Boris Johnson aabihii oo ku baaqay in wiilkiisa "uu nasasho badan helo"

Boris Johnson

Xigashada Sawirka, PIPPA FOWLES / DOWNING STREET HANDOUT

Qoraalka sawirka, Ra'iisalwasaaraha UK Boris Johnson oo ku sugan dibedda xafiiskiisa ka hor inta aan la seexinin isbitaalka
Published

Boris Johnson "waa inuu nastaa" mar hadii laga soo saaray qaybtii daryeelka culus ee isbitaalka ee uu coronavirus u jiifay, ayuu yidhi aabihii.

"Koox ahaan ayaynu ugu gurmanay imikana waa in aan si wada jir ah u shaqaynaa" ayuu yidhi Stanly Johson oo BBC la hadlay.

La taliyaha dhinaca sayniska Prof Neil Ferguson, oo la weydiiyey goorta dalka UK ka bixi doono xidhxidhnaata ayaa wuxu ku jawaabay arintaasi "waxay ku xidhantahay da'da dadka iyo deegaannada ".

Dhanka kale dawladda UK ayaa bilowday olole ay ku dhiiri gelinayso in ay dadku guryahooda joogaan oo aanay u soo bixin ciidda Easter ka iyo fasaxa Bank Holiday.

Stanley Johnson ayaa sheegay in qoyskooda oo dhami "nafiseen" isla markaana ay "aad u mahadnaqayaan" mar hadii ra'isal wasaarihii haatan laga saaray qaybta daryeelka culus ee isbitaalka St Thomas, waxaanu intaa ku daray inuu rumaysan yahay in cudurkani "dalka oo dhan dareensiiyey in marxalad adag lagu jiro".

"Qoyskayagii buu soo gaadhay cudurku, oo dhammaantayo welwel buu nagu abuuray" ayuu yidhi.

Wuxu intaa ku daray in ay jiri doonto "muddo nasasho ah" inta aanu ra'isal wasaaruhu ku noqon shaqada xafiiskiisa Downing Street, waxaanu yidhi " waa inuu nastaa".

Prof Fersugson, oo ka stirsan Imperial College London, ayaa u sheegay barmaamijka Today ee ka baxa BBC Radio 4 in shaqada 'muuhiimadda koobaad leh ee ugu horraysaa 'tahay sidii looga bixi lahaa xayiraadda coronaviurus keenay oo ay weliba ku foogan yihiin saynisyahannada iyo xukuumadduba "daqiiqad kasta oo aanay ka nasan".

Isagoo ka hadlayay talaabooyinka la qaadi doono si loo furdaamiyo xayiraaddaas, ayaa Prof Ferguson wuxu sheegay in Ingiriisku bilaabi doono olole dadka lagu baadhayo "si cidda laga helo loo karantiimeeyo'.

Hase yeeshee wuxu carrabka ku dhuftay in xayiraaddu sii socon doonto 'dhawr todobaad oo kale'.

Hadalkiisani wuxu soo baxay iyadoo wasiirka ka tirsan xukuumadda oo la yidhaa Robert Jenrick difaacay socdaallo uu galay oo sida lagu soo waramay warbaahintu ku dhaliishay in uu isagu ku tuntay xeerarkii xayiraadda.

Wasiirka ayaa la sheegay in uu ka socdaalay London oo uu tagay halka Herefordshire, oo uu waalid kiina ugu tagay halka ay deganyihiin oo ah degmada Shropshire, sidaana waxa ku waramay wargeysyada Daily Mail iyo The Guardian.

Xukuumadda ayaa ku talisay in aan la safrin, waxaany dadka ku tirtirsiday in aanay u dhawaanin eheladooda waayeelka ah.

Jenrick oo ah xildhibaan laga soo doorto Newark Notthinghamshire, oo shaqadiisa wasiirnimo u jooga London ayaa sababta socdaalkiisa ku sheegay inuu tageyey 'guriga qoyskisu deganyahay' ee Herefordshire ku yaal si uu ugu tago afadiisa iyo caruurtiisa.

Waxaanu intaa ku daray in uu waalidkii ugu tagay si uu ugu geeyo alaabo muhiim ah oo aanay ka maarmayn oo dawooyin ka mid yihiin, taasna sharcigu fasaxayo.

Xog-hayaha guriyenta ee mucaaradka Nick Thomas-Symonds ayaa sheegay in ay lagama maarmaan u tahay in "uu shacabka u sheego" Jenrick sababta socdaalkiisa.

