You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
'Waxaan u dhiman doonaa gaajo ka hor Coronavirus'
" Waxaa suura gal ah in aan u dhinto gaajo marka loo eego xaaladda lagu jiro ee Fayraska corona ," ayay tiri Pantira Sutthi, oo ku nool isla markaana cunto ku iibisa isku raranta ugu weyn dalka Thailand' ee Klong Toei.
Guryo yar-yar oo ka sameysan cooshado iyo alwaax duug ah ayaa buux dhaafiyay dhul cabbirkiisu yahay 1.5 kiilomitir oo isku wareeg ah waxaana ku yaalaa biyo mareeno.
Ms Sutthi oo ah hooyo garoob ah ayaa gacanta ku haysa cunug ay dhashay iyo wiil ay ayeeyo u tahay iyadoo aysan jirin cid caawiso.
Waxey iibisaa oo ay nolol maalmeedkeeda ka raadsataa hilibka digaaga oo la shiilay oo ay ku gaddo meel u dhow iskuul ku yaalla xerada ,balse waxaa si lama filaan ah isu badelay ishii kaliya ee ay wax ka soo galayeen kadib markii uu saameyay fayraska Corona isla markaana la xiray iskuulkii ay agtiisa ay wax ku iibin jiraty .
Arrintaas ayaa sababtay in ay wayso $30 oo ay ka heli jirtay maalin walba shaqadeeda maadaama dadkii wax ka iibsan jiray ay guryaha ku xiranyihiin.
Cunto loogu deeqay
Haweeneydan Ms Sutthi, in ay qoyskeeda u hesho wax ay quutaan ayaa uga muhiimsan in ay iibsato daawooyinka gacmaha la marsado ee jeermiska dila iyo gafuur xirka loogu talagalay in wejiga lagu xirto.
"Nasiib wanaag ma jiro qof ka mid ah bulshadeena oo xannuunku uu ku dhacay ama u geeriyooday,balse saboolnimada ayaa si tartiib-tartiib ah noo dileysa , waxaan rajeynayaa in xaaladdu ay si dhaqsi ah u soo wanaagsanaato dowladeenana waxaana ka rajeynayaa in ay na caawin doonto, "ayay tiri.
Maadama aaney jirin arday iyo macaamiil kale oo wax ka iibsanaya ayaa Ms Sutthi waxaa ay sheegtay in aysan sameyn karin wax cunto.
"Xaqiiqdii waxaan rabaa in aan banaanka aado si aan u soo iibiyo cunto isla markaana aan isugu dayo in aan helo xoogaa qarash ah ayay tiri ," " balse ma haysto lacag igu filan oo aan cunto ku soo iibsado "
Waxay nolasheedu ku tiirsantahay cunto gargaar ah oo ay ka hesho hay'ado kala duwan.
Ikhtiyaar ma lihi
Ma jirto waddo kale oo u furan dadka ku nool xaafadaha isku raranta ah oo aan aheyn ka ganacsiga daroogada iyo xatooyo , balse Mrs Thongrueng Thongphuen oo 56- jir ah ayaa u halganta raadinta quutul yoomka maalinlaha ah .
Iyada iyo ninkeeda ayaa subaxa walba guriga ka baxa waxaana ay istaagaan wadooyinka waaweyn ee u dhow xaafadooda halkaas oo ay ku sugaan qof shaqo ka siiyo gurigiisa .
Waxaa ay ka warqabtaa talooyinka dowladda ee ah in aan laga bixin guryaha ,balse waxaa ay dareensantahay in muhiimada ugu weyn ay tahay in ay hesho lacag ay ku noolaato.
"Dadka danyarta ah sideena waxey leeyihiin xulashooyin kookooban ,waan ogahay in dowladdu cid walba ka codsanayso in guriga la joogo balse hadii aana aadin banaanka si aan lacag u raadsado qof naga mid ahi ma badbaadi doono," ayay tiriMrs. Thongphuen .
Unugul
Klong Toei waa isku raranta ugu weynThailand, ugu yaraana waxaa ku nool 20,000 oo qof inkastoo la aaminsanyahay in tirada rasmiga ah ee dadka halkaas ku nool ay ka badantahay intaas ayna ku dhowdahay 100,000 oo qof .
Gurayaha ay ku noolyihiin dadka danyarta ah waxaa ay isku hayaan dhinacyada taas oo laga cabsi qabo in cudurku uu si sahlan isu qaadsiiyaan dadku.
Inta badan dadka ku nool Xaafadahana isku raranta ah way ka warqabaan cudurka Covid-19 ee dunida sida ba'an u saameyay balse ma haystaan illo dhaqaale mana jiraan wax ay sameyn karaan in ay is eegtaan oo kaliya mooyaane.
Dadka ku nool xeeradaan waxaa ay isugu jiraan dad da' ah, carruur iyo dad xanuusan.
Ms Ladda Mangmeepol oo 26 - jir ah kuna nool xeradan ayaa sameysa walxaha wajiga lagu xirto waxaana ay dadka ku siisaa qaab bilaash ah oo kama qaadato wax qarash ah .
"Waxaan ka mid ahay dadka nasiibka u yeeshay in ay sii haystaan shaqadooda isla markaana qoysaskooda gacan qabta ,balse waxaan arkaa adeeryaashay, eedayaashay iyo dariskeyga oo ay dhibaatooyin haystaan."
"Dhammaantood waa shaqaale mana haystaan wax shaqo ah xiligaan ,tan waa bishii kowaad oo xanuunku uu saameeyay Bangkok durbana waxaa ay dadku la halgamayaan nolasha . Ma garanayo sida xaalku noqon doono bisha soo aadane" .
Bulashadii la hilmaamay
Dalka Thailand, tirada kiisaska cusub ee Fayriska corona ee isugu jira dadka qaadaya iyo kuwa u dhimanaya xanuunka ayaa sii kordhaya iyadoo dowladduna ay dadka ugu baaqayso in guryaha joogaan si looga baaqsado faafitaanka Fayraska.
Dowladda Thailand, ayaa liiska ku dartay xaafadaha isku raranta ah goobaha la burburin doono 10-ka sano ee soo aadan ,balse xaafadahaan ayaaba u muuqda dad mar horeba la hilmaamay .