Ra`iisul Wasaaraha Australia oo qirtay arrin muddo lagu eedeynayay

Australia's Prime Minister Scott Morrison

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Scott Morrison ayaa qirtay in si khaldan loo maareeyay dabka ka kacay dalkiisa
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Ra`iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ka shallaayay qaabkii loo maareeyay dabkii ka kacay dalkaas.

Morrison ayaa cambaareyn kala kulmayay bulshada Australia isagoo lagu eedeeyay qaabka ay dowladdiisa u maareysay dabka ka kacay qeybo ka mid ah dalkaas iyo siyaasaddiisa isbeddelka cimilada.

Tan iyo bishii September, dab ka kacay Australia ayaa dilay ugu yaraan 28 qof isagoo kumannaan guryo ahna burburiyay.

Mr Morrison ayaa maanta yiri "waxaa jiray waxyaabo aan si wanaagsan wax uga qaban karay".

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Mr Morrison ayaa cambaareyn kala kulmay shacabka Australia xilli uu booqanayay gobollada ugu daran ee uu dabku ka kacay ee New South Wales iyo Victoria.

Magaalada Cobargo ee gobolka New South Wales, ayaa haweeney ku nool waxay codsatay in wax badan laga qabto dabka kacay, halka kuwo kalena ay ugu yeereen Mr Morrison "doqon" waxayna yiraahdeen "wax codad ah halkan kama heli doontid".

Bishii la soo dhaafay, Mr Morrison ayaa waxaa lagu cambaareeyay inuu fasax u aaday dalka Mareykanka xilli uu sii xoogeystay dabka dalkiisa ka holcayay. Carada ay dadku ka qaadeen maqnaashihiisa ayaa ku qasabtay inuu soo afjaro fasaxiisa uuna dib u soo laabto. w

Muxuu Morrison ka yiri isbeddelka cimilada?

Dowladda Mr Morrison ayaa lagu eedeeyay inaysan wax badan ka qaban wacyigelinta isbeddelka cimilada adduunka, oo ay khubarradu sheegeen inay sii xoojin karto dabka holcaya.

Balse wareysi lala yeeshay, ayuu Ra`iisal Wasaaruhu ku difaacay habka ay dowladdiisu u wajahday, isagoo sheegay inay xisaabta ku darsatay saameynta ay isbeddelka cimiladu ku leedahay dabka.

A Rural Fire Service firefighter views a flank of a fire on 11 January, 2020 in Tumburumba, Australia

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Waxaan ku nool nahay xilliyo xagaa oo dheer, kulul isla markaana qallalan," ayuu yiri Morrison. "Tani waxaa saameyn ku yeeshay isbeddelka cimilada ee baaxadda leh."

Mar wax laga weydiiyay qorshihiisa ku aaddan dhimidda hawada kaarboonka, ayaa wuxuu Mr Morrison ku adkeystay in dowladdiisa ay cagta saartay hiigsigeeda wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Marka la eego heshiiskii Paris ee cimilada, Australia ayaa codsatay in 28% la dhimo hawada kaarboonka wixii loo gaaro 2030.

Activists rally for climate action at Sydney Town Hall on January 10

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dowladda Mr Morrison ayaa cambaareyn kala kulantay siyaasaddeeda ku wajahan isbeddelka cimilada

Tobnaan kun oo qof oo Australia ku nool ayaa Jimcihii ka qeyb qaatay dibad baxyo looga soo horjeedo isbeddelka cimilada.

Magaalooyin ay ku jiraan Sydney, Melbourne iyo Canberra, ayay dibadbaxayaashu waxay ka codsadeen dowladda Mr Morrison inay wax ka qabato isbeddelka cimilada.

Waa sidee hadda xaaladda dabka?

Xaaladda dabka ka holcaya Australia ayaa hadda dhaanta sidii hore taas oo dab-damiyeyaasha u suurtogelisay inay tagaan deegaannada qaar oo weli uu dabku ka holcayo.

Balse iyadoo la filayo in toddobaadka dambe ay cimilada dalkaas sii kululaato, ayaa waxaa laga digayaa inay weli khatar jirto.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

In ka badan 123 meel ayuu dabku ka kacay kuwaasoo ku yaalla gobolka New South Wales, iyadoo 50 ka mid ah meelahaas uu weli dabku ka holcayo.

Gobolka Victoria, ilaa 32 meel ayuu dabku ka kacay. Qof dab-damiye ah ayaa dhintay xilli uu isku dayay inuu la tacaalo dab holcaya, taasoo tirada dadka ku dhintay dabka Australia ka dhigeysa 28.