan kulligeen garowsan nahay in baahida hadda jirta inay tahay ka hortag iyo sidii loo xakameyn lahaa caabuqan", ayuu yiri.

MSF ayaa sheegtay inay hadda xoogga saareyso badbaadinta nafta dadka

Xigashada Sawirka, MSF

Qoraalka sawirka, MSF ayaa sheegtay inay hadda xoogga saareyso badbaadinta nafta dadka

Todobaadyadii la soo dhaafay, MSF waxay la shaqayneysey hay'adaha caafimaadka ee Soomaaliya, Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hay'adaha kale ee caafimaad si ay ugu diyaar garoobaan imaatinka COVID-19 ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Warka kasoo baxay hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa lagu sheegay:-

"Magaalooyinka sida Laascaanood, Gaalkacyo iyo Baydhabo, oo aan markii horeba daryeel caafimaad ka bixinaynay, kooxaheenna waxay sameeyeen goobo laga kontoroolo nadaafada iyo tallaabooyin ka- hortag ah oo lagu ilaalinayo bad-qabka shaqaalaha safka hore. Tan waxaa ka mid ah tababar ku saabsan ka hortaga iyo xakameynta jeermiska iyo sida loo aqoonsado astaamaha COVID-19 iyo kala soocista kiisaska looga shakisan yahay. Waxaan sidoo kale la shaqeyneynaa bulshooyinka si aan u hubino inay ka warqabaan qaababka lagu yareyn karo halista cudurka iyo inaan siino maamulada talo farsamo iyo siday wax u qaban lahaayeen si ay u dhisaan qaybihii dadka lagu gaar yeeli lahaa".

Sida lagu sheegay bayaanka, welwelka weyn ee MSF waa dadka ku sugan halis badan, sida bukaanada qaba duruufo caafimaad oo liidata, dadka da'da ah iyo kuwa nugul ee ku nool duruufaha khatarta leh sida xeryaha iyo magaalooyinka dadku ku badan yihiin.

Waxaa jira dhowr milyan oo barakacayaal ah, qaxooti iyo muhaajiriin ku nool Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo aan helin adeegyadii aasaasiga ahaa, oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, biyo nadiif ah iyo fayodhowr haboon, sida ay ku warrantay hay'addu.

"Waxaa muhiim ah in la hubiyo in aan la illoobin meelaha inkaaniyaadkoodu hooseeyo sida Soomaaliya, kuwaas oo cawaaqibka uga yimaada si toos ah iyo hadhow dambaba ay noqon doonto mid qotodheer. Tani waa inay noqotaa daqiiqad loo midoobo wadajirka caalamiga ah waxaanan u baahanahay inaan gacmaha is-qabsano si aan uga gudubno caqabadan weyn,"ayuu yiri Gautam Chatterjee, oo ah wakiilka MSF ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta xakameynta cudurka oo si weyn usii fidaya

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta xakameynta cudurka oo si weyn usii fidaya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaran ee wacyigelinta Xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in Agab loogu talagalay xakameynta Coronavirus ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Taliska Ciidanka Asluubta uu kula taliyay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa shalay xaqiijisay 81 xaaladood oo COVID-19 ah oo cusub, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo.

Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in cudurkaan oo usii fidaya, ay dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxeyna ugu baaqday inay taxadar dheeraad ah sameeyaan

bb
bb