Maxay BBC uga dhigan tahay guushii Boris Johnson?

BBC director general Tony Hall

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Amol Rajan
    • Role, Media editor
  • Published

Khubarada BBC muddada joogay way garanayaan dagaalka lala galo dowladda isla marka ay shaqada bilowdo iyo sida heshiiska loola galo. Waa sida buuq hoosta ka socdo, waa sida wax kala googo'an, sababtoo ah waa wax aan texane ahayn.

Amol Rajan oo ah Tafatire Warbaahin ayaa qabo in qaabka hadda ay BBC tahay ay suuragal tahay in uu isu bedelo si aadan ku fakareyn.

Wuxuu qoray warbixinta oo ra'yigiisa uu ku cabirayo

BBC waxay aalaaba u dagaallantaa in tafatir ahaan ay madaxbannaanaato. Waa marka aad wax la dejisaneyso hannaan wax u dhimaya madaxbannaanidaas, keenaya juujuub iyo afduub siyaasadeed. Hadda iyadoo lagu sii dhowaanayo cusbooneysiinta Axdiga Boqortooyada ee tobankii sanaba mar la sameeyo, aad ayey u adkan doontaa in laga gudbo.

Qaar ka mid ah khubarada BBC waxay ka hadleen qalalaasaha jira ee BBC ay la kulmeyso, iyadoo shaki uu ku jiro waxa la ogaan karo. Marar badan ayey BBC xaaladdan la kulantay, iyadoo diidmo ah. BBC-da markasta way badbaadeysaa.

Balse waa caqli marka qof uu fahmo in wakhtigan uu ka duwan yahay xilliyadii hore.

Dib u magacaabidda Nicky Morgan oo noqoneysa Xoghayaha Dhaqanka, iyo qorshaha ah in bixin la'aanta lacagta shatiga ay tahay arrin bulsho halkii ay ka ahaan lahayd dembi, taas oo BBC ka jareysa £200m ($263m), waa in taa haddala sii saadaaliyo.

Waxaa jiro seddax sabab, waxaa ka mid ah fahamka siyaasadda Britain iyo isbedellada qaababka dib u habeynta warbaahinta caalamka, kuwaas oo walalka mustaqbalka BBC si aan caadi ahayn u sii kordhinaya.

Marka hore, maamulka. Siyaasadda waa hadafyo isku qasan iyo xaalado hoose, labadubana waxay leeyihiin ujeedooyiinkooda u gaarka ah iyo qofka maamulka u haya. Hadda, shaqsiyaadka hoggaminaya Britain, kuwaas oo masuuliyad adag ay saaran tahay duufaantana marba ay dhinac u rogeyso sida shakiyada ay qabto BBC-da.

Bishii October, Ms Morgan waxay sheegtay "in ay ka fakareyso oo u maskax furan tahay" sidii lacagta shatiga loogu badali lahaa qaabab kale, sida qaabka Netflix ay lacagta uga hesho dadka.

Qaabkaas wax ka qaldan ma jiro. Way fiican tahay in la noqdo qof dhinacyo badan maskaxda ku haya. Balse iyadu ma ahayn qof si dareen ah oo tartiib ah u difaaceysa hannaanka hadda in uu yahay mid si cad u muuqda.

Xilligii ololaha doorashada, tiro warbixinno ahaa kuwo sumcad ahaan waxyeelo ah oo uu diyaariyay lataliyaha Xafiiska ra'iisul wasaaraha Dominic Cummings, waxaa qeyb ka ahaa warbaahinta London si guud, si gaar ahna BBC.

Waa suuragal ah in loogu cudur-daaro aragtidiisa, ama laga diido; arrinta halkan laga garan karo waxay tahay in saxafiyiinta xiriirka la leh Aqalka No 10, waxay qoreen warbixinno kala duwan, tusaale ahaan, kuwaas oo sheegay in dowladda ay si qabow u wajahday Barnaamijka Today programme.

Sidoo kale, xilligii ololaha wuxuu ra'iisul wasaaraha BBC u sheegay: "Illaa muddo intee la eg baad sii wadi kartaa hannaan ogolaanaya in qof kaste oo telefishin haysta uu bixiyo lacag lagu maalgelinayo idaacado iyo TV-yo? Waa taa su'aasha. Xilligan, qorsheheenna ma ahan in bixinta shatiga TV-ga oo dhan in aan meesha ka saarno, in kastoo aan si hubanti leh uga fiirsanayo."

Hadalka ayuu sii watay: "Waxaan dhihi doonaa... waa in aad is weydiiso haddii qaabkaas maalgelinta TV, hay'ad warbahin, ay macno sii sameyneyso xilliga fog, iyadoo la eegayo sida warbaahinta kale ay isu maalgeliyaan."

