Nin booliska Israa'iil ay jirdileen oo ka sheekeeyay wixii ku dhacay

Palestinian Karam Qawasmi shows the t-shirt he was wearing when allegedly an Israeli border guard shot him in the back

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

"Waxaa ka muuqda muuqaalkaas kama badna naxdin leh oo dhawr ilbidhiqsi ah. Muuqaalka dhawrka ilbidhiqsi ah ayaa ah naxin iyo xanuun badan", ayuu Karam Qawasmi ku qoray boggiisa Facebook.

Ninkan 22 jirka ah wuxuu u dhashay Falastiin, wuxuuna ka hadlayaa dhacdo 18 bilood ka hor ka dhacday waddo buundo hoos marta oo aan aalaaba aan iftiin badan lahayn oo gabar ka tirsan booslis Israa'iil ay ku toogatay, sida la sheegay.

Arinta waxaa laga war helay markii muuqaalka telefishan Israa'iill laga leeyahayb uu baahiyey todobaadkii ugu horreeyey bishan Noofember.

Hase yeeshee Qawasmi wuxu laanta Af-Carabiga ee BBC u sheegay in waxa muuqaalkaas uu muujinayaa yahay wax yar oo kooban oo ka mida wixii loo gaystay.

Toogashadii

"Halis kumaan ahayn askarta. Waan tusay kaarkayga aqoonsiga," ayuu yiri.

"Qasab baa la igu geeyey meel aanan garanayn markaasaa si xun la ii garaacay oo la i jir dilay, muddo saddex saacadood iyo dheeraad ah, oo madaxa, dhabarka iyo jirkoo dhan la iga garaacay. Waxa la iigu hanjabay hadaan degdeg meesha uga tagi waayo in la i toogan doono," ayuu sheegay.

Qawasmi wuxu BBC-da uga waramay mudadaa aragagax lahayd, daqiiqadihii ugu dambeeyey ee la sii daayey isaga oo gacmaha kor u taagaya uu ka dhaqaaqay askartii hubaysnayd.

Karam Qawasmi holds the t-shirt which he was wearing on that fateful day

"Waxaan is lahaa uun goormay xabbaddu kugu dhici doontaa. Waxaan sugayey in ay i toogtaan".

Wuxu sheegay Qawasmi in uu muddo dhawr daqiiqo ah miyir daboolmay markay rasaasta cinjirka ah ay ku dhacday. Waa rasaas aan wax dilin, laakiin meel dhaw baa lagag riday waxaanay jugtii dhaawac weyn gaadhsiiyay uur ku jirtiisa lafuhuna way dilaaceen.

Gargaar La'aan

Markuu soo miiraabay ayuu sheegay in uu arkay askar ka dul qaylinaysa oo rasaas agtiisa la dhacaysa.

Qawasmi displays on his phone a video leaked online apparently showing a border guard shooting him in the back

Xigashada Sawirka, AFP

"Iima ay nixin. Anigoo dhaawacaygii qaban ayaa saacad iyo badh u lugeeyey magaalada Anata. Oo aan ka dibna tagay isbitaal ku yaal Hebron".

"Way i jir dileen oo rasaas ila dhaceen iyaga oo aad moodo inay ciyaar fiidyow... sida aan xawayaan ahay oo kale ayey iila dhaqmeen"

"Muuqaalku wuxu muujinayaa 10% intii ay i garaacayeen" ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale BBC u sheegay in uu dareensanaaa in ay askartaas markii ay garaacayeen muuqaal ka duubayeen.

Baaritaan.

Wasaaradda cadaaladda Israel waxay sheegtay in ay dhamaystirtay baaritaan ay dhacdadaa ku waday oo ay si dhakhso ah go'aan uga gaaridoonto in dacwad lagu oo oogo askariga lagu eedeeyey in ay rasaasta ku ridday, hadii lagu helo.

Qawasmi watches on his phone a video leaked online apparently showing a border guard shooting him in the back

Xigashada Sawirka, AFP

"Markaa muuqaalka la helay waxaanu wadnay isku dayo aan ku raadinayno dhibanaha, nasiib darro se waanu heli waynay," ayaa lagu yidhi warbixin wasaaradda cadaaladda ka soo baxday.

"Dhawaan uun baa la gartay dhibanaha cidda uu yahay haatanna baareyeesha waxay doonayaan in ay la kulmaan si ay caddaymaha ay heli karaan uga qaataan," ayay lagu yiri warbixinta.

Laakiin Qawasmi wuxuu sheegay in aan cidina la hadal oo aanay caddayn weydiin.

Qawasmi showing the video of his attack

Xigashada Sawirka, AFP

Qareenka eedaysanahu wuu beeniyey in ay rasaas ku dhufatay ninkaas, sida uu sheegay Haaretz, iyo in muuqaalkaa soo baxay aanu muujinayn qofka toogtay kan uu yahay.

Telefishanka muuqaalka muujiyey wuxuu sidoo kale sheegay in nin askari ah uu ku faanay dhacdadaas oo uu fariin ahaan ugu diray saaxiibaddii.

Caddaalad darro

Israa'iil waxaa muddo dheer ay ururrada xuquuqda aadanaha u doodaa ku eedayn jireen in awood xad dhaaf ah ay u adeegsato Falastiiniyeenta. Mid ka mid ah ururada ugu magaca dheer Israa'iill oo la yidhaa B'Tselem ayaa sheegay in dhaqankaa cadaalad darrada ah dhiiri geliyey dhacdoonyinka noocaas oo kale ah.

Palestinians walk as Israeli soldiers take position at Aroub refugee camp, north of the West Bank city of Hebron

Xigashada Sawirka, EPA

Daanta Galbeed aan ku noqononnee, Qawasmi wuxuu ku faraxsanyahay in dunidu ka war heshay dhibaatada isaga gaadhay.

Wuxuu hadda shaqo ka helay tukaan ku yaal Daanta Galbeed waxaanu doonayaa inuu sidiisii caadiga ahayd iskaga noolaado.

"Waxaan u rajaynayaa Falastiiniyiinta oo dhan in ku noolaadaan nabad iyo nabadgelyo iyo xorriyad sida umadaha kale ee dunida," ayuu ku qoray boggiisa Facebook.