Maxaa sababay in Golaha Guurtida Somaliland uu waqtigii u kordhiyo golayaasha sharci-dajinta?

Golaha Guurtida ee Somaliland
Published

Fadhi ay saaka isugu yimaadeen Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxa ay mudo laba sanadood ah ku kordhiyeen mudada uu sii jirayo golaha wakiillada.

Muddo kordhinta ayaa waxa ay ka bilaamaysaa 12-ka bisha Janaayo ee sanadka soo addan ee 2020 waxa ayna ku eg tahay 12-ka isla bishaas ee sanadka 2022.

Golaha Guurtida ayaa dhinacooda waxa ay taas ka dhigan tahay in ay mudada ka dhammaan doonto bisha Janaayo ee 2023-ka.

Kordhinta ayaa sida laga akhriyay golaha hortiisa waxa lagu saleeyay, markii ay caadaatay in aan waqtiga ka harsan mudo xileedka golaha wakiillada aanay suurogal ahayn in doorasho dhacdo.

Sidaa dareteed si aanay u dhicin firaaqo ama marnaan dhanka sharci-dajinta ah ay daruuri noqonayso in golaha guurtida oo dastuurku uu siiyay awoodda mudo kordhinta goloyaasha ay go'aan ku gaareen in mudadaasi labada sano ah loo kordhiyo golahaasi.

Xildhabaan Cabdulqaadir Maxamed Xasan (Indho_indho) oo ka mid ah gudi hoosaadka arrimaha dibadda ee guurtida oo la hadlay BBCda ayaa sheegay in ay mudo bil ahba ay hayeen warqad ka timid madaxweyne Muuse Biixi Cabdi taas oo uu ku dalbanayay in ay waajibkooda ka gutaan, xilli la joogo dhamaadka golaha wakiillada.

Arrintaas ayaa lagu sababeeyay maadama ay caddeeyeen guddiga Somaliland ee doorashada ee iyana waqti xileedkoodii sii dhamaanayo in aanay doorosho ku qabsoomayn xilligii hore loogu qoondeeyay oo ahayd bisha Diseembar ee sanadkan.

Taasna waxa ay ka dhigan tahay in doorashada labada gole ee wakiillada iyo deegaanka aanay qabsoomi doonin.

Xildhibaan Indho-indho
Qoraalka sawirka, Xildhabaan Cabdulqaadir Maxamed Xasan (Indho_indho)

Xildhibaan Indho-indho ayaa waxa uu intaasi ku daray in guddi ka kooban 30 xubnood oo uu ku jiro shir gudoonka Golaha Guurtida loo saaray arrinkaasi.

Guddigaas oo wadatashi la sameeyay qaar ka mid ah dadka ay arrimahaasi khuseeyaan, inkasta oo uu cadeeyay in aanay arag labada xisbi ee mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID.

Hasayeeshee waxa uu xildhibaan Cabdulqaadir Indho-indho sheegay in maadama ay iyaga awoodooda tahay ay qabsadeen shaqadoodii.

Xildhibaanka oo ka hadlayay sida ay xubnaha golaha guurtidu codka u rideen ayaa sheegay in marka hore la soo jeediyay in muddo laba sano ah mudada lagu kordhiyo, taas oo 70 xildhibaan oo goobta fadhiyay ay si buuxdo isugu raaceen mana aanay jirin cid diidday ama ka aamustay.

Golaha Guurtida ee Somaliland

Xisbiyada mucaarida lama oga sida ay u arki doonaan kordhiskan cusub ee loo sameeyay golaha wakiillada oo noqonaysa markii lixaad ee loo kordhiya mudo xileedkooda.

Golahan oo markii ugu horraysay la doortay bishii Sibteembar 2005, ayaa muddo xileedkiisa waxa uu ku ekaa 2010kii.

Qoraalka Codka, Golaha Guurtida