Cudurka corona: Majaajilada Soomaalida iyo isticmaalka iskoobaha si dadka aad isaga fogeyso

Xigashada Sawirka, UNDP Somalia
- Author, Mary Harper
- Role, Tafatiraha Afrika, BBC World Service News
- Published
- Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo
Sida la sheegay, hay'adaha waxay ka digayaan in musiibada corona fayras ay ka dhacdo Soomaliya haddii xaaladda hadda jirto ay sii socoto. Sidoo kale dad badan oo dalka ku sugan waxay la imaanayaan hal abuur kala duwan si ay gacan uga geystaan faafidda cudurka.
Farshaxanistaha ugu caansan Soomaaliya, Amin Arts, wuxuu sameeyay sawirka dad gaashan haysta oo iska difaacaya astaanta fayraska ee cagaar ah oo aad u wayn.

Xigashada Sawirka, AMIN ARTS
Hadda wuxuu diyaarinayaa mid gaar ah oo geela ku saabsan, oo uu ugu talagalay buslahada badan ee Soomaalida ah ee miyiga ku nool.
Waxaa jira meelo tusaale ahaan loo adeegsaday geella oo dadka loo sheegayay in labadii qofba ay isu jirsadaan ugu yaraan masaafo la eg hal neef oo geel ah.
Sidoo kale, xaaqin ama iskoobe ayaa loo adeegsaday kala fogaanshaha, sida ay sameeyeen laba Soomaali majaajileystayaal ah kuwaas oo muuqaalladooda aad looga daawado baraha Bulshada. Midka ku saabsan kala fogaanta waxaa daawatay boqollaal qof.
Muuqaalkan wuxuu ka mid yahay kuwa Cabdiqani Iskufilan iyo Cabdiraxmaan heelo sameeyeen.
Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka YouTube boggan
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ah in lala dagaallamo waxyaabaha aan jirin ee dadka qaar ay ka aaminsan yihiin fayraska.
Kooxha Al-Shabaab oo qeybo badan oo dalka ka mid ah maamusha, waxay sheegtay in cudurka ay keeneen "gaalo".
Waxaa sidoo kale jira dad aaminsan in dadka Shiinaha oo keli ah uu ku dhacayo, Muslimiintana uusan ku dheceynin. Waxaa kale oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in cuntooyiinka qaar ee macaan lagu daweyn karo.
Xitaa haddii farriimaha saxda ah ay dadka garaan, Soomaaliya way ku adkaan kartaa in ay wax ka qabato tiro xad-dhaaf ah oo aad u badan oo fayraska qabta.
Tirada rasmiga ah ee dowladda ay shaacisay waxay ka badan tahay 1,000 kiis balse dad badan oo uu ka mid yahay maayarka Gobolka Banaadir waxay rumeysan yihiin in tirada ay inta ka badan karto.
Soomaaliya waxay sidoo kale la daalaa dheceysaa muddo 25 sano ah duullaankii ugu ba'naa ee ayax kaga yimaada iyo daadad.
Sidoo kale dalka waxaa muddo sanado ah ku soo noqnoqonayay abaaro iyo colaad.
















