Tyrone Mings: Huteel ayaan adeege ka soo ahaa maantana xulka Ingiriiska ayaan u dheela

Wuxuu soo qabtay shaqooyinka ay ka midka yihiin huteelka khamriga lagu cabbo inuu adeege ka noqdo, dadkana uu guriyaha u kala iibiyo, maantana wuxuu ka tirsan ciyaartooyda kubbadda cagta xulka Ingiriiska.
Toban sana ka hor ciyaartooygan ayaa kooxda Southampton ku eriday inuu caata yahay, maantana ciyaartooygaasi wuxuu u ciyaarayaa xulka qaranka Ingiriiska, waa Tyrone Mings.
10-kaasi sano wuxuu Tyrone uu soo marxalad badan si ciyaartooy dhan walba ka dhammeystiran uu u noqdo.
Mar uu damcay inuu u ciyaaro kooxda Chippenham Town waxaana shaqada looga eryey inuu shaqada ka haray isaga oo aan xanuunsan inuu yiri waan xanuunsanahay. Tababaraha xulka Ireland waxaa dhex maray dagaal aad u adag.
Safarkiisi Kosovo
Mingis kooxda Aston Villaa uu hadda u dheelo wuxuu uga yimid Porthsmouth. Ciyaartoygan oo difaaca ka dheela ciyaaraha Premier League waxaad mooddaa iney ku adkaanin.
Ciyaartoygan uu dhererkiisu yahay 195 Senti metir wuxuu kaalinta labaad uu uga jiraa kubbadaha uu ka fogeeya goolka oo shabaqa taaban lahaa.
Bristol Rovers ciyaartooygi ay yirahdeen nama anfaceysid wuxuu dib ugu laabtay dugsiga uu wax ku soo bartay si uu ugu dheelo. Wakhti ka mid ah noolashiisa wuxuu ciyaartoygan uu soo maray inuu habeenki adeega ka noqdo huteel khamri lagu iibiyo. Maalintina wuxuu dullaal ka ahaa oo wax u kala gadi jiray bangiga iyo dadka guriyaha ay u iibiyaan sidaa ayuu komishin kaga heli jiray.
Xilligi adkaa oo uu soo maray Tyrone oo uu ku iibsaday 100 gini ayaa garab weyn u tahay inta uu halganka noolasha soo waday.
Kaddibna kooxda Ipswich Town ayaa ciyaartooygaasi si uu ugu dheelo heshiis ku meel gaar ah la galay. Balse waxay Tyrone heshiin waayeen tababaraha xilligaasi ee kooxda Ipswich Town Mick Makarty. Hase yeeshee, tababaraha oo arkay xirfadda ciyaareed ee ciyaartoyga wuxuu la galay heshiis 18 bilood ah, waxayna arrintani dhacday mudda hadda laga joogo lix sano.

Xigashada Sawirka, CORSHAM TOWN
Lix bilood kaddib marki uu heshiiska la galay kooxda Ipswich Town ayuu marki ugu horreysay u saftay. Wixi intaa ka dambeeyeyna wuxuu fursad u helay inuu 18 ciyaarood uu u ciyaaro.
Wuxuuna marar badan uu tababaraha ay isku af dhaafi waayeen sababta uu ugu oggolaan la'yahay inuu ciyaaraha u safto.
2015-kina wuxuu heshiis la galay Bournemouth, wuxuuna heshiis kula galay 8 milyan oo pound. Balse ciyaarti ugu horreysay oo uu kooxda u saftay mara ay 6 daqiiqo socotay ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray. Muddo 17 bilood ahna wuu awoodi waayey inuu ciyaar kale u soo safto.
Waa markaa, marka ay AFC Bournemouth ay ciyaartooyga amaahiyeen Aston Villaa. Aston Villa waxay kaalin weyn ku lahayd inuu Mingis uu ku biiro ciyaaraha horyaalka Ingiriiska. Waxaana ugu dambeynti heshiis joogta ah uu la galay kooxdaasi.
Mingis wuxuu marwalba dadka ku hareereysan iyo saaxibbadii uu u sheegi jiray inuu rajeynayo inuu mar un uu u ciyaaro xulka qaranka Ingiriiska. Muddo kaddibna wuxuu ka dhabeeyey riyadiisi ahayd inuu mar un uu u safto xulka Ingiriiska waxaana la rajeeynayaa inuu caawa uu u safto ciyaarta ay caawa wada dheelayaan kooxaha qaramada Ingiriiska iyo Kosovo.
Kooxda Southampton oo ciyaartooygan marka uu horlahaa diidday ee tiri kuma dooneyno waxaa sanadkan laga dhaliyey goolal aad u badan, waxayna kaalinta 19aad kaga jirtaa dhinaca shaxda ciyaaraha. Haddaba waxaa la isweeydiinayaa ciyaartooygi ay kooxda Southampton ay eriday maanta marka uu noqday ciyaartooy caan ah ma laga yaabaa iney kooxda ay go'aankeedi hore ka qoomameyneyso?
Mingis dhankiisa wuxuu ka sheegay inuusan cuqdad iyo qoomamo midna ka qabin sida looga eryey Southampton.











