Intee ayay dhan tahay fursada uu qofka ugu dhiman karo coronavirus?

Published

Cudurka coronavirus ayaa wali waxaa uu fara 'an ku hayaa dalalka kala duwan ee caalamka.

Dalka Britain waxaa looga dhawaaqay tallaaboyiin cusub oo lagu xakamaynayo cudurkan.

Rai'sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay in saddexda toddobaad ee soo socota aysan dadka guriyahooda ka soo bixi doonin.

Dadka ayaa loo ogolaan doonaa oo kali ah inay guriyahooda ka soo baxaan marka soo tukaameysanayaan oo ay soo iibsanayaan waxyaabaha quutul daruuriga h.

Dalka Shiinaha waxaa laga soo sheegayaa kiis cusub oo cudurkan coronavirus ah gobolka Wuhan, taasi oo soo afjartay muddo 5 maalmood ah oo dalkaas aan laga helin wax kiis cudurkan ah.

Dalka Mareykanka waxaa cudurka uu gaaray goobo hor leh islamarkana waxaa gobola cusub lagu soo rogay bandhow.

Dalka Bangaladesh waxa ay xukuumadda dalkaasi sheegay in ay ciidamada dalkaasi gacan ka gaysan doonaan xakameynta cudurka.

Dhanka Afrika dowladda Uganda waxaa laga helay 8 kiis oo cusub sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka dalkaasi.

Dalka Koonfur Afrika madaxwaynaha dalkaasi ayaa ku dhawaaqay in muddo saddex maalmood ah ay dadka dalkaasi guriyahooda ku sugnaan doonaan.

Maxay tahay Fursadda aad ugu dhumin karto coronavirus?

Sida aan la wada socono dad badan ayuu soo ridanayaa caabuqa coronavirus guud ahaan caalamka.

Ma aha howl sahlan in la shaaciyo heerka dhimashada cudurka.

Hay'adda caafimaadka aduunka ayaa sheegtay in 3.4% ka mid ah guud ahaan kiisaska cudurka ay dhimasho sababeen.

Balse seynisyahanada ayaa waxay qiyaasayaan in tirada dhimashada ay intaasi ka yar tahay sababtoo ah waxaa jira kiisas dad uu cudurka si sahlan ugu dhacay kuwaasi oo aan la shaacin.

Marka arrintan qiimayn lagu samaynayo ayaa waxyaabaha xisaabta lagu darayo waxaa ka mid ah , da'da, in uu qofka qabay cuduro hore iyo sida uu yahay adeega caafimaadka goobta uu qofka ku sugan yahay .

Sida ka muuqata caddeymaha , waxaa jira dad u nugul cudurka in ay u dhintaan haddii uu haleelo sida kuwa da'da ah.