Laakiin waxa uu intaa ku daray in hadii wasiirka guriyeyntu dawo waalidkii u geeyey waa "inuu cadeeyaa in uu sharcigu arintaa si cad u qeexayo".

bb
bb

Prof Paul Cosford oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka dadwaynaha ee gobolka England ayaa sheegay in xeerku "aad u qeexanyihiin' oo ah in ay dadku guryahooda joogaan afar xaaladood mooyee kuaas oo kala ah in uu qofku jimicsi dibadda ugu baxayo, cunto iyo dawo soo iibsanayo, isbitaal tagayo ama shaqo aanu ka baaqan karin.

"Arintaa Jenrick ka hadli maayo waayo waxay u eegtahay in uu xeerarka raacay laakiin dadka kale siyaabo kale ayey u arki karaan" ayuu u sheegay barnaamijka Today oo waraysi la yeeshay.

Mar la weydiiyey istaraatijiyadda xukuumadda ee goorta xayiraadda laga baxayo, Prof Cosford wuxu yidhi "waan fahmi karaa inay jiri karaan xaalado keeni kara in xayiraadda la qaado sida ugu dhakhsa badan", laakiin wuxu digniin ku sheegay in ay "weli muhiim tahay in aan hore loo qaadin'.

Tirade dadka ku dhintay isbitaalada UK ee laga helay fayraska ayaa kor ugu kacday 7,978, waxaanay saraakiishu sheegeen Khamiistii in maalintii taa ka horraysay ay 881 ay dhimashadu gaadhay.

Ra'isal wasaaraha, waxa qaybta daryeelka culus laga saaray habeenimadii Khamiista laakiin isbitaalka ayuu ku sii jiri doonaa, sidaana waxa sheegay xafiiskiisa Dawning Street.

Coronavirus ayaa lagaga dawaynayay tan iyo Axaddii ibitaalka London ku yaal ee St Thomas.

Xafiiskiisuna wuxu sheegay in "in dhakhaatiirtu aad ula socon doonaan inta uu ka soo kabanayo cudurka".

Wasiirka arimaha dibadda Dominic Raab, oo ku sii simaya xilka Johson, ayaa sheegay in xayiraadu dalka saaraan doonto ilaa iyo inta la helayo caddaymo muujiyana in cudurku hoos u dhacay.

Waxaanu shirka jaraa'id ee maalin laha ah ee xukuumaddi qabato ka sheegay in "maadaama oo qof kastaa dadaalayo, maadaama oo qof kastaa huray xorriyadiisii yeynaan dedaalkaa hal bacaad lagu lisay ka dhigin. Yeynaan wixii aynu taransannay baabiin, yeynaa dadaalka dadka qiimo ridin"

"Coronavirus yeynaan fursad kale oo uu dad badan ku dilo siinin oo dalkeena uu ku dhaawaco" ayuu intaa ku daray.

Waxaanu sidoo kale sheegay in ay adagtahay in dadka oo doonayey in ay ciidda Easter-ka eheladooda booqdaan lagu yidhaa is xayira.

Raab wuxu hadalkan jeediyey fasaxa Bank Holiday oo noqon doona horraanta todobaadkan iyadoo la saadaalinayo in heerkulka magaalada London uu Sabtida noqon doono 26 C, in kasta oo saadaashu sheegayso in Axaddu ay intaa ka qaboobaan doono.

Booliska iyo dawladaha hoose ayaa sidoo kale Khamiistii ku wargeliyey dadka in aanay fasaxa ka bixi karan magaalooyinkooda oo aanay loo socdaali karan goobaha loo dalxiis tago.

Downing Street ayaa sidoo kale sheegay in "taageero buuxda" siinayo askarta booliska ah ee dhaqan gelinaya xayiraadda.

Xayeysiisyo badan oo xukuumaddo soo dirayso kuna saabsan ciidda Easter-ka ayaa lagu baahin doonaa wargeysyada iyo baraha bulshada, kuwaas oo shacabka ku tirtirsiyaya in ay guyahooda joogaan fasaxan.

Af-hayeen u hadlay xukuumadda ayaa yidhi "waanu fahamsanahay in adku doonayaan in ay wakhti la qaataan eheladooda iyo asxaabtooda ciiddan Easter-ka, waxaanan sidoo kale garawsanahay in aanu shacabka ka codsanayno in ay fasaxooga u huraan la dagaalanka cudurkan. Haatan marxalad adag baynu maraynaa oo aynu kaga hortagayno fiditaanka coronavirus waana muhiim markaa in aanu sii wadno in la raago talada xukuumadda."

Presentational white space
Qoraalka Muuqaalka, Dadweynaha UK oo sacabba tumaya shaqaalaha waaxda caafimaadka ee NHS
line