Coronavirus: Goobta ugu dambeysa ee uu gaari doono feyriska Covid-19

Maxaabiis gacmaha dhaqanaysa

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Maxaabiis gacmaha dhaqanaysa
Published

12-kii bishii January - wax ka yar 3 bilood waxaa uu cudurka Corona ku koobnaa dalka Shiinaha, mana jirin xitaa hal kiis oo laga helay xilligaas meel ka baxsan Shiinaha.

13 January, wuxuu feyriska Corona noqday mid caalami ah oo ku baahay dalal badan.

Waxaa kiisas laga helay Japan, Kuuriyada Koonfureed, ka dibna waxaa uu gaaray Mareykanka.

Wixii xilligaas ka dambeeyay wuxuu cudurka corona noqday mid dalal badan gaara.

Tirada dadka uu coronavirus ku dhacay ee caalamka oo dhan waxay hadda dhaaftay hal milyan oo qof.

Haddaba ma jiraan goobo uusan gaarin cudurka Coron?

Jawaabta la yaabka leh waxay tahay; haa way jiraan meelo uusan gaarin.

Kuuriyada waqooyi ma jiro wax kiis ah oo laga soo sheegay ta badalkeedana waxay sii wadaa tijaabada gantaalada

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Kuuriyada waqooyi ma jiro wax kiis ah oo laga soo sheegay ta badalkeedana waxay sii wadaa tijaabada gantaalada

Dalalka xubinta ka ah Qaramada Midoobeey waxaa ay gaarayaan 193 waddan.

2 bishan April, wuxuusan cudurka gaarin oo aan laga soo sheegin 19 dal, sida ay BBC ka soo xigatay Johns Hopkins oo bahisa xogoha cudurka la xiriira.

bb
bb

19-ka dal ee uusan feyriska Covid-19 gaarin

Comoros; Kiribati; Lesotho; Malawi; Jasiiradaha Marshall; Micronesia; Nauru; Kuuriyada Waqooyi; Palau; Samoa; Sao Tome iyo Principe; Jasiiradaha Solomon; South Sudan; Tajikistan; Tonga; Turkmenistan; Tuvalu; Vanuatu, Yemen.

Qaar ka mid khubarada ayaa aaminsan in laga yaabo in ay jiraan kiisas aan la shaacin.

Balse waxaa jira dalal uusan cudurka wali gaarin kuwaasi oo intooda badan ah Jasiirado ay dad aad u yar booqdaan, sidoo kale, Qaramada midoobeey waxay sheegtay in ay ka mid yihiim meelaha ugu booqashada yar caalamka.

Meelaha fog waxay micnaheedu tahay hal shay, xilli caalamku ku baaqayo in bulshada ay kala fogaato, haddana jasiiradahan waxay horey u ahaayeen kuwa si iskood ah uga karantiilnaa calamka intiisa kale.

Jasiiradda Nauru, waxay ku taalla badda Pacific, waxay 200mile u jirtaa jasiiradda kale Banaba, qeybo ka mid ah Kiribati, ayaa dhulka ugu dhaw.

Jasiiradda Nauru magaalada ugu dhaw oo duulimaad toos ah uu ka dhaxeeyo waa Brisbane, 2,500 mile kaga beegan koonfur galbeed.

Waa dalka labaad ee ugu yar ee ka mid ah Qaramada Midoobeey (ka dib Monaco), oo ay ku nool yihiin illaa 10,000 oo qof. Waana waddanka labaad ee ugu dadka yar ka dib Tuvalu.

Sido kale waa mid ka mid ah meelaha ugu booqashada yar caalamka, inkastoo xogaha Qaramada Midoobey aysan ka soo muuqan, haddana mid ka mid ah dadka dalxiiska ka shaqeeya ayaa sheegay in dalkaas sannadkii ay booqdaan 160 qof.

Waxaa laga yaabaa in aad is leedahay in meel sidaa u go'doonsan aysan u baahnayn in ay dalalka kale ka sii fogaato.

Balse dalkaas leh halka Isbataal, oo aanan haysan qalabka neefsashada ee lagu caawiyo kuwa uu naqaska ku dhegay, ayna ku yaryihiin kalkaaliyeyaasha caafimaad, makula tahay in uu dhayalsaday cudurka.

2-dii Bishii March, waxaa Jasiiradda Nauru laga mamnuucay in ay soo galaan dadka ka imanaya Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed iyo Taliyaaniga.

Shan maalin ka dib, waxaa liiska mamnuucidda lagu daray dalka Iraan.

Bartamihiin-March, shirkadda diyaaradaha ee Nauru Airlines ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay jasiiradaha Fiji, Kiribati iyo Marshall, islamarkana waxaa la yareeyay waddadii keli ah ee u furnayd oo ah magaalada.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in haddii uu cudurka gaaro jasiirrada Nauru in aysan xamili karin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa jirta cabsi laga qabo in haddii uu cudurka gaaro jasiirrada Nauru in aysan xamili karin

Qof walba oo jasiiradda soo gala waxaa lagu sameeyaa karantiil.

Inkastoo inta badan dalalka uusan gaarin Corona ay yihiin jasiirado haddana waxaa jira dalal kale oo leh xudduudo dhanka dhulka ah oo uusan wali gaarin.

Hadaba waa halkee goobta ugu dambeysa oo cudurka Covid-19 laga yaabo in uu gaaro?

"Waxaa laga yaabaa in ay noqdaan jasiiradaha ku yaalla Koonfurta Pacific, oo ah goob ka fog caalamka intiisa kale, halkaas ayaan lacagteyda dhigan lahaa," ayuu yiri Andy Tatem, oo ah profasoor wax ka dhiga jaamacadda Southampton.

"Balse maadaama dhaqaalaha la caalamiyeeyay, ma hubo inay jirto goob ka badbaadi karto cuduradan saf-marka ah."ayuu intaa ku daray.

Xayiraadaha lagu soo rogay jasiiradda Nauru - waa laga yaabaa inuu shaqeeyo, balse ma si jiri karaan xannibaadahaasi, ayuu yiri Andy Tatem.

"Qaar badan oo ka mid ah dalalka waxay ku tiirsan yihiin waxayabaha dibadda looga keeno, way soo rogi karaan xayiraadda, balse dhibaato ayay u geysanaysaa, ayuu intaa ku daray.