Kuraas eber ah

Waxaa la xusuustaa caradii ay dareemeen lataliyayaal u dhowaa David Cameron markii ay BBC ku hanjabtay in "kuraasta ay uga kici doonto" xilligii doorashada ee 2015-kii. Taas waxaa aad uga sii xanaaqay dad badan oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka.

Waxaa xanaaqaa hadda ku dartaa isbeheysiga Morgan, Cummings iyo Johnson; waxaad ku sii dartaa xanaaqa xisbiga Labour-ka ee BBC ay uga qaadeen ololaha doorashada; Si lama filaan ah waxaad u arkeysaa in BBC aysan saaxiib ku lahayn Westminster, taas oo ka duwan sidii ay ahaan jirtay.

Sababta labaad waa baraha bulshada, waa qaad cusub. Si gaar ah Twitter-ka si xun ayuu doorashada u saameeyay, wuxuuna hoos u dhigay qaabka saxaafadda Britain siyaabo kala duwan. Si qaas ah, in saxafiyiinta qaar loo badalo kuwa qabatimay oo si guud u soo koobaya fikraddooda Britain oo dhan iyagoo u dhigaya sida ay dadka daneynayaan. Waa weji xumeynta BBC.

Mid ka mid ah saameynta ay baraha bulshada yeesheen, oo noqon karta mid fiican, waxaa ka mid ah in dadka qaar ay heleen melo ay ku dhalleeceeyeen hay'ado sida BBC oo markii hore ay ku qasbanaayeen in ay warqad email ama boosto ah u soo diraan si fikirkooda loo maqlo.

Waa suuragal in la dhoho: "Waa shaqaale rayid ah waxaana bixinaa mushaarkooda". Waa run; balse dadkii horey uga soo shaqeeyay, kuwaas oo xifaaltan adag aan la kulmin, miisaaniyad badanna haystay, way u fududeyd. Waxaa intaa dheer - qaar ka mid ah dadkii horey uga soo shaqeeyay waa hadda kuwa sida ba'an u dhalleeceeya BBC.

Dareenka adag ee ku saabsan wuxuu abuurayaa qalalaase joogto ah oo ah in duullaan lagu yahay, sababtoo ah waxay aad u dhageystaa kuwa dhalleeceeya ee xanaaqsan, marka loo eego kuwa ku faraxsan.

Dhammaadkii isbuucii tagay, illaa 12 milyan oo qof ayaa daawatay muuqaal la baahiyay. Balse marka laga hadlayo facelinta, 12-kaas milyan waxaa suuragal ah in ay sameeyeen shaqo ka yar midda ay qabteen 12 qof oo xun oo Twitter-ka dhex wareegaya iyagoo aan la aqoon.

Daciifinta

Midda seddaxaad, waa kacaanka cusub ee warbaahinta caalamka oo si aan kala soocn lahayn usii daciifinayo dareenkeena ku aadan BBC - Taasna waxaa la socda, mustaqbalka dhaqaalaha laga helo Shatiga TV-ga ee daawadayaasha ay bixiyaan.

Dhallinyarada aad uma daneeyaan wararka BBC-da marka la barbardhigo sidii ay dadkii hore ahaan jireen. Taasna way sii soconeysaa. BBC way ka jawaabi kartaa, balse dib uma soo celin karto.

Taas waxay ahayd halista soo jirtay ee BBC ay wajeheysay. Qodobka muhiimka ah wuxuu yahay, tani waa mid dhab ah, caqabad dhanka hannaanka ah oo abuureysa cadow fikradeed oo ka dhan ah BBC - dad dareemaya in ay tahay garabka warbaahinta ee magaalooyiinka.

Doodeyda waxay tahay mid kooban. Isugeynta isbedellada shaqsiyadeed; kuleylka iyo natiijadii ugu dambeysay ee doorashada; dhaxalka xun ee baraha bulshada; iyo ujeedooyiinka hoos u dhigidda BBC oo muddo haysatay suuqa wararka iyo madadaalada, hadda waa cuseyb iyo dhibaato isu tagtay.

Xeerka hadda ee Boqortooyada waxaa la cusbooneysiin doonaa 2027-da, balse wadahadalka dhaqaalaha BBC ay ka hesho Shatiga wuxuu billaabanayaa 2022-da.

Lacagtaas oo dadka dhalleeceeya ay ugu yeeraan canshuurta TV-ga, wuxuu udub dhexaad u ahaa hannaanka shacabka Britain, muddo qarni ku dhow.

Tiirkaas hadda waxaa suuragal ah in si degdeg ah uu meesha uga baxo oo ka duwan sida aad ku fakareyso - sababtoo ah xillgan wuu ka duwan yahay waqtiyadii hore.