Brexit: Maxaa iska badeli doona Britain, maxaase isbadeli doonin?

Britain iyo EU oo kala baxay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Britain oo ka baxday EU
Published

Laga billaabo 31-da Bishan, Britain waxay si rasmi ah uga bexeysaa Midowga Yurub, ka dibna waxaa ka billaaban doonta 11 bilood oo xaalad kala guur ah.

Inta lagu guda jiro 11-kas bilood, Britain waxaa ay u hogaansami doontaa sharciyada Yurub, sidoo kale waxay bixin doontaa kharashaadka dalalka ay ku biiriyaan EU, waxaana jiri doona isbadelo dhici doonaa mudadaas.

1. Xildhibannada UK ee katirsan baarlamaanka Yurub oo waayi doona kuraasta

Shakhsiyaad la garanayo oo ay ka mid yihiin Siyaasiga Soomaalida ah Maajid Maajid, Nigel Farage iyo Ann Widdecombe ayaa ka mid ah 73 xildhibaan ee Britain ku matela baarlamanaka Yurub, waxayna waayi doonaan kuraastooda.

Sababtuna waxay tahay Britain oo ka baxday dhamaan hey'adda siyaasadeed ee ay ku mideysan yihiin Gollaha Yurub.

Haseyeeshee inta lagu guda jira xaaladda kala guurka, maxkamadda EU waxay go'aan ka soo saari kartaa waxwalba oo la xiriira sharciga oo ku saabsan dalka UK.

Dad caan ah ayaa kuraastooda waayi doona

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad caan ah ayaa kuraastooda waayi doona

2. UK kama qeybgali doonto shirarka Midowga Yurub

Laga billaaboi sabtida soo socota, ra'iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson, wuxuu noqonayaa qof si gaar ah loogu casuumi doona oo keliya shirka EU.

Sidoo kale wasiirada Britain iyaguna kama qeybgeli doonaan shirarka caadiga ah ee Midowga Yurub ay kaga arrinsaneyso arrimo badan.

3. Xiriirka ganacsi

UK waxay dalal badan oo caalamka kala hadli doontaa heshiisyo ganacsi oo ku aadan waxyaabaha laga iibsado iyo badeecadaha ay Britain ka soo iibsan doonto dalalka caalamka.

Wixii hadda kahoreeyay looma oggoleyn Britain in ay heshiis ganacsi la gasho dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale, maadaama ay ka mid ahayd Midowga Yurub.

Dadkii taageersanaa ka bixitaanka Yurub ayaa ku doodaya in ay helin doonaa xoriyad ay dal walba kula ganacsan karaan, taasina ay sare u qaadi doonta dhaqaalaha UK.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ay labad dhinac ka wada hadli doonaan, waxaana ugu muhiimsan heshiis ganacsi oo labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Heshiis kasta poo ganacsi oo dhexmara UK iyo dalalka kale ee Midowga Yurub, waxay dhaqan gali doonaan ka dib xilliga kala guurka.

4. Isbadelka ku iman doona baasaborka UK

Baasaboorkii hore iyo kii dambe
Qoraalka sawirka, Baasaboorkii hore iyo kii dambe

Midabka baasaboorka dalka UK ayaa markale la badeli doonaa, waxaana dib loo soo celin doonaa midabkii hore ee buluuga.

Mar uu ka dhawaaqay isbadelka, sannadkii 2017-kii, wasirkii socdaalka ee xiligaas, Brandon Lewis, ayaa aad u bogaadiyay dib usoo celinta baasaboorkii hore.

Baasaboorka cusub ee la bixin doono ayaa la sheegay in uu noqon doono midka cusub, halka kuwa hadda jirana ay sii shaqeyn doonaan.

5. Kala dirista kooxda Uk u qaabilsan Brexit

Kooxdii ka shaqeysa ka bixtaanka Britain ee Midowga Yurub ayaa la kala diri doonaa, halka kuwa kale oo gacanta ku hayay xallinta khilaafaadka, haddii aanan la heshiinin lahayan, la kala diri doono marka Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

6. Jarmalka dadkiisa uma gacangelin doono UK haddii ay Britain dembi ka geystaan

Suurtagal ma noqon doonto in dadka lagu tuhmo dembiyada dib loogu soo celiyo Britain, haddii ay u baxsadaan dalka Jarmalka.

Dastuurka dalka Jarmalka wuxuu dhigayaa in muwaadiniinta u dhalatay dalkaas aanan loo gacan gelinin dal kale, haddii dalkaas uusan ahayn mid ka tirsan Midowga Yurub.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee UK waxay sheegtay in sharcigaas uu shaqeyn doono inta lagu guda jiro xilliga kala guurka, waxayna taas ka dhigan tahay in Jarmalka uu Britain u gacan gelin doono dadka ay doonayaan.

Waxyaabaha aanan isbadeli doonin

Maadaama xilliga kala guurka uu bilaaban doono marka Britain ay ka baxdo EU, inta badan waxyaabaha ka dhaxeeya labada dhinac ayaa sii ahaan doono sidii hore.

1. Socdaalka

Socdaalka ma saameyn doonta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Socdaalka ma saameyn doonta

Socdaalka dhanka badda ama diyaaradaha iyo tareenada ayaa sii socon doona.

Muwaadiniinta u dhashay dalka UK ayaa wali sii adeegsan kara baasaboorkooda xilliyada ay u safrayaan dalalka Midowga Yurub, waxaana loo tixgelin doonaa si lamid ah sidii hore.

2. Shatiga socdaalka iyo lahaanshaha hantida

Shatiga kaxeynta baabuurta ee UK wuxuu ahaan doonaa sidiisa, waxaana sidaas oo kale u shaqeyn doona warqadda aqoonsiga xoolaha nool ee ay dadka xananaeystaan oo ay la safraan sida eyda oo kale.

3. Kaarka ceymiska caafimaadka ee Yurub

Kaararka caafimaadka

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Kaararka caafimaadka

Kaararka ceymiska caafimaadka ee ay bixiso Dowladda Britain ayaa wali sii shaqeyn doona, dadkuna ay isku daweyn doonaan haddii ay xanuunsadaan.

Kaararkan waxaa lagu isticmali karaa dal walba oo katirsan EU iyo kuwa aan katirsaneyn ee kala ah Switzerland, Norway, Iceland iyo Liechtenstein

4. In qofka uu ka shaqeysto kuna noolaado dalalka Midowga Yurub

Xorriyadda socdaalka ayaa sideeda sii ahaan doonto inta lagu guda jiro xilliga kala guurka ama kumeel gaarka. Muwaadiniinta u dhashay Britain ayaa ka shaqeysan kara, kuna noolaan kara dalalka Midowga Yurub.

Sidaas si lamid ah ah, muwaadiniinta dalalka Midowga Yurub ayaa iyaguna ka shaqeyn kara, kuna noolaan kara Britain.

5. Lacagaha hawlgabka

Muwaadiniinta Ingiriiska ee ku nool dalalka Yurub ayaa heli doona lacagaha hawlgabka ee ay siiso dowladda meelwalba oo ay joogaan. Dadkan ayaa sidoo kale waxay heli doonaan lacagaha sannadwalba lagu daro dhaqaalaha la siiyo.