Caro ka dhalatay meydad waddooyinka lagu daadinayo

Xigashada Sawirka, Twitter/@CynthiaViteri6
Carada shacabka ah ayaa sii xoogeysaneysa kaddib markii ay dadka ku dhaqan magaalada ugu caansan dalka Ecuador ee Guayaquil baraha bulshada ku faafiyeen meydad daadsan waddooyinka.
Muuqaalada laga arkayo meydadka lagu qubay jidadka ayaa si weyn la isula wadaagay.
Shaqaalaha caafimaadka ee dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay hadda dhibaato weyn kala kulmayaan aruurinta meydadka dadkii dhintay maalmihii lasoo dhaafay - kuwaasoo kaliya aan u geeriyoonin xanuunka coronavirus balse u dhintay sababo kale.
Qaraabada dadka meydadkooda la tuuray ayaa soo tabiyay inay waqti badan oo mararka qaar ilaa 4 maalmood ah sugayeen in laga qaado meydadka, iyadoo qaarkood ay iska dhigeen guryahooda bannaankooda.
Wargeys maxalli ah oo lagu magacaabo El Universo ayaa ku warramay in meydad tiradooda u dhaxeyso 400 ilaa 450 aan wali laga qaadin guryaha ay yaallaan.
Duqa magaalada Guayaquil, Cynthia Viteri ayaa Talaadadii shalay sheegtay in la howlgaliyay mid ka mid ah saddex gawaari ah oo ay saaranyihiin kunteenarrada meydadka lagu keydiyo.

Waddamada ku yaalla qaaradda Koonfurta Amerika ayaa laga soo sheegay inuu gaaray xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus.
Dalka Brazil, waxaa laga soo tabiyay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ah, kaasoo ku dhacay qof kasoo jeeda qowmiyadaha asalka ah ee dalkaas.
Haweeney 19 jir ah oo kasoo jeedda qowmiyadda Kokama ayaa lagu tilmaamay qofka uu xanuunka haleelay, sida uu sheegay Francisco Ferreira Azevedo, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in dadka asalka ah uu si ba'an u saameeyo cudurka, maadaama ay daggan yihiin dhul miyi ah oo aan laga helin adeegyada caafimaadka.
Waddanka El Salvador, oo ku yaalla isla qaaraddaas ayaa shaaciyay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalatay cudurka Covid-19.
Qofka dhintay ayaa ah haweeney 60 jir ah oo dhawaan ku laabatay El Salvador kaddib markii ay ka safartay waddanka Mareykanka, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaas Nayib Bukele.
Madaxweyne Bukele ayaa ka mid ah madaxdii ugu horreysay ee Latin Ameerika oo soo rogay xayiraado adag oo dhinaca dhaqdhaqaaqyada ah.














