Fannaanka Maxamed BK oo Bristol ku nooleynaya dhaqanka Soomaalida

.

Xigashada Sawirka, Kate Stanworth

Qoraalka sawirka, Fannaaniinta ka muuqan doona munaasabadda isbuuca dhaqanka Soomaalida ee Bristol waxaa ka mid ah Maxamed BK
Published

Fannaan Soomaali ah, oo caalamka si weyn looga yaqaanno ayaa muusiga u adeegsanaya inuu dhalinyarada Soomaalida ah ee qurbaha jooga ku xiro dhaqankooda astaanta ah.

Maxamed BK, oo ay ujeeddadiisu tahay inuu Soomaalida ku nool magaalada Bristol ee dalka UK ku nooleeyo dhaxalkooda, ayaa la xaqiijiyay inuu ka qeyb gali doono munaasabadda isbuuca dabaaldagga dhaqanka Soomaalia ee sanadka 2020-ka.

Waxaa fannaankan lagu qeexay inuu yahay "kan kaliya ee sida tooska ah ula hadla dhalinyarada, arrintaasoo noqotay astaan isaga u gaar ah".

Munaasabadda sannadlaha ah ayaa waxyaabaha lagu soo bandhigi doono waxaa ka mid ah muusigga, buugaag iyo dhacdooyin taariikhi ah.

.

Xigashada Sawirka, Kate Stanworth

Qoraalka sawirka, Jiilal Soomaali ah ayaa isugu tagaya inay ka qeyb galaan munaasabadda dhaqanka

Maxamed BK, oo magaalada Bristol gaaray 16-kii bishan November ayaa waxaa soo dhaweeyay dad ay tiradoodu gaareyso in ka badan 300 oo ruux.

Heesihiisa caanka ah waxa ay soo jiiteen malaayiin qof oo daawaday.

Wakiilkii hore ee Somaliland u qaabilsaneyd UK, Ayaan Maxamuud ayaa sheegtay in BK uu hadda qeyb weyn ka qaadan doono munaasabadda sannadlaha ah.

"Dhalinyarada aan ku hadlin Afsoomaaliga waxay dhammaantood heesihiisa u xafideen eray eray, arrintaasna waa mid aysan waligood horay fannaaniinta kale u sameynin", ayey tiri.

Wuxuu BK waddankaas booqasho ku tagay marar badan, isagoo doonayay "inuu soo nooleeyo dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida".

Presentational grey line

Shan xaqiiqo oo ku saabsan bulshada Soomaalida ee Bristol:

  • Qiyaastii 20,000 oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku nool magaalada Bristol
  • Qaarkood waxay kasoo jeedaan Koonfurta Soomaaliya iyo Waqooyiga oo ah Somaliland - Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida.
  • Dad badan oo ku nool meelaha ka baxsan Soomaaliya iyo jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxaa loo yaqaannaa Qurbajoog
  • Somaliland waxay aqoonsi caalami ah raadiensyay 28-kii sano ee ugu dambeysay, ka dib markii uu Soomaaliya ka qarxay dagaalka sokeeye
  • Dhaqan ahaan, Aqoonsiga Soomaalida wuxuu aad ugu xiran yahay qabiilka
Presentational grey line
.
Qoraalka sawirka, Susan Cilmi waxay kasoo safartay Kent si ay uga qeyb gasho munaasabadda ka dhaceysa Bristol

Susan Cilmi, oo 25 jir ah, waxay sannado badan taageero u ahayd Maxamed BK.

Waxay tiri: "Dhaqanka Soomaalida, dad badan ayaa dareenkooda ku cabiray heeso iyo gabayo, arrintaasina waxay soo jirtay qarniyo badan.

"Ninkan wuxuu dib usoo celinayaa doorkii ay dhalinyarada, wuxuuna fidinayaa dhaqankeenna dhaxalka ah.

"Waxay ila tahay in Soomaalida qurbajoogta ah ay yihiin dadka looga baahan yahay inay ku xirnaadaan dhaqankooda".

Maxamed BK wuxuu sidoo kale dhalinyarada ku nool UK ku dhiirrigaliyaa inay ku dadaalaan waxbarashada, maadaama taasi ay tahay waxa waalidiintooda ku kallifay inay usoo qaxaan qurbaha.

.
Qoraalka sawirka, Amiira Xassan waxay carruurta ay habaryarta u tahay keentay xafladda

Amiira Xassan, oo 45 jir ah, kana mid ah dadka jecel munaasabaddan ayaa tiri: "Waa wax aad u weyn oo ay helayaan carruurteenna, si ay qeyb uga noqdaan taariikhda dhaqankooda. Muhiim ayey noo tahay annaga, sababtoo ah wax badan ayey baranayaan carruurteenna.

"Labaatan sano ka hor, arrin noocan ah kuma aannaan heysanin UK gudaheeda, carruurteennuna wax cilmi ah kama aysan heysanin dhaqankooda".

Maxamed BK wuxuu Bristol dib ugu laaban doonaa bisha October ee sanadka 2020-ka, si uu bandhig uga sameeyo munaasabadda isbuuca dhaqanka.