You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Coronavirus:: Dalka Mareykanka oo tiradii ugu badnayd caalamka ay ugu dhinteen Covid-19
Dalka Mareykanka ayaa noqaday dalka dadka ugu tirada badan ay hal maalin ugu dhinteen cudurka Corona guud ahaan caalamka.
Waxaa shalay oo kale cudurka Corona ugu dhimatay dalka Mareykanka in ka badan1,800 oo qof.
Waxaa tirada guud ahaan dalka Mareykanka ugu dhimatay cudurka Corona ay imika gaaraysaa ku dhawaad 13,000, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins.
Dalka Mareykanka kiisaska uu ilaa iyo imika cudurka so ritay ayaa gaaraya 398,000, waa tirada ugu badneyd guud ahaan caalamka .
Caalamka guud ahaan tirada uu soo ritay cudurka Corona ayaa imika sii dhaaftay1.4 milyan.
Magaaalada New Yorka ayaa noqotay magaalada tirada ugu badan ay ugu dhintaan cudurka Corona.
Shalay oo kali ah waxaa magaalada New York ku geeriyootay dad tiradoodu ay gaarayso 731 qof.
Waxaa la saadaalinayaa in cudurka Corona ay dalka Mareykanka ugu dhiman karaan dad tiradoodu ay gaarays 240,000, sida ay shaaciyeen guddiga gaarka ah ee uu madaxwayne Trump u saaray xakameynta cudurka.
Dhanka dalka UK rai'sul wasaare Boris Johnson ayaa habeenkii labaad ku baryay qeybta la dhigo dadka xaaladooda caafimaad ay culus tahay.
Dhanka kale muddo 11 toddobaadah oo ay xayiraad saarneyd magaalada Wuhaan ee dalka Shiinaha oo ah halkii uu ka soo bilaabmay xanuunkna Corona ayaa hadda laga qaaday xayiradaasi
Isu socodka Tareenada iyo dib u hagaajinta waddooyinka Tareenada ayaa hadda dib uga bilowday magaalada wuhaan
Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo Taladadii shalay aan laga soo sheegin dalka Shiinaha wax dhimasho ah oo uu sababy Feyraska Corona,waana markii ugu horeysay tan iyo markii uu xanuunkan ka bilowday magaaladaaas.
Tirada dadka u dhintay cudurka Corona ee dalka Faransiiska ayaa imika kor u dhaaftay 10,000 oo qof.
24 saac ugu dambeysay waxaa isbataalada dalka Faransiiska cudurka ugu geeriyooday dad ay tiradooda dhan tahay 607 qof.
Tirada uu cudurka soo ridanayo dalka Faransiiska ayaa sidoo kale sare u kacday boqolkiiba 5 iyada oo ay jirto in xayiraad lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa shacabka.